Dhilladii Reer Quunya!



Waxa aan imid masaajidka, Sun-sun ayaa ila socday, masaajidku waa uu camirnaa, da' kasta ayaa joogta, qeybtan waa qeybta ragga, dacalkaas shishe ee gadaasheen ah waxaa ku yaalla qeybta dumarka ay ku leeyihiin masjidka, inta kale ee masjidka waa ay ka xiran tahay, door badan kuma lahan, si lamid ah sida aysan doorarka kale ee bulshada uga dhex muuqan, maanta ayaan goostay in aan tago, weligey ma tegin, maxaan tagaa weligey iyo waaqayga ba Muslim ma noqon, se waxaa xiiso igu hayya dhageysiga khudbada maanta ee Ruumi ga ay dadku ba afka kuwada hayyaan, ma aqaan waxa uu dheeraan karo wadaaddada kale, naftu se isaga ayey dhowreysaa.

Xilli hore oo saakay ah ayaan guriga kasoo baxay, maanta ma ahi qofkii hore ee aan ahaa, waxa aan xiranahay dhar aanan weligey ku fekerin, waxa aan xiranahay dharka ragga, nafsiyan weligey ayaan gabadhnimadeyda iskula weynaa, ragannimaduna waxba aysan igala maqneyn, weli sidii ayaan ahay, maanta se ujeeddo gooni ah ayaan u xiranahay dharkan, ma aqaan goorta ay igu dhalatay fekerkaan, mana aqaan in aan u baahanahay in aan isweyddiiyo sababta iyo goorta ay igu dhalatay ba, ha yeeshee waxa aan ogahay in aan maanta wadkeyga cagaheyga ku raadsaday, haddii qorshahan guuldarreysto, waxa aan doonayaa in aan fool ka fool u hor fadhiisto Jalaluddiin Ruumi, nafteyda waa ay kadeedsameysaa, kurbo iyo kelinnimo ayaa ii dheer; ujeedkaan ugu socdo waa in aan qiimeyo inta ka runta ah waxa ay dadka ka sheegayaan, ma hubo se in aan saani ku gaari doono wadaadka.

Waa Jimce, waa xilliga uu ugu mashquulka badan yahay masjidkan, waa xilliga masaajidda magaalada oo idil kan laga doorto, farqiguna waa Khudbadda Ruumi; waxa aan fadhiyaa meel geeska ah, waxa aan ka dheeraaday wax kasta oo shaki abuuri kara, dadka aan magaalada ku aqaanno inta kuma badna, Khamriya cabta, kuwa dhilleysta, tuugta iyo dadka kugu ugu xun ayaan saaxib la ahay, welina kuma fekerin in kuwaas xun xun ay inta igaga horreyn karaan, waa sabab kamid ah waxyaabaha igu dhiiragelinaya in aan u hollado imaanshiyaha inta.

Hal mar ayuu wadnaheyga ku sigtay in uu istaago, waa markii indhaheenna ay isku dhaceen Baybars, haa Baybars kii aan aqaannay, waa ragga kacsiga badan, jecel dhilleysiga, haddana caaya dhillooyinka, beri dhexdaas ayuu garaacay gabadh uu la dhilleystay, illaa maamulihii goobta dhilleysiga (Brothel) ku amray in uusan dib dambe usoo dhawaan goobtan; arxan darro ayaa aynigiisa ka reebtay, beryahan ba ma arag. maanta ma ahan Baybars kii hore, gar weyn ayuu deystay, wejigiis waa uu isbaddalay, welise dhaqankiisa isma doorin; durba markii ay indheenna is qabteen nin ku dhagnaa ayuu la faqay, "Dhillo ayaa Masaajidka ku jirta'' ayuu ku hadaaqay.

