
Eugène Gaspard Marin oo Baljamka u dhashay islamarkaana ay saaxibbo isku dhinto ahaayeen Ibrahim ayaa qoray buug uu kaga hadlayo nolosha, waaya aragnimada, aqoonta iyo ogaalkiisa intii uu ka yaqaannay Ibrahimka madow ee ka yimid geeska Afrika. Tan iyo dabshidkii 1977 kii buuggaas oo asalkiisa Af Faransiis ahaa ayaan la daabicin illaa uu dib boorka uga jafay oo uu naash naashay taariikhyahan Richard Pankhurst oo ku faafiyay Joornaal aqooneedka taariikhda Afrika.
Marka laga tago in aan ka baraneyno buugga nolosha Ibrahim iyo waaya aragnimadiisii haddana cashirrada muhiimka ah ee laga dheehan karo buugga waxaa qeyb ka ah amakaagga safarrada doomaha lagu shiraacdo, nolosha dadka maraakiibta ku safra ee dekadaha waa weyn ee magaalooyinka caalamka iskaga kala goosha, halista iyo lama filaanka lagala kulmo mowjadaha aan jihada lahayn ee badda, iyo nolosha guud ee Ingiriiska kaddib dagaalkii koobaad ee dunida.
Ismaaciil, isagoo ku jira sannada dambe ee da’da tobannaadka (Late teens) ayuu soo caga dhigtay UK, ka horse waxaa uu safarro doomo iyo maraakiibba iskugu jirtay ugu kala gooshay Boonis Ayris (Buenos Aires) Argentina iyo Karaaji (Karachi) oo Bakistaan ah. Haddaba maxaa UK geeyay?
“Markii aan Basra Ciraaq joogay waxa aan maqli jiray meel lagu sheegay Yurub oo Jabbuuti dacalkeeda ah, halkaas oo ay noloshu fududdahay, mushaarku sarreeyo, dhibtuna ku yar tahay. Markaasaan u boholyoobay oo in aan nasiibkeyga tijaabsho goostay, illaa markii dambe ayaankeygu isiiyay in aan London soo galo xagaagii 1919, kaddibna aan uga gudbo dhanka Cardiff halkaas oo ay Soomaali badan joogeen isla jeerkaasna shaqadeydii maraakiibtana ka sahlaneyd in aan kaga shaqeeyo”
Isla maalmihii ugu horreeyay ee noloshiisa Ingiriiska, waxaa uu la kowsaday duufaanno dibadbaxayo ah oo ajaaniib iyo madow naceyb ahaa oo ku dhuftay magaalooyinka waa weyn ee Ingiriiska. min London illaa Liverpool, Glasgow iyo Hull haka reebin illaa markii dambe ay duufaantaas dhabankeeda kusoo soo gaartay Cardiff. Nasiib wanaag wax badan ugama baxsaneyn sida ay wax u socdaan iyo dadkaas waa weyn waxa guryahooda kasoo saaray oo ay har iyo habeen lasoo taagan yihiin. Ilaa ay si shakhsi ah u saameysay rabshadahaas.
“In yar uun aniga oo jooga, ayaa waxaa bilowday weerarradii caddaanka ee ku wajahnaa dadka madowga ah ee magaalada Cardiff. Kaddib waxa aan goosannay in aan iska warqabno oo koox koox u soconno, badankeen guriga Cabdi Laangaro oo kamid ahaa odayada Soomaalida Cardiff ayaan isku uruursannay oo xooggeenna iskugu geynay si aan iskaga caabbinno caddaanka qooqan. Dirir iyo dooxid baan u tafaxeedannay waayo xilli kasta ayeey suurtagal tahay in caddaanku deyrka kuu soo jebiyaan. Waddada Millicent ayaa ahayd goobtii ugu horreeysay ee aynu isku fara saarno kuwa korka cad, dagaalku todobada fiidnimo ayuu qaraarkiisa is gaaray in kenni ahna waa uu socday. Todoba illaa siddeed Warsengeli ah ayaa dhaawacyo daran ay soo gaareen. Caddaankii gardarnaana jab xooggan ayaan gaarsiinnay walow ay qabsadeen dabaqa koobaad ee guriga Cabdi Laangaro. Soomaalida waxa ay xooggooda iskugu geeyeen in ay dagaallamaan illaa Booliisku soo gaarayo goobta”
“Markii dhabanka gaariga Boolisku meel dheer kasoo ciyay ayeey sida koronkorro la buufiyay derbiyada ka duseen, qaarkood guryaha deriska nala ah inta ku boodeen iyaga oo soo diga rogtay dibadda yimaadeen oo booliska uga khabar warameen qalalaasihii ay iyaga uun rideen sida dad marqaati ah oo kale. Qaarkoodna firxadka meel baas bay kala dheceen halka habaar qabe jug xooggan aan gaarsiinnay uu illinka hore ee dabaqa koobaad is waray sida lax shilalkii lagu middi saaray waran. Isbitaalka markii loola cararayna ma uusanba dhimane booliska ayuu ka dhuumanayay. Saraakiishii goobta timid waxa ay xarig ula kaceen qaar kamid ah kuweennii dhismaha ku jiray si bal uun su’aalo loosoo weyddiiyo. Ugu dambeyn markii aanu u sharraxnay in aan iska difaaceynay Caddaanka qooqay xorriyaddeennii baan dib u helnay oo dhulkeennii dhab niri.”
