Buur Heybe, barta ay iska helaan silsiladda buuraha ugu badan ee dhaca dhulka Dooy ee Koonfurta Soomaaliya. Waxa ay 180 Km jihada Wuqooyi Galbeed kaga beegan tahay magaalada Muqdisho. Dhul ahaan 610mitir ayeey ka sarreysaa heerka biyaha badda.
Dadka deegaanka waxa ay u yaqaanaan halkan Buur Heybe ama Buur Eyle. Waxaa ku shaqlan buuro iskugu jira cara gaduud iyo dhagax adag kuwaas oo si ashqaraar leh ugu hareereysan magaalada.
Magaca Heybe waxa ay ku mudatay carrada cas ee rabbi goglay dhulkeeda iyo dhoobada cuddoon ee laga helo buuraheeda.
Halkan waxaa deggen dad Eyle u badan oo ugaarsada. Waa raacato Beeraley ah oo haddana ugaarsata; waxa ay wataan Eeyo tababaran oo loo carbiyay ugaarsiga iyo waardiyeynta beeraha kuwaas oo door muhiim ah ugu jira nolosha dadka deegaankan.
Taariikh ahaan Buur Heybe waxa ay ahayd goob muhiim ah. Sheekooyinka la iska weriyo ee reer ‘Dooy’ waxa ay sheegaan in ay jirtay boqortooyo Islaamka ka horreysay oo aaggaas ka talin jirtay Buur Heyba na ay saldhig u ahayd.
Marka laga dhimbil qaato xabaallo sharafeedyo la siyaarto oo aaggan ku yaalla oo wakhtiyo kala duwan ku suntan, waxa ay si buuxda inuugu bidhaamineysaa jiritaanka ilbaxnimo iyo xadaarad guun ah oo deegaankan ka jirtay
Waxaa ku yaalla godad ay ku xardhan yihiin faro iyo qoraallo aan si buuxda loo qeexin qaarkood iyo godad kale oo micno taariikheed leh, na gu na baraarujinaya ahmiyadda deegaankan.
Mid kamid ah degellada iyo dhagaxyada aan weli sida hufan loo abla ableyn waa dhagaxa ay dadka deegaankaas siyaartaan ee la yiraahdo “Abka Eeden I Aboy Haawo’’ (Abka Aaddan iyo Awooto Xaawo) godkaan inkastoo aanan si faahfaahsan aan cilmi baaris loogu sameyn haddana dad badan waxa ay rumeysan yihiin in uu yahay degel muhiim ah oo u baahan fasiraad dheeri ah.
Dr Qaasim Hersi oo kamid ah aqoonyahanka Soomaaliyeed ee taariikhda dersay waxa uu marar kala duwan ku dooday in godkaas ay reer Buur Heybe weyneeyaan ee leh magaca Xaawo iyo Aadan uu aad ugu eg yahay qabriyada la sheego in ay ku jiraan Xaawa iyo Aadan ee ku kala yaalla Sri-Lanka iyo Saacuudiga. Waxaa uu sidoo kale ku dooday in aan la dhayalsan suurtagalnimada in Xaawa iyo Aaddam ay ku duugnaan karaan deegaankaas maaddaama cilmiga uu hadda sugayo in Aadanuhu asalkiisa kasoo faracmay Bariga Afrika.
Inkastoo dooddan ay tahay mid maangal ah haddana xogaha la hayo kuma filna oo weli waxaa loo baahanayaa cid si qota dheer u baarta degellada ku yaalla deegaankaas si dooddu u bislaato.
Meel u dhow godka Abka Eeden I Oboy Haawo waxaa ku yaallay god dheer oo ay dadku dulmaraan. Sida la weriyo godkaas dadka dhaqanka xun ee camalada liita ku sifeysan waa ay ku dhici jireen oo dib dambe looma arki jirin. Taas waxa ay keentay in aaggaas aysanba ka soo dhowaan dadka xun xun.