Faqa raggii safka kuwada jiray ayuu wada gaaray, nux nux uu buuq xigay ayaa afarta barjo is qabsaday, raxan rag ah ayaa dhankeyga usoo kacay, jug culus ayeey i gaarsiiyeen, se nasiib wanaag cagaheyga ayaan ku baxsaday, illaa waddooyinka ayeey i ceyrsanayeen, ma xishmeyn wadaadkii Minberka saarnaa iyo masjidkii alle ee ay ku jireen; naftaa isku kay timid, illaa aan Susun ka arko, wax i gaaray ma ogi, ha yeeshee waan wada dhaawacanahay jir ahaan iyo qalbi ahaan, mar dambena kuma fekerayo in aan u noqdo wuxuushtaas fadhi kudirirkooda.


*****

Waxa aan ku dhashay tuullo yar oo u dhow Nicaea (Niiqiya) hooyadey waxa ay weligeedba igu dhihi jirtay "waxa aad ku dhalatay meeshii ugu mudneyd, ha yeeshee ma ahayn xilligii ugu mudnaa, waayo xiddig aan samo saadineyn ayaad ku soo aadday"

Waa runteed xaaladdu marba marka ka dambeysa waa ay sii xumaaneysay, sannadba kan ku xiga waa uu ka darnaa, kasoo bilow sannadkii koobaad ba, reerkeyga iyo gebi ahaan reer Nicaea waxa ay ka baqayeen laba kacleynta dagaalkii Saliibiyiinta, mar dambe waxaa lagu baraarugay tacaddiyada ay Tataar ku geysanayeen, gaar ahaan sida ay yeeleen Constantinople (Islanbul) raggii ay laayeen, dumarkii ay kufsadeen, macaabbiddii ay dumiyeen iyo buugtii ay webiyada raaciyeen, naxdintaas waxaa inoo dheeraa weerarradii Salajiqada (Seljuks) iyo hankoodii ahaa in ay halkan qabsadaan, xaaladdu ma ahayn mid sahlan, cabsi ayaa nolol maalmeedkeenna qeyb ka ahayd, saadaashii xiddigga iyo sabankii colaadda ayaa la dhex maquuranayaa.

Reerkey foorno rootiga dubta ayeey lahaayeen, Masiixiyadda ayeey aaminsanaayeen, Masiixiyiin wanaagsanna waa ahaayeen, weli carabkeyga waxaa ka dhadhamaya oo urtiisa aan weli dareemayaa rootigii macaanaa ee ay waaridkey dubbijireen, xusuusaheyga caruurnimo waan jeclahay, mana jecli in aan xasuusto, waa urug iyo uur ku taallo miiran; waxa aan isku heystay in aan fuqarro nahay, ha yeeshee waxa aan ogaaday in aanan faqiir ahayn markasta oo ay masaakiin foornadeenna soo hor tubato, oo aabbahey waa xoogaha rooti ah u taago; markaasaan inta rabbi u mahadnaqo sariirteyda si raaxo leh iskugu tuuri jiray, rabbi saaxib baan la ahaa, oo waan jeclaa, waxa aanna ula dhaqmayay sida saaxib oo kale.


Markii aan todoba jir noqday, Hooyo uur ayeey qaadday, umuliso ayaa la geeyay, waan xasuustaa aad baan isku weyddiiyay sidee caruur uga soo bixi kartaa uurka hooyo, ma canug nool oo sideyda ayaa inta (caloosha) ku jira? se ma helin cid igaga jawaabta, ama xitaa warkeyga dhag u raaricisa, xaalku waa uu adkaaday, umulisadii waa ay ka deyrisay xaalka hooyo, waayo hal ama laba canug ma ahan waxa hooyo uurkeeda ku jira, markii hore biyo ayaa la mataan ah ayeey tiri, haddana waa ay is beenisay, afar maalin ayeey taah iyo aadaar hooyo meel la fadhiisan weysay, mid kamid ah saddexda caruur ee gudaha ku jiray ayaa dhintay, waa kan ugu soo horreeya, isla isaga ayaa xiray waddadii ay soo mari lahaayeen labadii kale, hooyo waa ay saxariirtay, ugu dambeynna sidaas ayeey ku tagtay; waxa aan noqonnay hooyo la'aan, umulisadii waxa ay badbaadisay hal wiil, hooyo iyo labadeedii cunug kalena waa ay is raaceen, kan waa walaalka keliya ee aan leeyahay.