Maalmihiisa Cardiff waxa uu ku bartay qof kamid ah qofafkii ugu saameynta badnaa noloshiisa waana Eugene Gaspard-Marin, sida ay isku barteen mar uu sharxayay ayuu yiri.
“Intaan joogay Kaarddif, waxa aan tagtagi jiray masaajid yar oo uu nin Carab oo waarddiye ah uu dhowr tiir ka mud muday. Malaha haddii aad nooshahay wax kaa yaabiya waayi meysid, aad baan u amakaagay markaan aagga masaajidka iyo Carabtaas dhexdooda ku arkay mid cad oo Faransiis ku hadlaya. Malaha weli masii rejeyn in Carabta iyo Caddaanku dabka kala qaadan karaan in ay is dhex galaan daaye. Markii aan soo dhawaaday oo masjidka gelid uun igaga dhiman tahay ayuu mid kuuk ah oo meel Masaajidka ku toosan wax ku kariya ii yeeray kaddibna I baray nin muuqaal cad oo da’ dhexaad ah, iina raaciyay in ninkan uu xiiseynayo in uu islaamka barto oo uu Carabta soo dhex galo. Inkastoonan aanan u muujin in aan la yaabbanahay haddana intaan ka gaaro oo aan u sheegi karo inta ku tuur tuuray ayaan ku iri “waar hooge halkaad ka timid? Halkaadse deggen tahay? Inta dhoola caddeeyay ayuu igu yiri ‘waar Beljam baan ku dhashay, oo Ingiriiskaan dhulka taagga ah ee Cotswold ka deggennahay.’ Inta u muusooday ayaan ku iri ‘Waar bal aaggaas waan soo gaaraaye halagu arko’ ‘Malaha haddii aad halkaas timaaddo in aan is aragno baa jirto’ ‘Waa ku kaaye nabad ahoow’ baan u raaciyay oo socodkeyga sii watay.
Isbarashada Ibrahim iyo Gassy dhex martay kuma ekeyn uun ilbiriqsiyadii Masaajidka ay iskaga hor imaadeen, ee waxa ay si rabitaan kujiro uga dhabeeyeen aan isa soo qabannadii lagu balamay. Ibraahim waxa uu u dhaqaaqay dhanka dhulka taagga ah ee Costwold halkaas oo uu deggenaa Gaspard Marin. Mar qura ayuu isku ahaa Shuuci midig fog ah oo aan nidaamka jecleyn (Anarchist) aadna u dhaliilsanaa hab maamulka guud ee ku dhisan dowladaha iyo quraamaha isagoo u arkayay dabar weyn oo dadka ka awdaya dalad weyn oo insaanku ku midoobi kareen oo ah benii aadanimada. Intaas waxaa u dheer safarrada iyo dalmarnimada ayaa aad agtiisa ugu weyneyd taas oo keentay in ay isa soo jiitaan Ibraahim oo isna socdaalle saantiisu meela kala duwan tagtay.
