Cawaamisha Burburka Xadaarradaha (Akhrin Taariikheed)


Mar walba oo ay dunida maaddi ahaan u horumarto, waxaa hoos u dhaca saddex shey oo nolosha muhiim u ah; kow qiyyamka iyo akhlaaqda dadka, xurriyaadka oo si khalddan loo fahmo, iyo in wax walba la nuxur tiro; marka aan dib u eegno taariikhda Aadanaha waxa aan ka dheehan karnaa casharro si hufan inoogu sharxaya dabeecadda noolaha, tusaalle Qur'aanku wuxuu ka sheekeyay qisooyin badankooda qabsaday Nebiyo iyo Quruummo hore, kuwaas oo qaabkoodu ahaa Nebi in laga soo dhex saaro ummad xad gudubtay, kaddibna uu sameeyo kacaan gun iyo baar saameeya ummaddaas, haddii uu middaas ku hungoobana uu habaaro, saasna lagu baabbi'iyo.

Tusaallayaal cad cad ayaa kusugan taariikhda, kuwaas oo caddeyn u ah mar walba oo Benii Aadamku hormar ka gaaro nolosha uu dhanka kalena xad gudub ka sameeyo; aan tusaalle usoo qaadanno reer Huud, sida Qur'aanka ku cad Qowmu-Huud waxa ay nolosha ka gaareen Maaddi ahaan heer sare, oo waxa ay qaddartu gaarsiisay in ay meel kasta oo sareysa (Buuraha) ka sameystaan dhismayaal ay iskugu faanaan, kuna madaddaashaan, taas oo muujineysay xadaarrad ahaan halka ay ka gaareen dhismaha xilligaas aadka u fog, ha yeeshee dhanka kale reerkaas waxa ay ahaayeen kuwa ka tagay qiyyamka iyo akhlaaqda, oo waxa ay ku xad gudbeen benii aadamnimada, oo qofkii ay qabtaan si aan arxan lahayn ayeey u ciqaabi jireen, haba ugu badnaadeene masaakiinta iyo dadka laga tirada badan yahay; sida ku cad Aayadaha 127-129, ee suuradda Shucarraa'. أَتَبْنُونَ بِكُلِّ رِيعٍ آيَةً تَعْبَثُونَ (128) وَتَتَّخِذُونَ مَصَانِعَ لَعَلَّكُمْ تَخْلُدُونَ (129)وَإِذَا بَطَشْتُم بَطَشْتُمْ جَبَّارِينَ

Si lamid ah reer Luud, waxa ay ahaayeen kuwa Xurriyadda Khalad ka fahmay, illaa ay gayeeysiisay in ay raggooda is hammiyaan; Reer Shuceybna waxaa looga taag waayay dhiigmiiradnimo iyo in ay Miisaanka miisaan, dhaqaalle ahaan meel sare ayeey ka joogeen wakhtigooda, balse akhlaaq ahaan ayeey liiteen, taas ayaana soo dedejisay in ay burburto ilbaxnimadoodii wakhtiga badan jirtay.
Reerkii Faraacinnada ahaa ee iska heystay Masar maaddi ahaan waxa ay tiigsadeen horumar dhanka dhismaha ah, taas oo illaa hadda benii aadamku ka caajisan yahay noocooda in la sameeyo, suureyso Ahraamtaas qaddiimka ah Masaaridii hore dhiseen, waxa ay u ahaayeen xabaallo, in kabadan 5 kun oo sano ayeey jiraan, isbaddal badanna kuma iman, Maleey sidee bay ahaan karayeen qasriyadoodii iyo guryahoodii ugu bilicda badnaa xilligoodii, marba haddii xabaallahooda aan maanta la yaabbannahay; Illaa xad waa farsamo aad u heer sareysa, si kastaba qoyskaas Faraacinnada waxaa soo gaba gabeeyay nidaamkooda dulmi iyo akhlaaq xumo ay kula kaceen Qowmiyaddii Yahuudda ahayd ee ay ka tirada badnaayeen, kuna hoos nooleyd nidaamkooda, kuwaas oo ay ku qasbeen in aysan wax wiil ah dhalin; mar walba oo dulmigu bato, waxaa soo dag daga kacdoon ay ummadi sameyso, dhankuu doono haka imaadee, sidaa darteed Kacdoonkii ay calanka u sideen Nebi Muuse iyo walaalkiis Haaruun ayaa soo gaba gabeeyay nidaamkii Qibdhiyiinta Masar ee dhowrka kun ee sano soo jiitamayay.
Si lamid ah ummado badan ayaa sidaas oo kale u baabba'ay mar walba oo ay ku talax tageen Maaddinnimada, dhammaan ummadaha aan soo sheegnay waxa ay wadaagaan saddex cilad oo aan bilawgii soo sheegnay waana in ay kow xurriyaddii khalad ka fahmeen, illaa ay xad gudbeen, akhlaaqdii iyo qiyyamkii dadnimmana meel soo dhigteen, wax walbana nuxurka tireen.

Maanta waxa aan nool nahay iyada oo xadaarradda Galbeedka uu calankeeda babbanayo, adduunkuna ku talaabsanayo horumarkii ugu sareeyay taariikhda; haddana dadku waxa ay sii noqonayaan Maaddiyiin aan qiyyam iyo moral midna lahayn, xurriyaddana ku talax tagay illaa ay noqdeen bahaahin dhan kasta ka bahalloobay.

Run buu sheegay Vine Deloria Jr, taariikhyahankii Mareykan, markii uu lahaa "Xadaaradda Galbeedka, nasiib darro waxa ay isku xiri weysay aqoonta iyo Qiyyamka, caksiga waxa ay isku xirtay oo ay isla qaadatay aqoon iyo awood, illaa heer ay kala tageen aqoonta iyo akhlaaqda"

Comments