Daahfure Mise Gumeyste, Kuma Ayuu Ahaa Christopher Colombus?

                                      

In ka badan 500 oo sanno ayaa kasoo wareegatay markii uu Christopher Columbus ka dagay dhul weynaha America, Isniinta labaad ee bisha October sannadkasta maalin qaran ahaan ayaa looga dabaal dagaa Mareykan iyo gobolladiisa intooda badan, iyada oo lagu maamuusayo daahfurihii iyo sahmiyihii reer Taliyaani ee Columbus.

Haddii aan ku akhrinno taariikhdiisa indha ka fayoob isla sarreyn iyo qabka caddaanka iyo tabashada xad dhaafka ee dadka asalka u leh Mareykan ka (Native Americans) waxa aan ka dheehan karna in uu Christopher ahaa macaan iyo qaraar meel kuwada yaalla, dacar iyo malab weel ku wada jira, qofba tuu doono uu darsan karo. Colombus ka wanaagsan waa kan aan dugsiyada ku dhiganno taariikhdiisa, waa kan ay Galbeedku buun buuniyaan, waa kan ay ka dhigaan nebi alle usoo diray masaakiintii sidooda u noolaa ee berigaa ku dhaqnaa dhulkaas; kan xun se waa kan laga dhuunto sheegiddiisa, waa kan boqortooyadii Isbaanishka ay ka yaq yaqsootay waxa uu sameynayay, deedna ku qasabtay in uu laga kaxeeyo caradaas.

Sida dhacdaba, sahmiyayaasha iyo dadka loo sahan tagay nabad kuma wada joogaan, waa is qoonsadaan, waa is quursadaan, mararka qaarna is gacan gaaraan, sidaas si lamid ah Colombus iyo dadka deegaanka Saddex shey ayeey isku fahmi waayeen, isku qabteen, xitaa isku dirireen, mid waa kow, magac aysan raalli ka ahayn, isla jeerkaasna aysan aqoon micnihiisa, Indians ayuu si iskiisa ah ula baxay, iyagu ma doonayaan wax aysan aqoon in loogu waco, micnahuu doono ha lahaado, ujeed kasta halaga lahaado, sinnaba raalli uguma ahayn in "Indian" loogu yeero, taas waa bilowga cadaabadda labada dhinac.

Labo, Bible ayuu dambiisha ku sitay, faafinta masiixiyadda ayaa malaha qorshaha ugu jirtay, yaa u sheegay in dadka uu u tagayo ay u baahan yihiin Bibble iyo masiixiyad? sow dadku iyagu dookh uma lahayn in ay ku noolaadaan sida ay iyaga raalli ka yihiin oo ah dhaqankooda iyo diintooda abka gaarka ah? intaasba ma falin, dadka deegaanka ma lahayn diin iyo cid ay ku tiirsan yihiin, rabbi ay gar gaarsadaan iyo cid ay garab ka raadiyaan, waa ummad aanan xoog u ahayn in ay cid aysan aqoon la xiwaarto, waa ummad aanan horey u lahayn aqoon iyo ogaal ku aaddan Bibble iyo xitaa Masiixiyad, sidaas oo ay tahay waxa uu isku dayay in uu ku khasbo qaadashada iyo ku dhaqmidda Masiixiyadda, waa sabab kamid ah kuwii kiciyay dadka deegaanka.

Tan saddex aad oo ah in Colombus uu sumeeyay dadkii uu meelsha ugu tagay, illaa ay daba go' ku sigteen, intii ka badbaadday kuwooda ugu xoogga iyo xusulka weynna Yurub ayuu ula soo shiraacday, sida in uu isaga leeyahay oo kale.

Wakhti ku aaddan bilowgii ka ganacsiga addoonta, Colombus iyo saaxibbadiisa waxa ay ku jireen safar saddex bilood qaadanayay oo ay ku sahan dooneen, muddo dheer kolkay badda dul heehaabayeen, ugu dambeyn waxa ay doonidooda boroosinnada dhigatay jazeerad aan la aqoon oo ku taallay Carabean ka, (meel hadda lagu qayaasayo West Indies) maalinkii koobaad ee ay ka dageen jazeeradda, Colombus amarkiisa waxaa loo jeebbeeyay lix dadkii deegaanka ahaa oo uu calmaday, isla jeerkaasna ku doortay muuqooda dhammeystiran ee ku wacan addoonsiga, sidaas ayuu lixdooda ula dhaqaaqay; isla ayaantaas, sharicigii shaqaallaha inta dhaqan geliyay ayuu bilaabay ku xamaalashada murqaha masaakiinta, wixii intaas xigayna daabbulaad ayuu ula dhaqaaqay dhanka jazeradda Hispaniola illaa Spain markii dambe loo suuq geeyay.

