Marka dhaqanka Geeljiraha iyo Soomaalida inta qalafsan laga dhigay dhaqanka guud ee ummadda waxaa lumay oo la iska iloobay taariikho qurxoon iyo shakhsiyaad sar sare oo taariikhdeenna muhiim u ahaan lahaa haddii la baran lahaa. Dhaqanka geeljiraha ee meeshuu joogaba ku ad adag dumarka ee u arka wax liita ayaa noqday warka keliya ee ka faafay sida Soomaalidu u arkaan gabadha. Ha yeeshee waxaa jiray Soomaali ilbaxnimo lahayd oo tixgelin jirtay qof ahaanshiyaha gabadha fursadna u siin jirtay in ay ka qeyb qaadato qeybaha kala geddisan ee nolosha. Haddaba markan aan is dultaago qof laga yaabee in badankiin aysan aqoon se kamid ah dumarkii Soomaalida soo maray kuwii ugu wanaagsanaa uguna aqoonta badnaa diin ahaan iyo aqoon ahaanba.
Maana Siti Xabiib Jalaaluddiin oo ku caanbaxday magaca Daada Masiti waxa ay ku dhalatay magaalada Baraawe ee Koonfurta Soomaaliya mar ku aaddan tobanlihii labaad ee qarnigii 19-naad (1810s) dhanka kalena ku aaddan 1219 hijriga.
Iyadoo lixsano jir ah ayaa la afduubtay oo loo qafaashay dhanka Zanzibar halkaas oo addoon ahaan loogu iibsi geeyay. Toban sano oo nolol addoonsi ah ay ku qaadatay dhulka Zinzibar dad reer Baraawe ah oo halkaas ganacsi u yimid ayaa bar gartay markii ay sheekeysteen Daada kaddibna ka caawiyay in ay is helaan habar wadaaggeeda Cumar Qullateen oo wax kasta ku bixiyay sidii ay uga soo baxsan lahayd qafaalkaas ay muddada ku jirtay. Guur qudbosiro ah ayeey gashay intii ay ku jirtay nolosha afduubka ha yeeshee wax caruur ah iyagoon kala helin ayeey kala tageen illaa markii dambe ay dib ugusoo noqotay magaaladeedii Baraawe.
Maana Siti waxa ay ahayd wadaad Suufiyad ah, gabyaa ah sidoo kalena suhdiga iyo waraca meel sare ka gaartay. Gabayadeeda oo af Baraawe ku qoran waxaa isku dayay badankeeda in uu Af Ingiriis u rogo Max’ed Muunye Qaasim oo aan linkigiisa qeybta hoose ka heli doontaan.
Baraawe sida uu dhulmareenkii Muslimka ahaa ee Max’ed Al Idrisi ku tilmaamay waxa ay ahayd magaalo diimeed ragga iyo dumarkuba u siman yihiin barashada iyo baridda diinta. Magaaladaas waxaa jiray dumar aqoonyahanno ah oo diinta iyo culuumteeda dadka bari jiray kuwaas oo si isxilqaan ah uga qeyb qaadanayay olollaha baridda diinta.
Markii ay dib ugu soo noqotay ehelkeedii waxa ay alle uga towbad keentay wax kasta oo ka dhacay iyadoo guntiga u xiratay sidii ay u baran lahayd diinta waxaana ay cilmiga ka qaadatay Sheekh Max’ed Janna Albahluli oo kamid ah culimada ugu rugcaddaasan taariikhda magaalada Baraawe islamarkaana kamid ah dariiqada Qaaddiriyada. Dhanka suugaanta suufiyada Maana Siti waxa ay waxa ka qalin daaratay sheekhii iyo gabayaagii weynaa ee suufiga reer Baraawe Sheekh Qaasim Muxuyaddiin Albaraawi.
Gabaygeeda ugu caansan waa gabayga “Nolosha kaddib” sheikh Nuureyn alsibri oo isna culimada magaalada kamid ahaa islamarkaasna ay Daadda Masiti isku wakhti ahaayeen ayaa ka codsaday in ay u tiriso beydad ay dadka ugu sheegeyso in aysan u murugoon marka wadaadkoodu dhinto. Maaddaama sheekhu da’diisu siddeetanka sii cagacageyneysay caafimaad ahaanna uu ildarnaa. Maana Siti ama Daadda Masiti waxa ay qabatay howl cajiib ah oo lala ashqaraaro markii ay tirisay gabaygaas toban maalin ka hor inta uusan wadaadku tiisa gelin. Gabaygaas markii dambe waxaa uu isku baddalay qasiiddo lagu xadreeyo xilliyada siyaarta.
Haddii aan si iskayga ah iskugu dayo Soomaaliyeynta beydadka qaar ee gabayga ay Daadda Masiti ugu baroordiiqeyso sheikh Nuurayni waxaa uu noqonayaa sida tan:-
Haddii sheekhu tiisa timaaddo, ninna yaanu u tiiraanyoon.
Rabbigii nafta ku talaallaa haddana la tegaye.
Taliyaheenay tacaadduf u sugnaataye aan turaal u weyddiinno
***
Kuwaad dadka ka soocdee sidaad rabtay yeelay
Xumaanta ka sigtee samaanta raacay
Janna lagu sooriyo abaalkoodu waa suubbanaha la jirkiiye.
Samaan badan wadaadkeenana u rejeynay surankaase
Daadda Masiti mar ay ka hadleysay sida uu wadaadku muhiim ugu ahaa aqoonta wax baridda dadka ayeey tirisay ereyo u dhigma sida tan:-
Cilmi la fidiyiyo La fadhigaagu faa’iiduu lahaaye
Fadligaagu inaadan nolosha faaruqin ayeey ahayde
Ma naftaa taas fursad kuu siineysa?