Dhaqamadii Hore ee Buur Heybe
Inkastoo qeybta labaad ee taariikhda Buur Heybe aan uga warami doono dhaqamadii iyo sheekooyinkii deegaankaas ee muujinayay qota dheerida reer Buur Heybe haddana wax yar oo kooban aan far iyo suul darsado dhaqamadii ugu muhiimsanaa deegaankaas.
Godka Gogoshiis qabe oo aan gadaal si faahfaahsan ugu sharxi doonno waxaa uu ahaa baarlamaanka reer Buur Heybe, garta ayaa lagu qaadi jiray oo labadii is heysata oo ama beer isku qabsata ama wax kale isku heysata ayaa odayaasha iyo cuqaasha beesha ugu kala garnaqi jireen, si loo ilaaliyo qiyamka weyn ee caddaaladda taas oo deegaankan muhiim ka ahaa si loo wada ilaalsado nabadgelyada iyo wada noolaashiyaha dadka deegaankan.
Markale Buurta agteeda waxaa ku yaalla geed lagu magacaabo Yaaq-Qatil (ama Geed Yaaqa Toogashada) geedkaas waxaa lagu fulin jiray xukunnada lagu go'aamiyo Gogoshiis Qabe. waxaana lagu daldali jiray gacan ku dhiiglayaasha dilalka geysta. Yaaqan waxa uu astaan u ahaa caddaalad iyo garsoor.
Cidda garta qaadeysa waa gole deegaanku ku mideysan yahay oo odayaasha kuwooda da'da weyn iyo cuqaasha ku wada jiraan, oo laftigooda aan maqaalka dambe uga sheekeyn doonno golaha deegaanka ee Buur Heybe ka jiray iyo qaabka uu u dhismay iyo koritaanka uu sameeyay.
Markii uu Islaamka Yimid Dhulka Soomaalida
Markii uu Islaamku yimid deegaanka waxaa ku dhacay dhalan rogan xooggan. Wax kasta waa la diimeeyay oo weji Carbeed loo yeelay. Tusaale godkaas dadka san uun ay mari jireen waxaa loo bixiyay ‘Siraad’ oo ah fahan ahaan u dhow ama la micnaba ah waddada aakhiro marka la tago dadku ku kor socdaan oo kuwa wanaagsanna ay si nabad ah ku maraan, halka kuwa xun xunna ay ku dhacaan ama iyagoo ay kalaabbiib jeex jeexatay oo marba iftiinka uu ka tagayo tiigsadaan goobta xisaabta sida ay diinta islaamka noo sheegtay.
halka siyaarooyinkii iyo booqashooyinkii godadka barakeysnaa ee reer Buur Heybe ay sameyn jireen ka hor islaamka loo weeciyay siyaarooyin soo kordhay. Sida siyaarada Abal Qaasin oo sannadkiiba mar deegaankaas loo asteeyay in ay ka dhacdo iyo siyaarada Sheekh Cabdulqaadir Jeylaani oo ahaa aasaasihii dariiqada Qaaddiriyada oo ay xoogga dadka deegaankaas qaateen markii dambe taas oo ka dhici jirtay dhakada Buurta magaalada.
Sheeko afeedka (oral stories) beesha Eyle waxaa laga dheehan karaa in deegaankaas uu dagaallo kala duwan marti geliyay dhowr jeer oo horeyna la iskugu dayay in la burburiyo muqaddasaadka iyo dhaxalkii taariikhiga ahaa ee deegaankaas. Waxaa la weriyaa in ay marar kala duwan Buur Heybe ay soo weerarreen Beelaha Jiidle, Maadanle iyo Ajuuraan, ha yeeshee ay iska dhiciyeen iyagoo isticmaalaya falaarahoodii mariidka lahaa.