Maaddaama uu sas badan ka qabay naceybka caddaanka ee ku aaddan shisheeyaha Ibrahim oo taxaddar badan uu ku jiro ayaa qabtay toobiyihii tagayay tuulada Marin illaa markii dambe ay is arkeen oo shafka shafka isku saareen oo si heer sare ah loosoo dhaweeyay oo ay ka dhabeeyeen ‘aanu isa soo qabannadii” masaajidka hortiisa ay isku dhaafsadeen bilowgii barashadooda. Maaddaama duufaanta ajaaniib naceybka ee hareysay guud ahaan dhulweynaha Ingiriiska weli waa uu jiraa kala shakiga dadka kale jinsiyadaha ah. Ibraahim waxaa uu hoosta ka sitay oo u qarsooneyd baastoollad uu islahaa iskaga difaac haddii ay dhacdo in weerar uu kaaga yimaado ninkan cad ee aad hadda baratay. Shakigaas inkastoo dhanka Marin uu jirin sida uu laftigiisa ku sheegayo buugga uu ka qoray haddana duruuf loogu cudurdaari karo ayeey ahayd.
Waxaa u bilowday Garpard Marin iyo Ibraahim nolol rafiiqnimo ah oo xididdo adag ku taagan. Waxa ay wadaageen nolosha wejiyadeeda kala duwan; macaan, qaraar, xanuun, farxad iyo nooc kasta oo uu waayuhu usoo wajahay. Ibrahim hanooga sheekeeyo safar ay London u aadeen isaga iyo saaxibkiis iyo wixii ka raacay.
“January 1924 kii ayaan safar dheer oo badda ah ku tegay Koonfurta Ameerika, judhii aan soo noqday anigoon daal tiran oo diifta safarka iyo diihaalka aan ka qaaday ka bogsan ayuu saaxibkey igaga sheekeyay meel la yiraahdo Wemblay iyo bandhigga boqortooyada Biritin. Wax badan igagama baxsaneyn waxa uu ka sheekeynayo, boholyowga uu u qabo iyo sida uu u buunbuuninayay bandhiggaas ayaa laftigeyga xiiso igu abuuray oo in aan aadno rabooday, sidii ayaan ku goosannay in aanan sinnaba u dhaafin sannadkan Wemblay iyo bandhig carweedka reer boqortooyo. Tabaabusheysi dheer kaddib waxa aan tagnay London. Haa London, London weyn oo aan is aqoon, boqol jeer ka duwan tuuladii aan ka nimid. Dadku inta ay dharka ka aradan yihiin in ka badan ayeey naxariista iyo isu roonaashaha ka aradan yihiin. Waa nimid waxa aan la nimid yaab iyo af kala qaad. Waxa mashiin ee socda ee keligood is wada, waxa farsamo ee amakaagga leh ee uu Benii Aaddamkan ku dhiiraday sameyntooda. Waan majeertay oo Yurubbiyaannimada sareyn mooday, oo isu tusay in haddii aysan iyagu ahayn dunidu wax badan waayi lahayd haddana waan is celiyay oo dib u eegay axmaqyadii badnaa ee cawaanta ahaa ee naceybka iyo cunsuriyadda kuwada noolaa ee isla iyagaan ka dhashay. Si kastaba waxa aan dhex taagannahay Wemblay iyo dhacdadii la wada sugayay.
