In ka badan 50 dal oo
dunida ku yaalla, maanta waxaa talada u haya keligii taliyayaal madax adag, oo intaas oo sanno jujuub iyo raalli la'aansho ku maamulayay, ummadooda, waa tiro u dhiganta
afar meelood meel dalalka adduunka; wakhti kan ka horreeyayna 80% kiiba dalalka
adduunka waxaa heystay manaxayaal macangagnimo ku darsaday, akhlaaq iyo wax ay
xeeriyaanna aanan lahayn, haddana weli dadku jecel yihiin; haddaba maxay dadku
u raacaan hoggaamiyayaasha xun?
Dhowr sabab oo si
iskugu xir xiran ayaa loo aanayn karaa daba raacidda bulsha weynta ee hoggaanka
xun.
Dadku dabci ahaan waxa
ay jecel yihiin isla weynida, sarreynta, qabka, kalsoonida dhalanteedka ah,
isticmaalka awoodo afka ah oo ka baxsan qaddarka waaqaca ka suurta galka ah iyo
waxa la hal maala; hoggaanka xun
badankooda middan waa ay ka siman yihiin, ha yeeshee in badan waxa aan qabka,
iscajabinta iyo quursiga ku khaladnaa awoodda, taas oo saxnimada aad uga fog.
Cilmi baaris horey loo
sameeyay ayaa lagu soo bandhigay in hoggaamiyayaasha dhaqan ahaan iyo siyaasad
ahaan ba liita ay ka siman yihiin in ay qabaan nafsiyadda is cajabinta (Narcissism)
waayo waxa ay isku arkaan in ay yihiin dadka kuwa ugu mudan, muhiim saa’id ayeey
isula muuqdaan, waxaa u dheer in ay isla saxan yihiin, ka saxan yihiin cid
kasta, ma jecla cidda ka aragtida duwan, haddii ay awoodaan waa ay u awood
sheegtaan, haddii kalena waa ay iska fogeeyaan, khaladaadkooda cashirro kama
bartaan, ma qaataan talooyinka loo soo jeediyo, kartidoodana kuma filna in ay ka
dhigto cidda ay jeclaan lahaayeen in ay noqdaan, ama sida ay jeclaan lahaayeen in
loo arko.
Shacab weynuhu meel
kasta oo uu joogo, mashriq iyo maqribba waxa uu ka siman yahay in uusan su’aal
isweyddiin, su’aal iska weyddiin waxyaabaha muhiimka u ah, waxyaabaha
masiirkooda taabanaya, iyo walxaha maalinlahooda quseeya, caaddifad ayaa ah ceebta
ugu weyn ee middaas loo aaneyn karo, ha yeeshee taas cudur daar ma noqon karto,
sinnaba loogama dhuuman karo khaladka ah
in ay indho la’aan wax taageeraan, wax nacaan, waayo waa khalad weyn, waa tan
dhaxalsiin karta ummado dhan in ay la dhibtoodaan dhaqan xumada nacas
bulshadooda kusoo dhex dhuuntay, iyagu aamineen, waxna aysan iska weyddiin waxa
uu yahay iyo waxa uu noqon karo iyo xitaa waxa uu sameynayo, intaas waxaa dheer
bulshadu iskuma dhibto in ay ogaato wax ka badan waxa la isla ogyahay ee kore,
ma doonaan ogaanshiyaha iyo taxliilinta qofka ay dooranayaan, jeclaanayaan,
nacayaan iwm, waayo tan waxa ay dhabbaha u xaareysaa in ay sii ogaan karaan
qofka ay dooranayaan, qofka ay masiirkooda ku aaminayaan, qofka ay wax ku
darsanayaan, haddii kale maalin kasta god mugdi ah ayeey gacmaha la galayaan,
oo wax aysan ogeyn la kulmayaan, haddana ku khasbanaanayaan in ay sidaas ku
raacaan, ku jeclaadaan, mararka qaarna ugu dhintaan.
Dhaqanka noocan waa
kii uu Jim Meindl oo hoggaanka iyo hoggaaminta wax ka
qora uu ku sheegay “Romance of Leadership” bulshada in ay iska caashaqdo qofka,
iskaga dhagto oo ku doqomowdo, danteeda u seegto, iyaga oo xitaa aanan waxba
iska weyddiin, taas waa hoog iyo habow halistiisa leh.