Baaritaannadii lagu sameeyay Buur Heybe
Gogollis Qabe ama Gogoshiis Qabe waa mid kamid ah godadkii lagu noolaan jiray ee taariikhda fog lahaa ee ku yaalla Buur Heybe. Si cilmi ah looma baarin dhagaxaas iyo dhagxyada lamidka ah ee ku yaalla aaggaas illaa laga soo gaaro 1935 tii markaas oo koox uu hoggaaminayay degel baarihii reer Taliyaani Paolo Graziosi ay tageen deegaankaas islamarkaana ay a sameeyeen baaritaankii ugu horreeyay oo rasmi ah kaas oo lagu baarayay godka Gogoshiis qabe. Poalo ayaa qoday laba god oo isku darka cabbirkoodu yahay 7m. mid kamid ah waxa uu ahaa 3.5m oo gunta hoose ee oogada. Qodiddii uu sameyay waxaa usoo baxday in dhagaxyadaas ay ahaayeen kuwa soo xiriirsanaa ilaa bartamihii casrigii dhagaxyada illaa dhammaadkii casrigaas ama waxa afka cilmiga lagu yiraahdo (Upper Paleolithic Period) godadka waxaa uga soo baxay qoraallo iyo farshaxan xayawaanaad u badan kuwaas oo derbiyada godadka ku xardhan.
Sida magaca laga garan karo godkaas waxaa uu ahaa god goglan oo agabkiisa loo dhammeystiray islamarkaana dadkii hore ee deegaankaas ku noolaa ay aaminsanaayeen in uu yahay god barakeysan oo dadka wanaagsan loogu talagalay.
Dhowr iyo toban sano kaddib tegiddii Paolo Graziosi magaalada waxa ay markale qaabbishay John Desmond Clark oo ahaa degel baare iyo askari Ingiriis ah. Clark waxaa uu tagay godka Gogoshiis qabe isaga oo sawirro ka qaaday.
Intii uu ku jiray baaritaankiisa Clark waxaa uu meel u jirta wax ka yar Hal kiloo mitir godka Gogoshii Qabe ka helay god kale oo ah godadkii ummadihii hore ay ku noolaan jireen kaas oo lagu magacaabo Gury Waabay ama “Gurigii Sumeysnaa” halkaas oo ka sameyay qoraallo kala duwan.
John D. Clark waxaa uu qaatay dood ka duwan tii Graziose, waxaana uu ku tilmaamay baaritaannadii uu sameyay in godadka ku yaalla Buur Heybe ay ku asteysan yihiin ku dhawaad shan kun oo sano illaa 7 kun oo sano ka hor dhalashadii Nebi Ciise (cs) isaga oo dooddiisa sal uga dhigay in magaaladaas ay la hanaqaadday casrigii Neolithic ga kalkaas oo ahayd markii koox Benii Aaddamka kamid ah ay go’aansadeen in ay raadiyaan nolol dhaanta tan ugaarsiga iyo reer guuraannimada, ayna bilaabeen in ay beeraha fashaan oo xoolaha dab joogta dhaqdaan oo dhagaxa farsameeyaan oo dherri sameynta ay bartaan.
Marka laga tago abla ableynta uu ku sameeyay dhagxaanta uu aagga ka helay waxaa uu sidoo kale qiray qaabka dheri sameynta magaaladaas in ay la xiriirto casrigaas.
Mashruucii Deegaan Iyo Degel Baaridda Ee ‘Buur’
Ilaa laga gaarayay 1983 oo ahayd ku beegneyd furitaanka mashruucii deegaan iyo degel baarista ee BUUR, xogta laga hayay aaggaas waxa ay ahayd mid ka bilaabata sheeko afeedda dadka deegaanka, lagu daray cilmi baarisyadii ay sameeyeen Graziosi iyo Clark. Mashruuca Buur waxaa uu ibba fur u noqday cilmi baaris dhammeystiran oo la jaanqaadeysay tiknoolojiyadda casriga ah taas oo ahayd tii ugu horreysay ee nooceeda aagga laga sameeyo.
Mashruucan oo hadafkiisu ahaa in si dhab ah loo baaro silsiladda buuraha ku hareereysan Buur Heybe ayaa waxaa uu sidoo kale daaha qaaday islamarkaana cilmi baaris ku sameeyay 14 qabri oo laga helay aagga godka Gogoshii Qabe, kuwaas oo loo badinayo in ay jiraan ku dhawaad toban kun oo sano.
