Maxay Dadku U Raacaan Oo Ay U Jecel Yihiin Hoggaamiyayaasha Liita?


In ka badan 50 dal oo dunida ku yaalla, maanta waxaa talada u haya keligii  taliyayaal madax adag, oo intaas oo sanno jujuub iyo raalli la'aansho ku maamulayay, ummadooda,  waa tiro u dhiganta afar meelood meel dalalka adduunka; wakhti kan ka horreeyayna 80% kiiba dalalka adduunka waxaa heystay manaxayaal macangagnimo ku darsaday, akhlaaq iyo wax ay xeeriyaanna aanan lahayn, haddana weli dadku jecel yihiin; haddaba maxay dadku u raacaan hoggaamiyayaasha xun?
Dhowr sabab oo si iskugu xir xiran ayaa loo aanayn karaa daba raacidda bulsha weynta ee hoggaanka xun.
Dadku dabci ahaan waxa ay jecel yihiin isla weynida, sarreynta, qabka, kalsoonida dhalanteedka ah, isticmaalka awoodo afka ah oo ka baxsan qaddarka waaqaca ka suurta galka ah iyo waxa la hal maala;  hoggaanka xun badankooda middan waa ay ka siman yihiin, ha yeeshee in badan waxa aan qabka, iscajabinta iyo quursiga ku khaladnaa awoodda, taas oo saxnimada aad uga fog.
Cilmi baaris horey loo sameeyay ayaa lagu soo bandhigay in hoggaamiyayaasha dhaqan ahaan iyo siyaasad ahaan ba liita ay ka siman yihiin in ay qabaan nafsiyadda is cajabinta (Narcissism) waayo waxa ay isku arkaan in ay yihiin dadka kuwa ugu mudan, muhiim saa’id ayeey isula muuqdaan, waxaa u dheer in ay isla saxan yihiin, ka saxan yihiin cid kasta, ma jecla cidda ka aragtida duwan, haddii ay awoodaan waa ay u awood sheegtaan, haddii kalena waa ay iska fogeeyaan, khaladaadkooda cashirro kama bartaan, ma qaataan talooyinka loo soo jeediyo, kartidoodana kuma filna in ay ka dhigto cidda ay jeclaan lahaayeen in ay noqdaan, ama sida ay jeclaan lahaayeen in loo arko.
Shacab weynuhu meel kasta oo uu joogo, mashriq iyo maqribba waxa uu ka siman yahay in uusan su’aal isweyddiin, su’aal iska weyddiin waxyaabaha muhiimka u ah, waxyaabaha masiirkooda taabanaya, iyo walxaha maalinlahooda quseeya, caaddifad ayaa ah ceebta ugu weyn ee middaas loo aaneyn karo, ha yeeshee taas cudur daar ma noqon karto,  sinnaba loogama dhuuman karo khaladka ah in ay indho la’aan wax taageeraan, wax nacaan, waayo waa khalad weyn, waa tan dhaxalsiin karta ummado dhan in ay la dhibtoodaan dhaqan xumada nacas bulshadooda kusoo dhex dhuuntay, iyagu aamineen, waxna aysan iska weyddiin waxa uu yahay iyo waxa uu noqon karo iyo xitaa waxa uu sameynayo, intaas waxaa dheer bulshadu iskuma dhibto in ay ogaato wax ka badan waxa la isla ogyahay ee kore, ma doonaan ogaanshiyaha iyo taxliilinta qofka ay dooranayaan, jeclaanayaan, nacayaan iwm, waayo tan waxa ay dhabbaha u xaareysaa in ay sii ogaan karaan qofka ay dooranayaan, qofka ay masiirkooda ku aaminayaan, qofka ay wax ku darsanayaan, haddii kale maalin kasta god mugdi ah ayeey gacmaha la galayaan, oo wax aysan ogeyn la kulmayaan, haddana ku khasbanaanayaan in ay sidaas ku raacaan, ku jeclaadaan, mararka qaarna ugu dhintaan.
Dhaqanka noocan waa kii uu Jim Meindl oo hoggaanka iyo hoggaaminta wax ka qora uu ku sheegay “Romance of Leadership” bulshada in ay iska caashaqdo qofka, iskaga dhagto oo ku doqomowdo, danteeda u seegto, iyaga oo xitaa aanan waxba iska weyddiin, taas waa hoog iyo habow halistiisa leh.