Waxaa laga yaabaa in ani iyo adi aan yeelanno meel aan iskaga
dhownahay, afkaarta qaar aan isku meel ka taagannahay, mabaaddii’da guudna aan
ka simannahay, taas ma abuuri kartaa jewi aan afkaarteyda oo dhan inta aan ka
tago taada qaato, iloobo wax kasta oo kale, dhaqankaaga, afkaarta aanan ka
sinneyn, hadafkaaga iyo ujeedkaaga iyo wax kasta oo ay ahayd in la xeeriyo, sow
taas noqon meyso dameeri dhaan raacday? Kuwa badan oo kamid ah dadka jecel oo
raaca hoggaanka xun waxa ay ku raacaan sabab la xiriirta in qaddiyaadka qaar ay
iskaga ag dhow yihiin, ama ay isku meel ka taagan yihiin, ama xitaa hal dhacdo
oo uu u riyaaqo uu ka helay kooxdaas, kaddibna uu si aan su’aal iyo ka fiirsi
lahayn uu u raaco, illaa uu hilmaamo wax kasta oo kale.
Hoggaanka xun waxa uu abuuraa jewi cadow sameyn ah, mid gudeed
iyo mid debadba, marxalad kale ayaa loo gudbaa, oo ah in la ceebeeyo dhammaan
cid kasta oo ka soo horjeedda maamulkooda, illaa dadku aaminaan in hoggaankoodu
yahay qiddiisiin (dad wanaagsan) inta kalena ay yihiin Ibliisiyiin (kuwa xun oo
ilma Ibliis ah) jewigaas waxa uu nahda tiraa dowladnimada waxa uu curyaamiyaa
wacyiga dadka, waxa uuna abuuraa xaalad kala safasho ah, ilaa marka dambe dadku
la suuxaan wacyi darro iyo wax isweyddiin la’aan keeni karta in damiirkoodu
dhinto, nidaamkuna uu ku kaco dulmi iyo dadqalatannimo dadkii ka damqan lahaa
wacyi darro ay la suuxsan yihiin.
Marka wacyigu seexdo, damiirkaa fasax gala, dadnimadaa dhunta,
qofku waa qofkii, haddana qofkii ma ahan, qolof ahaan waa qofkii, qiyyam iyo
akhlaaq ahaanna waa qof kale, oo dadku waxa ay soo baxaan iyagoo wax kasta ku
taageersan cidda ay taageersan yihiin, wax kastana ku neceb cidda ay neceb
yihiin, isweyddiin iyo caqli ha sheegin, taas waxaa ka dhalata xaalad dadku wax
kasta caadi u arkaan, dad la qalshay, kuwa la dubtay, kuwa la dulmiyay iyo kuwa
kale ba; maxaa damiirka ka qaaday dadkii Jarmalka, markii uu Hitler dubanayay
wax magalabsatadii Yahuudda? Aaway damiirkoodii? Maxaa loo waayay cid ka
dhiidhisa? cid ugu yaraan xumaan u aragta, cid ka shaleysan waxa ay dadkoodii
sameeyeen, garawshiya ka bixiya wixii dhacay. ma dhicin, Hitler waxa uu ku
guuleystay in uu xabsi u taxaabo damiirka shacab weynaha Jarmalka, isaga oo ku
dhagabarjeeyay wax ay rabeen uu ah sarreynta cirqiga Aryan ka (Sinjiyadda dadka
Jarmalka) wacyigoodaa tagay, illaa ay dareemi waayeen bahalnimada uu Hitler
kula kacayay masaakiintii Yahuudda; cashar muhiim ah ayaan inta ka qaadan
karnaa, wacyiga dadka wax badan ayuu go’aamiyaa qaabka ay noqonayaan hoggaanka
shacabkaas maamulaya, ummad wacyigooda sarreeyo ma oggolaadaan hoggaan garaadkooda
aanan tixgelineyn, wax aysan raalli ka ahaynna sameynaya, ha yeeshee ummadda
hurdda, sida teenna oo kale cid kasta ayaa ula imaaneysa mashruuc kasta, iyaga
oo aan ka fiirsanna daba ordaan illaa gebi dheer ay iskala dhacaan.
Dadku ma jecla hoggaamiyayaasha wanaagsan, waayo hoggaanka
wanaagsan waa kan wacyiga dadka wax ku darsada, su’aalo ku fura, in ay wax
isweyddiiyaan u dira, ugu baaqa in ay caqliga adeegsadaan ka hor caaddifadda,
ha yeeshee abuurka shacab weynaha waxaa qeyb ka ah in aanan la is dhibin, ma
jecla in ay wajahaan waaqaca qaraar, beenta macaan ayeey ka jecel yihiin runta
qaraar, dhalanteedka ayeey dhabta ka doortaan, qabka iyo is dhul dhigga ayeey
kala jecel yihiin, khiyaali ku noolaanshiyaha ayeey door bidaan intii ay wajihi
lahaayeen dhabta nololsha; tan waa sababta ay dadku u jecel yihiin in ay
raacaan hoggaamiyayaasha xun?
W/Q:- Cabdiwahaab Axmed Cali
E-Mail:- C.wahaabyare@gmail.com

Comments
Post a Comment