Mar waa qofoof kamid ah kuwa ugu qaddiimsan ee laga helo Afrika kuwaas oo ku taariikheysan bilowgii casrigii dhagaxa (stone age) markalana waa qolafka ugu cimriga dheer qolfoofta laga helay dhulka Soomaalida.
Mashruuca Buur xogtii la hayay waxaa uu ku kordhiyay 14 xabaal oo ahaa ka hor taariikhda (pre-history) kuwaas oo laga helay hareeraha godka Gogoshiis Qabe.
Abla ableynta lagu sameeyay xabaalahaas waxa ay ahayd mid aad u xiisa badan. Xabaal kasta waxaa loo soo gaabiyay GQ oo laga soo gaabiyay Gogoshiis Qabe, kaddibna waxaa la raaciyay tiro. Tusaale GQ1, GQ2, GQ3, illaa GQ14.
Waxa ay iskugu xirnaayeen 11 xabaal oo meel ah, hal xabaal oo xabaal labaad ah (second Burial) iyo laba xabaal oo keliya ilkaha iyo daanka uun laga helay. Koox ahaan xabaalahan waxa ay ahaayeen dad dhaadheer, weji dhuuban oo dheerna leh. Waxa ay shabbahaan qolfoof ku wakhtiyeysan bilowgii casrigii Holocene ee laga helay harada Turkana (Kenya) iyo harada Besaka (Ethiopia).
Saddex iyo toban kamid ah xabaalahaas waxa ay ahaayeen dad waa weyn oo da’doodu u dhexeyso 18 sano illaa 40 sano. Lix kamid ah waxaa lagu sheegay in ay ahaayeen rag, halka lix kalana ay dumar ahaayeen. Laguma sheegin baaritaannadii la sameeyay cudur gaar ah oo ay u dhinteen iyo waxa sababay dhimashadooda.
Xabaasha ku asteysan GQ14 oo kamid ahayd laba xabaal oo keliya ilkaha iyo daanka uun laga helay, baaritaannadii la sameeyay waxaa lagu ogaaday in ay ahayd tan ugu cimriga dheer xabaalahaas, iyadoo ku asteysan bilowgii casrigii Holocene, (Holocene waa kal-taariikheed halbeeg u ah Jiyolojiyada wakhtiga, waxaana laga joogaa maanta wax ka badan 11 kun oo sano iyo bar).
Qaar kamid ah sawirradii xabaashaas laga qaadayHaddii aan dhahno xabaashaas waxa ay ku aaddaneyd bilowgii casrigii Holocene ka waxa ay ka dhigan tahay in ka badan Toban kun oo sano ayaa ay jirtaa, taas oo la micno ah in ay xabaashaas noqoneyso mid kamid ah xabaalihii ugu cimriga dheeraa ee laga helo dhulka Geeska Afrika.
Sidoo kale Buurta Heybe hoosteeda waxaa ku yaalla ceel lagu magacaabo "Guhaad" kaas oo dadka deegaanka ay sheegeen in uu weligiis halkaas ku yaallay, uusanna gurin abaar iyo aaran. sababta waxaa lagu sheegay in biyaha ceelkaas ay ka imaadaan dhakada sare ee biyaha.
Waxaa jirta maahmaah reer Buur Heybeedku leeyihiin oo dhahda "Guhaad biyo laku waayi, gu' la waayi wu' oo la micno ah Guhaad haddii biyo laga waayo waxa ay ka dhigan tahay xilliga Gu'ga oo la waayo. waayo gu'gu ma baaqdo badanka deegaankan.
Qoraalkan oo qaab dul xaadis ah aan u qoray waxaa uu ibba fur u noqon doonaa soo tarjumidda iyo isku dubidda qoraallada laga sameeyay Buur Heybe iyo deegaannada ku hareereysan.