Wixii intaas ka dambeeyay waxaa nasoo foodsartay xaalad adag, aabbe waa uu daneystay guursaday, dhowr sano oo dhib ah ayaan marnay; waan weynay hooyo cid noo baddasha, aabbena kaalinkiisii ayuuba gabay, sidaas ayaa dayaca waayaha iyo duruufaha wakhtiga inoo saameeyay; aabbe markii uu guursaday Eeddo iyo walaalkey waa ay is arki waayeen, aabbe wuxuu bilaabay in uu sharreysto abboowe, illaa heer uu gaaray in uu fogeeyo, waan xasuustaa maalin ayuu nafta ul uga qaadi gaaray, illaa dhimasho aan ku tirinno, garaaca aabbe waxaa u dheeraa cunaqabateyn iyo cagajugleynta Eeddo, aabbe iyo walaal ayaa laba dhinac ii kala noqday, walaal ayaan doortay, ma taqaan sababta? waayo anigu dulmiga ma jecli, cidday doonto ha ahaatee waxa aan la jiraa dulmanaha, subixii waxa aan foornada kasoo xadaa dhowr xabbo oo rooti ah, sariirta hoosteed ayaan u geliyaa, si marka uu hadhow imaado uu u cuno, dhowr jeer ayuu ku badbaaday, naftana ku ceshtay, dhowr jeer oo kalena meelsha ayeey ku qurmeen, kaddibna la tuuray.

Walaalkey waan jeclahay, waan u naxaa, waana ka naxaa, kama heysan xishmad, si kasta oo aan ugu naf huray, kama heysan walaaltinnimo, si kasta oo aan u tusay, haddana colaad uguma qabin; markii Aabbe iyo Eeddo isugu tageen abboowe, wuxuu qaaday cuqdad illaa uu ka fekero in uu khaarijiyo labadooda.

Subixii dambe ayaa guriga loogu yimid meydka aabbahey iyo Eeddadey, markii hore lama garan waxa ay sababsadeen, ha yeeshee goor dambe ayaa la ogaaday in ay ku sumoobeen sunta doolliga oo uu qooshay walaalkey; markii uu ka war helay in la tuhmayna waxa uu qabtay meel aanan la aqoon, halkaas waxa aan ku waayay indhaheygii (aabbe) iyo eeddo, iyo walaalkey oo aaday meel aanan garaneyn, horeyna hooyadey, keli ayaan ku noqday dunidana kadeedka iyo kurbada wada ah.

Intaas kaddib waxa aan kuhadsaday sii joogidda magaaladan aan ku nasiib darroobay, waxa aan go'aan ku qaatay in aan qabto islaan ayeeyo iigu aaddan, safar baan u holladay, qofka ugu yar ee safarka ayaan ahay, sidoo kale qofka keliya ee aanan qofna la socon in aan ahay ayaa ii dheereed; waxa aan soconnaba tuug ayaa dhexda inoo gashay, wixii aan heysannay ayeey gurteen illaa ay na ceyrteeyeen, markii la qorsheynayay in ay na fasaxaan ayaa kii hoggaaminayay si dhow ii soo jaleecay, "Bikra miyaad tahay?" ayuu war ka bilaabay, ma aqaan wax loogu jawaabo, weligeyna ma maqal, se haa ayuu afkeyga durba qabatay, ina kaxeey ayuu si arxan darro ah iigu yiri, " Guddoomiye tuulladan ayaa xanuun la dhibtoonaya, wuxuuna u baahan yahay gabadh bikro ah oo uu la seexdo"

Keynta ayeey ila galeen, i kufsadeen, gabadhnimadeyda i dhaafiyeen, wixii xilligaas ka dambeeyay ma aqoon geeddiga nololsheyda halka uu ku jiheysan yahay, waxaa aan deris la noqday geed Qumbaha weyn ee tuullada, geedkan waa geed naareed, waa guri Ibliis iyo meel 90 geeddi laga guuro, waxaa iskugu imaada dhillooyinka, tuugta iyo xaasaska mooryaanta; in mudda ahba waxa aan isweyddiinayay sababta aan uga baxsan waayay halkaas, iyada oo aan heystay fursad kasta oo aan ku baxsan karay, waxa aan ku bartay dhaqan kasta oo xun, qof kasta oo xun, xumaanta ayaa nolosheyda caadiga ah kamid noqotay, wax walba sida ay u socdaan ma ahan sidii aan quuddareynayay, maqaaddiirtaase halkan i dhigtay.