Nolol waarta kuma jirto filashadee
Yaanay dhimashadu filanwaa kugu noqon
***
Haddii sheekhu tiisa timaaddo, ninna yaanu u tiiraanyoon.
Rabbigii nafta ku talaallaa haddana la tegaye
Dadoow dikriga tabtiisa ka haaya
Oo Quraanku ha tisqaado
waan ka cudur daaranayaa haddii aan sidii ahayd u keenin ereyada ha yeeshee ciddii ingiriisida fahanta linkiga hoose ee maqaalka ayeey kaga bogan karaan gabayga oo dhammeystiran.
Waxyaabaha cajiibka ah ee ay Daadda Masiti isweyddiineyso waxaa kamid ah sababta dadku u murugoodaan marka qof dhinto. Waxa ay aaminsaneyd in ay geeridu tahay nolosha oo kale ee aysan mudneyd murugo iyo in la dareemo urugo. “Haddii naftu tahay mid wakhti leh, wakhtigaasna aanu benii aaddamku waxba go’aan ah ku lahayn, ma jirto sabab loo murugoodo, oo waxa ay mudan tahay in la dabbaal dago oo dikri iyo quraan akhris lagu baddalo” ayeey ku tiri qeyb kamid ah gabayga.
Inta badan maansooyinka Maana siti waxaa saldhig u ahaa aragtida suufiga ah ee in la nadiifiyo nafta iyo ruuxda in ka badan jirka. mid kamid ah maansooyinkeeda waxa ay ku tiri haddii aan tiraab ahaan usoo koobo. “marka nafta lagu qurxiyo towbad iyadoo dambiga si kama dambeys ah looga go’ayo waxa ay keeni kartaa in ruuxdu daahir noqoto oo rabbigeeda ku xiranto taasna ay ku imaan karto uun rabitaanka rabbi iyo go’aan qaadasho sare”
Gabayga Yaa rabbi Yaa Mutacaali waa gabay dheer oo si guud soo koobaya shakhsiyadda iyo taariikhda iyo halgankii ay nolosha usoo martay Daadda Masiti ama Maana Siti waxaana ay si xilkasnimo leh gabaygaas ugu sheekeyneysaa sidii ay uga soo badbaadday dadkii afduubtay iyadoo u abaal qirtay qof kasta oo ka caawiyay soo baxsashadeeda.
Dhanka kale Suufiyadda weyn ee Soomaaliyeed ee Daadda Masiti waxa ay u taariikh iyo shakhsiyad dhowdahay suufiyaddii weyneed ee Raabbical Caddawi taas oo nooleyd intii u dhaxeysay 717 illaa 801. Labada suufi waxa ay iska shabbahaan dhowr meel oo mudan in aan isla soo qaadno. Tusaalle labadoodaba waa la afduubtay oo waa la addoonsaday iyagoo yar yar illaa markii dambe ay xorriyaddooda heleen. Sidoo kale markii ay xor noqdeen go’aamo isku mid ah ayeey ka qaateen mustaqbalkooda dambe oo waxa ay u go’een illaahay iyo caabbudiddiisa. Midkoodna mar dambe uma guursan caruurna ma dhalin. Halka kale ee ay iskaga midka yihiin waa da’weynida. Daadda Masiti waxaa la sheegaa in ay gaartay boqol sano, halka Raabbical Caddawi da’ intaas ka ag dhow ay nooleyd. Markii ay xor noqdeen labadooduba waxa ay sameeyeen gabayo ay illaahay ugu mahadnaqayaan iyo ciddii caawisay. Tusaalle Maana Siti Xabiib Jalaaluddiin waxa ay tirisay gabay ay ugu magac dartay “Haddiyad alle” kaas oo aad ugu dhow shaqadii Raabbical Caddawi. Waxaan isweyddiin karnaa Maana Siti ugu yaraan aqoon ma u lahayd Raabbica? Jawaabta su’aashaas waxa ay u baahan tahay baaritaan qota dheer oo ku aaddan shaqooyinka Maana Siti ee weli ku qoran afka Barawaaniga kuwaas u baahan in loo tarjumo afka Soomaaliga ama xitaa afafka kale ee Carabiga ama Ingiriisiga maaddaama ay ka fahan dhow yihiin luuqadda sawaaxiliga u dhow ee reer Baraawaha.
15kii July 1919 kii oo maanta laga joogo 101 sano ayaa kasoo wareegatay markii ay Baraawe ku geeriyootay suufiyaddii weyneyd ee Maana Siti Xabiib Jalaalluddiin oo taariikhdu u taqaannay Daadda Masiti ama Ayeeyo Maana Siti. Qofkan iyo qofafka lamidka ah ee taariikhda Soomaaliga ee leexsan aan kaalinka ka helin waxa ay u baahan yihiin in raadin gun ah loo galo oo si isxilqaan ah taariikhdooda loo qoro si aysan u lumin.
Waxa aan idinkaga tagayaa qasiiddooyinka hoose oo af baraawe ah kuwaas oo lagu ammaanayo Daadda Masiti ee ka bogasho wacan.
halkan kaga bogo xog badan oo ku saabsan mowdduucan

Cajiib weeye saaxiib...inteenna aqriska jecel waad noo hiilisaa markastaa🙏
ReplyDeletewaa arin loo bahan yahay in kudayasho mudan ustaad A.wahaab
ReplyDeleteMahadsanid saaxib wax badan aya I faaideysay.
ReplyDeleteMahadsanid
ReplyDeleteHorey usoco ustaad
ReplyDelete