Buur Heybe iyo Dheri Sameynta!
Waxaanan shaki ku jirin in Buur Heybe ay astaan u tahay horumarka uu Benii Aaddamka ka sameeyay ka faa’iideysiga dhoobada iyadoo loo isticmaalayo dhowr ujeeddo oo kale duwan.
Ka hor inta aanan la hindisin shamiindada, aadanaha waxaa uu goor sii horreysay bartay ka faa’iideysiga dhoobada taas oo bud dhig u ahayd bilowga ilbaxnimada noolaha.
Sheeko xariirta dadka deegaanka ay weriyaan waxaa kamid ah in bilowgii Hindisaha Dheriga iyo ka faa’iideysiga dhoobada ay asal u ahayd tuulada la yiraahdo Xabaal-dheri oo ay dagaan isla reerka Eylaha la yiraahdo ee deggen Buur Heybe. Waxaa ay soo saaraan dhowr nooc oo dheri ah
1. Dheri caadi: waa dheriga loogu isticmaalka badan yahay ee loo adeegsado karinta cuntooyinka kooban.
2. Dheri Muraad: dheriyada loo isticmaalo waliimooyinka iyo sabta. Waa dheri weyn oo halmar qaadi kara xajmi badan oo cunno ah.
3. Dhaal: waa kurta Bunka lagu karsado laguna dhaalsado.
Keliya Dheri uun ma ahan agabyada laga sameyn jiray dhoobada, sidoo kale waxaa jiray kuud oo ah haanta biyaha lagu keydsado oo laftigeeda u qeybsameysay laba qeybood.
1. Shaambiyo: haanta heer dhexaadka ah ee biya lagu keydsado
2. Ashuun: haanta weyn ee biyaha badan lagu keydsado reerkana ku dhaqdaan biyaheeda.
Reer Buur Heybe wax soo saarkooda Dhoobada ka bilowda waxaa ku jiray Burjikooyin iyo dab qaadyo, jalmado iwm kuwaas oo hadda sii dabar go’aya.
Waa dheri Buur Heybe lagu sameyay oo astaantoda lehWaxa aan idinkula wadaagayaa qeybta tixraacyada film laga sameyay wax soo saarka Buur heybe ee daawasho wacan.
Lasoco Qeybta Labaad.......
Tixraacyo
file:///Users/Cabdiwahaab/Desktop/Early%20Holocene%20mortuary%20practices%20and%20hunter%E2%80%90gatherer%20adaptations%20in%20southern%20Somalia%20.pdf
http://www.nasonline.org/publications/biographical-memoirs/memoir-pdfs/clark-j-desmond.pdf
https://www.youtube.com/watch?v=BYLPJZLNNHs&t=191s
https://www.youtube.com/watch?v=13MOvBE_KKE
https://www.somaliwave.com/index.php?threads/somali-ancient-boat-over-2000-years-old-the-beden.626/
https://onlinelibrary.wiley.com/doi/10.1111/j.1095-9270.1980.tb01149.x
https://shcas.shnu.edu.cn/_upload/article/files/f4/e2/4c0522234a98a0a7ed66aec4d4e2/7b2a673e-fa6e-4c1b-835d-2eb34c65098e.pdf
https://en.wiktionary.org/wiki/%CF%80%CE%BB%CE%BF%E1%BF%96%CE%BF%CE%BD
https://en.wikipedia.org/wiki/Buur_Heybe
https://www.stoneageinstitute.org/jdclark.html
https://hyperleap.com/topic/Buur_Heybe
https://books.google.so/books?id=X1dDDwAAQBAJ&pg=PA42&dq=buur+heybe&hl=en&sa=X&ved=2ahUKEwjOq8WKnfD3AhUColwKHeOMAlEQ6AF6BAgEEAI#v=onepage&q=buur%20heybe&f=false
https://www.projecttopics.org/journals/245292-dancing-masks-from-somaliland.html
Ustaadow ku mahadsanid soo gudbintaada.
ReplyDelete