Ugu dambeyn bixid ayaan goostay, darawal i kaxeeya ayaan helay, isna lacag qaali ah ayuu sheegtay, anna kun shillin dhaxda ka buqsan ma hayyo, waan se u balan qaaday in aan siin doono lacagta uu dalbaday; intii dhexda lagu socday ayaan sii qorsheystay sida aan uga baxsan doono iyo waxa aan isku furan doono, ma anaa heysta wax aan isku furto oo aan ka ahayn jirkeyga, markii la gaaray constantinpole (Istanbul) waxa aan u sheegay in aanan waxba heysan ee haddii uu rabo uu iga muraadsan karo, wax intaas dheerna awoodin, si kastaba waan ka fursaday darawalkii, ma deymoon eeddadeydii inta degneyd, sababtoo ah sinnaba suurta gal uma ahayn qof sideyda oo kale duurka ugu jirta oo dhilleysata in ay la dagto qof sideeda oo kale u wanaagsan, waan u caga wareejiyay, illaa aan magaalada dhankeeda kale aan iska galay.

Dhowr jeer ayaan iska soo xaaqay caruur, si aysan u u waxyeeloobin quruxda qura ee aan magaalka ku joogo ee ah tan jirkayga, sabab kalena waa ay igu riixeysay oo ma dooneyn in aan masuuliyad qaado, haddana aan qaado masuuliyadda canug aan masuuliyaddiisa cidna ila wadaagin, xaalka guud ee xilligaasna uma saamaxeyn qof sideyda oo kale in uu caruur yeesho, caruur uun ma ahan ee caruur aabbe la'aan ah, taas oo ay jirtana hooyannimada ma necbeyn.

*****

Wixii intaas xigay waxa aan la safray ciidan ku jiheysnaa dhanka Quunya (Konya) ragga ciidanka waa ay ka duwan yihiin dhaqan ahaan dadka caadiga ah, iyaga oo dhan waa ay i xiiseynayeen, oo kuwada hamminayeen in ay mar uun inta ay marida iga dhigaan qaboowga jiilaalka igu gudbaan, waxa aan wehel iskugu ahaannay dhulkaas baha'gooyada ah iyo barafka jiilaalka, ma ahayn qof dabci xun oo bakheyl ah, Jackal oo ciidanka heystay ayaan is fahannay, maaddaama saban colaadeyd lagu jiray tuhun badan ayuu ka qabay shakhsiyaddeyda, sababtoo ah halka aan kasoo jeedo iyo hadaf la'aanta aan halkan u joogo, diinteyda iyo dhaqankeyga, isaga oo u baahan jirkeyga ayeey haddana waaya aragnimadiisa ciidannimo shakhsiyaddeyda oo dhan u gelisay tuhun iyo was waas, taasoo keentay in uu ciidanka iga reebo oo uu igu daro club ka ama meelsha loo dhilleysiga doonto magaalada (Brothel) halkaas oo ay igaga sii socotay raaxadii maayaacniga ahayd.

Waxaa jira dhacdooyin badan oo aanan dooneyn in aan xasuusto, balse waayuhu i baday, waan daalay, oo nafta ayaa isku key timid, waxa aan isweyddiiyay xaalka sida uu ku dambeyn karo, waxa aan qaatay in aan alle u noqdo, oo aan raadiyo raalli ahaanshiyihiisa, waan ogahay in aan dembi yareyn, haddana waxa aan dareemayaa in alle uusan keliya lahayn dareen iyo indho khaladka uun arka, waxa aan dareemay dareen nafsi ah oo rabbaani ah oo igu leh "Soo noqo, weli halkan waa lagaa jecel yahay"

Waxa aan isweyddiiyay halkeen ka bilaabaa raadinta alle, waxa ay ila gashay masaajidka iyo kulanka Khudbadda Jalalu diin Ruumi oo aan bartay teer iyo markii aan imid Quunya; markii aan masaajidka imidna waad ogeydeen wixii iga raacay.