Waxaa laga yaabaa in ani iyo adi aan yeelanno meel aan iskaga dhownahay, afkaarta qaar aan isku meel ka taagannahay, mabaaddii’da guudna aan ka simannahay, taas ma abuuri kartaa jewi aan afkaarteyda oo dhan inta aan ka tago taada qaato, iloobo wax kasta oo kale, dhaqankaaga, afkaarta aanan ka sinneyn, hadafkaaga iyo ujeedkaaga iyo wax kasta oo ay ahayd in la xeeriyo, sow taas noqon meyso dameeri dhaan raacday? Kuwa badan oo kamid ah dadka jecel oo raaca hoggaanka xun waxa ay ku raacaan sabab la xiriirta in qaddiyaadka qaar ay iskaga ag dhow yihiin, ama ay isku meel ka taagan yihiin, ama xitaa hal dhacdo oo uu u riyaaqo uu ka helay kooxdaas, kaddibna uu si aan su’aal iyo ka fiirsi lahayn uu u raaco, illaa uu hilmaamo wax kasta oo kale.
Hoggaanka xun waxa uu abuuraa jewi cadow sameyn ah, mid gudeed iyo mid debadba, marxalad kale ayaa loo gudbaa, oo ah in la ceebeeyo dhammaan cid kasta oo ka soo horjeedda maamulkooda, illaa dadku aaminaan in hoggaankoodu yahay qiddiisiin (dad wanaagsan) inta kalena ay yihiin Ibliisiyiin (kuwa xun oo ilma Ibliis ah) jewigaas waxa uu nahda tiraa dowladnimada waxa uu curyaamiyaa wacyiga dadka, waxa uuna abuuraa xaalad kala safasho ah, ilaa marka dambe dadku la suuxaan wacyi darro iyo wax isweyddiin la’aan keeni karta in damiirkoodu dhinto, nidaamkuna uu ku kaco dulmi iyo dadqalatannimo dadkii ka damqan lahaa wacyi darro ay la suuxsan yihiin.
Marka wacyigu seexdo, damiirkaa fasax gala, dadnimadaa dhunta, qofku waa qofkii, haddana qofkii ma ahan, qolof ahaan waa qofkii, qiyyam iyo akhlaaq ahaanna waa qof kale, oo dadku waxa ay soo baxaan iyagoo wax kasta ku taageersan cidda ay taageersan yihiin, wax kastana ku neceb cidda ay neceb yihiin, isweyddiin iyo caqli ha sheegin, taas waxaa ka dhalata xaalad dadku wax kasta caadi u arkaan, dad la qalshay, kuwa la dubtay, kuwa la dulmiyay iyo kuwa kale ba; maxaa damiirka ka qaaday dadkii Jarmalka, markii uu Hitler dubanayay wax magalabsatadii Yahuudda? Aaway damiirkoodii? Maxaa loo waayay cid ka dhiidhisa? cid ugu yaraan xumaan u aragta, cid ka shaleysan waxa ay dadkoodii sameeyeen, garawshiya ka bixiya wixii dhacay. ma dhicin, Hitler waxa uu ku guuleystay in uu xabsi u taxaabo damiirka shacab weynaha Jarmalka, isaga oo ku dhagabarjeeyay wax ay rabeen uu ah sarreynta cirqiga Aryan ka (Sinjiyadda dadka Jarmalka) wacyigoodaa tagay, illaa ay dareemi waayeen bahalnimada uu Hitler kula kacayay masaakiintii Yahuudda; cashar muhiim ah ayaan inta ka qaadan karnaa, wacyiga dadka wax badan ayuu go’aamiyaa qaabka ay noqonayaan hoggaanka shacabkaas maamulaya, ummad wacyigooda sarreeyo ma oggolaadaan hoggaan garaadkooda aanan tixgelineyn, wax aysan raalli ka ahaynna sameynaya, ha yeeshee ummadda hurdda, sida teenna oo kale cid kasta ayaa ula imaaneysa mashruuc kasta, iyaga oo aan ka fiirsanna daba ordaan illaa gebi dheer ay iskala dhacaan.
Dadku ma jecla hoggaamiyayaasha wanaagsan, waayo hoggaanka wanaagsan waa kan wacyiga dadka wax ku darsada, su’aalo ku fura, in ay wax isweyddiiyaan u dira, ugu baaqa in ay caqliga adeegsadaan ka hor caaddifadda, ha yeeshee abuurka shacab weynaha waxaa qeyb ka ah in aanan la is dhibin, ma jecla in ay wajahaan waaqaca qaraar, beenta macaan ayeey ka jecel yihiin runta qaraar, dhalanteedka ayeey dhabta ka doortaan, qabka iyo is dhul dhigga ayeey kala jecel yihiin, khiyaali ku noolaanshiyaha ayeey door bidaan intii ay wajihi lahaayeen dhabta nololsha; tan waa sababta ay dadku u jecel yihiin in ay raacaan hoggaamiyayaasha xun?

W/Q:- Cabdiwahaab Axmed Cali

E-Mail:- C.wahaabyare@gmail.com

Comments