Intii ka hartay daabbulaadda macdan qodis iyo beero sameyn ayuu amar uga dhigay, illaa qaarkood ay nafta kagala dhacdo dhaqanka arxan darrada ah ee uu kula kacayay; dadka deegaanka ayaa isku dayay in ay gadoodaan, oo ku kacaamaan Colombus ka kibray, ha yeeshee kacdoonkii waa uu ka ka dhicisoobay, maydadka kacaamayaashii ayuu waddooyinka waray, dhiggooda ayuu darbiyada ku qoray, si uu u baqa geliyo, waa uu ku guuleystay, dadkii dhammaa ee nolosha xorta ahayd ku noolaa waa ay u wada gumoobeen illaa kuwana uu dilo, kuwana ku xamaasho, kuwana iibsado, si kastaba arxan iyo aayo ma jirto, naxariis iyo dhimrin warkeeda daa'.

Taariikhyahannada qaar waxa ay safarradii Colombus ee America ku asteeyeen "isweydaarsigii Colombus" waayo Christopher dahab, dhir iyo dad ayuu ka qaatay deegaankii uu u yimid, isna waxa uu u weydaariyay cudur, addoonsi, dulmi iyo joorfal kii ugu darraa wakhtigaas; dhibta Colombus waxa ay gaartay taliskii boqortooyada Spain ee aaggaas, xaqiiqo raadiyayaal ayeey boqortooyadu usoo dirtay deegaanka, markii ay gudbiyeen wax allaala wixii ay soo arkeen, Colombus iyo walaalladii amar maxkamadeed ayaa lagu soo xiray, ugu dambeynna looga musaafuriyay America, hilaaddi 1500.

Dhacdooyinkaas iyo kuwa lamid ah ayaa ku yaalla bogagga taariikhda ee Colombus, ha yeeshee waxaa loo sawirraa in uu ahaa halyeey iyo geesi soo helay dhulka maanta aan u naqaanno America. soo helay mise soo arkay? si ay ahaataba America da uu sameeyay ama qeybta ka geystay waa America dadkii iska lahaa laga dhacay, la boobay, beeraha Belgium ka iyo kuwa Portugues ka lagu fashay, intii kasoo hartay halkooda nafta looga siibay, kaddibna lagu beeray Spainish iyo Irish laga soo daabbulay Yurubta Wuqooyi, kuwaas oo nidaam iyo kala dambeyn u sameystay dhulkaas ay soo dhiitiyeen, dadkii lahaana dhimasho iyo dhoof aanan soo noqosho lahayn bideen.

1991, magaalooyin badan oo Mareykan ka kamid ah gaar ahaan kuwa dhaladku ku badan yahay waxaa loo asteeyay maalinta 'dadka dhaladka ah (Indigenous Peoples’ Day) maalintaas oo lagu xasuusanayo taariikhda dadkii dhulka loogu yimid iyo tacaddiyadii gaaray, ha yeeshee maalintaas waxa ay iska ahayd maalin magac u yaal ah illaa October sannadkan 2021 ka markaas oo uu madaxweynaha Mareykan Joe Biden si rasmi ah ugu aqoonsaday maalinta dadka dhaladka ah, isaga oo si gambasho la'aan ah u qiray tacaddiyadii ay geesteen daahrogayaashii Taliyaaniga ee uu Colombus ugu horreeyay.

"Maanta waxa aan si rasmi ah u aqoonsaneennaa maalinta dadka dhaladka ah, waxa aan ku bogaadineynaa doorkooda wax ku oolka ah ee ay ku leeyihiin dhinac kasta oo bulshada Mareykan ka. sidoo kale waxa aan u qireynaa doorkoodii hagar la'aanta dadkii Taliyaani Mareykan ka ahaa iyo kaalintoodii jiritaanka ummadnimadeenna, anagoo qireyna dhibaatooyinkii iyo tacaddiyadii ay geysteen sidoo kale" Biden.

"Maanta waxa aan ka garaabeynnaa taariikhdii xanuunka badneyd iyo khaladaadkii iyo tacaddiyadii Daahfurayaashii reer Yurub u geysteen bulshadii asalka ahayd ee dalkan iyo qabiilladii halkan dagnaa. waxa ay muujineysaa ixtiraam weyn ka qaran ahaan in aan duugin oo aanan ka dhuuman qiridda iyo ka garaabidda taxanayaashii ceebta ah ee hareeyay tagtadeennii." Biden.

Dadka dhaladka ah ee Mareykan ka ayaa halgan dheer ugu jira sidii dib loogu sixi lahaa taariikhda dhacdooyinkii waa weynaa ee xilligii daahfurka illaa dagaalladii sokeeye ee dalkaas ka qarxay qarnigii 19-aad, si loo dhiso taariikh weyn oo dadka Mareykan ka ka wada dhexeysa.

"Sheeka xariirta ugaarsatada micno ayeey sii lahaan doontaa, inta libaaxyadu taariikhyahanno yeelanayaan" Maah maah Afrikaan ah

W/T:- Cabdiwahaab Axmed Cali

In badan oo xogta kamid ah waxa aan kasoo tarjumay maqaalkan.

https://www.history.com/news/columbus-day-controversy

Comments