Markii aan masaajidka kasoo baxay oo aan xoogaha nastay wadaad suufi ah ayaa isoo kor istaagay, qaab ahaan uma eka kuwii i dilay iyo gebi ahaanba muuqa guud ee reer Quunya, malaha kor ayuu kala socday xaalkeyga, inta isoo kor istaagay ayuu isku key sheegay iguna yiri " Shams Tabrizi ayaa la i yiraa, uumiyaha qaar nololsha wanaag iyo wacnaan ayeey ugu bilaabataa, kaddibna walaac iyo walaahoow ayaa u xiga, illaa qofka uu lumo midabkiisa iyo macnihii uu nololsha ka joogay, waxaas oo idilna waayaha ayaa u sabab ah, waxa aan umaleeyaa in kuwaas waayuhu haruufay in aad qeyb ka tahay?"

" waxa ay u eg tahay in aad dembi dareemeyso, oo ay kula tahay in aad qurun tahay? sow sidaas ma ahan? ayuu ii raaciyay.

inta aan is celin waayay ayaan ku iri ''Haa qurun ayaan ahay" marka aan sidaas iri ayaan wejigiisa ka dareemay dhimrin iyo dabacsanaan, kaddibna waxa uu igu yiri "Bal ii sug aan kaaga sheekeyo hal dhacdo"

"Beri baa waxaa jiri jiray gabadh dhillo ah oo jirkeeda ka ganacsata, gabadhaas waxaa kasoo horbaxay Ey haraadan, inta kabaheeda u siibtay ayeey ku waraabbisay, maalintii xigtay, dhilladii waxa ay iska soo horbaxeen wadaad suufi ah, wadaadkii mar alaalle markii uu isha ku dhuftay dhilladii waa uu farxay dhankeeda u qumay, gacanta ka dhunkaday, iyada oo yaabban waxa wadaadka uu sidan u sameynayo, ayuu ku yiri 'Naxariisteedii iyo niyad wanaaggaadii aad u sameysay Eygii shalay waxa aad ku muteysatay in dembigaagii hore iyo kii dambeba la dhaafo' gabadhii inta kala badbadatay ayeey u mahadcelisay wadaadka"

Markii uu ii dhammeeyay sheekada waxa aan dareemay waxa uu damacsan yahay Shams oo ah in uu niyadda ii dhiso, oo i dareensiiyo in aan weli fursad leeyahay, illaahay agtiisana la iga soo dhaweynayo; ha yeeshee waxbaa igu lahaa xitaa haddii dhammaan Eeyaha Quunya wada quudiso, kuma filna in lagaa towbad aqbalo.

--"Rabbi baa oge sow lagama yaabo in aad adiga ka niyad wanaagsan tahay, allena kaga ag dhowdahay kuwa maanta masjidka kaasoo ceyrsaday kuna kusoo ijaafeystay?" buu si aayar ah u yiri.

--''Haddaa yaa u sheegaya in aan alle uga dhawaan karo?" ayaan ugu warceliyay.

Madaxuu jiljilay, kaddibna igu yiri " sidaas ma ahan qaabka ay wax u shaqeeyaan, adiga waaye qofka la rabo in uu u sheego in ay khalddan yihiin?"

--"Haye makula tahay in ay i dhageysanayaan? ama u heystaan ba in uu jiro qof aan iyaga ahayn oo saxan ba?"

Inta waa xoogaha aamusay ayuu haddana yiri " waa in aad maskaxda ku heysaa in qof kasta iyo wax kasta ay isku xiran yihiin, ma nihin boqolaal iyo kumanaan jaad oo kala geddisan, waxa aan nahay hal nooc" marka uu intaas yiri ayuu haddana raaciyay hadalkiisa " Mid kamid ah 40 ka xeer ee jaceylka, kaas oo ah xeerka dhahaya "Haddii aad rabto in aad baddasho qaabka ay kula dhaqmayaan dadka kale, marka hore baddal qaabka aad naftaada ula dhaqanto, haddii aadan naftaada jeclaan, sinnaba uma mudna in qofkale uu jeclaado, haddii aad ku guuleysato marxaladdaas, waad mudan tahay in caleemo qoyan iyo ubax laguu qubo" hadalka ma joojin e, wuxuu ku daray "Sidee uga sheegan karaa xishmad darrada ay dadka kale ii geystaan, aniga oo aanan aqoon qiimaha nafteyda, waa muhiim qiimaha naftaada in aad garato"

Marka uu intaas is raaciyay waxa aan dareemay in laabteyda ooddin laga siibay, nafis baan dareemay, gocosho ayaa ii xigtay, raggii aan la soo seexday, raggii aan wanaagga ku tuhmayay ee igu bahaloobay, iyo kuwii bahallada aan u heystay ee aan ku baxsaday, raggii aan wanaagga u falay ee abaalkeyga ka dhigay in ay iigu yeeraan 'Heykaleydii wasakhda ahayd' wax kasta oo aan falay ayaa saacaddaas la i hor keenay, ha yeeshee hadallada iyo waannada Shams Tabrizi waxa ay u muuqdaan nabarradaas waayuhu i bideen in ay dhayayeen, oo ay tirtirayeen


****

Ugu dambeyn Shams waxa uu ii haddiyeeyay suuf, wuxuuna ii sheegay in uu usoo haddiyeeyay laftigiisa Darwiish reer Bagdad ah, ha yeeshee uu iyada la gaclooday, kana mudan tahay; "Inanyahay waxa aad ogaataa in qalbigaagu saafi yahay, rabbina uu ku weyn yahay" ayuu igu waaniyay.

"Halkan iskaga tag, ma ahan meeshii aad mudneyd in aad ku noolaato" Shams

"Halkee baan qabtaa oo aan aqaan?"

"Dhulka illaahay waa waasac, qofka talaabada koobaad qaadiddeeda ayaa ku adag mooyee, inta xigta waa caadi, ha raacin daadka, ee adiguba noqo daadka"

Madaxa ayaan u ruxay, taladiisana qaatay, waxa aan qabtay dhulkaas illaahay, mana aqaanno halka ay maqaaddiirtu ii geyn doonto, iyo waxa waayuhu ila damacsan yahay.


Kasoo Tarjumay qeyb kamid ah buugga The Forty rules of love ee ay qortay Elif Shafak.

W/T:- Cabdiwahaab Axmed Cali

Comments

  1. Mahad badan Ustaad alle hakaaga abaal gudo. Waa waayo nololeed oo nabarradiisa xambaarsan, rajo iyo reyn reynna ku meyrtay.

    ReplyDelete
  2. Backgroundka madow sida aan is leeyahay indhaha uma wanaagsana oo waa lagu dhibtoomayaa.
    Ku mahadsantahay qormadaa aad nala wadaagtay.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Waxaa sax qoralka madowga ka daa aniga waan ku dhibana aqriska sheekda wax badan ka faiday 👏👏👏👏

      Delete
  3. Mahadi ha kaa gaadho Turjumida aad soo turjuntay. Laakiin Background madow midab kale baa Iga la fiicnaan lahaa.

    ReplyDelete
  4. Gacantadda Rabi haku barakeeyo In Axmed Caliyoe.

    ReplyDelete
  5. Waa nolol ku bilaabmatay duruufo iyo dhibaatooyin badan, balse leh rajo iyo mar uun inay waxaa ka dhex baxdo... Suufiyadii waa waynaa Ruumi, Darwiish, iyo Tabrizi ayaa meesha kasoo muuqda. aad baa u mahadsantahay turjumadda qiimaha leh...

    ReplyDelete
  6. Mahadsanid jaalle, aad baan wax oga dheefay qormadaada.

    ReplyDelete

Post a Comment