“Galabtii koobaad markii aan soo dhammeysannay daawashada bandhigga waxa aan qabannay dhankaas iyo Bloomsbury si aan u helno muddul aan seexanno maaddaama aan isbuuc halkan joogeynno. Saaxibkey mar haddii uu luuqadda igaga wanaagsan yahay igana dub cad yahay waxa aan is tusnay in uu inoo raadiyo muddullo kiro ah se dhammaan waa ay wada buuxeen oo muddo ka hor bandhigga ayaa la wada qabsaday maanta iyo shalay iyo mar u dhowna ma banaaneen. Talaa nagu caddaatay oo meel aan wax ka bilowno garan weynay. Waxa aan u tagnay mid waardiye ka ah guryaha la kireeyo waanna u sheegnay in aan rabno qol aan seexanno se si cad buu inoogu diiday iyadoo aan arkeyno in ay jiraan qolal banaan oo aan la degneyn. Markale waxa aan u dhaqaaqnay dhanka Rowton House si bal haddii aan wax ka heleyno nasiib darro si aan gabasho lahayn ayaa nalagu yiri “Muddulladan lagama kireynayo qof aan caddaan ahayn, fadlan naga raalli noqda” naftaa isku kaaya timid oo hanfiga dhacaya iyo hoy la’aanta isku kaaya heshay, London waxa ay iigu sawirantay magaalo horror ah. Rag talo kama dhammaatee waxa aan goosannay in aan habeenka oo idil lugeys ku dhammeyno oo London guri illaa gidaar kasta tagno si aan wakhtiga u luminno. Habeenkaas Eeyaha London iyo anagaa si wanaagsan isu barannay oo waddo kasta iskaga soo horbaxnay illaa markii dambe aan gabbaal iyo gacal ka helnay oday Yahuudi Ruushiyaan ah oo Saybeeriya illaa Shiinaha Lug ku tagay haddana waayuhu London kasoo rideen. Si dadnimo leh ayuu inoo sooray oo inagoo gurigiisa ku jirna falaaraha cadceedda daaqadda noogu soo galeen si ay inoo ogeysiiyaan in ay bilaabatay maalintii dheereyd ee aan sugeynay. Sidaas ayaan markale usoo jirmaadnay Wemblay una daawasho tagnay bandhiggii boqoreed. Ilaa markii dambe ay inoo dhammaatay isbuucii aan ugu talagalnay in aan joogno halkan.
"Markii ay ahayd in aan guryo noqonno ayaan u kala muraad yeellanay magaalada waxaanse ku heshiinnay in aan iskugu nimaadno madxafka weyn ee Britian. Nasiib darro waan ka lumay waddadii oo waxa aan toosin waayay halka ay iga xigto waddada Madxafka. Maalinkaas luuq aan jaanta dhigin ma jirin waayo ma akhrin Karin badanaa magacyada derbiyada ku qoran cid I caawisana waan sii waayay illaa uu iga tegay tareenkii Paddinton oo uu saaxibkey markii uu ka quustay in uu I helo iskaga guryo noqday. Raacdada saaxibkey illaa habeenku dumo ayeey ila gaartay, mana soo helin. Markaan waxa aan raadinayo saaxibkey uun ma ahan e meel aan seexdo ayaan u baahannahay. Sidaan cid kasta u lahaa ma I seexineysaa ayaa dhuuxa iga dhammaaday oo socodku igu sii gabaabsi noqday ilaa markii dambe aan helay askari insaan ahaa oo si kasta iskugu dayay in uu ii caawiyo, xitaa waxaa uu dadka u sheegayay in aan ahay askari Biritish ah oo ciidanka badda ka tirsanaa dagaalkii koobaad haddana aan guri laawe ku ahay London. Wax uu I wad wadaba oo qof kastaahi leeyahay madow soo dhaweysan maayo isaguna quus taagan yahay ayaa islaan cadi tiri ‘hadduu berito wejigeyga dhaafayo caawa waan seexin’ ‘Naa caawa uun na seexi berito anigaanba araggaaga rabine’ ayaan niyadda iska iri, sidaas ayaan habeenkii habowga iyo hoy la’aanta ahaa xal ugu helay oo askariga iyo islaantaas ugu mahadnaqay. Markii uu waagu dilaacay ayaan daf iri oo bosteejada tegay salkana ku hubsaday basaska taga whiteway sidii baan nabad ugu tegay”
Maaddaama Ibrahim ku dhashay dacalka Laasqoray kuna soo koray magaalo ilbax ah oo kulansatay dhaqankii Soomaaliga ee baaddiyaha yaallay iyo xadaaradda dadyowga xeebta kaga duwan yihiin bulshada kale ee Soomaalida, lagu daray in uu dalmar ahaa taas waxa ay ka caawisay in uu yeesho fogaan arag iyo maskax furnaado. Gaspard Marin keliya ceesh wadaag uun ma noqon Ibraahim ee sidoo kale waxa ay noqdeen feker wadaag, beryahaas isbarashadooda ku beegneyd ayuu bilaabay barashada akhrinta luuqadda Ingriiska taas oo markii dambe uu u aayay. Akhrinta buugaagta iyo gorfeynta umuuraha markaas taagnaa oo ay ugu weyneyd nidaam xumada Yurub hareysay, cunsuriyadda, dhaqaalle xumada, dagaallada ahliga ah, dhaca iyo dhiigmiiradka bulshada inteeda nugul ayeey si isku dareen dhow u wada falanqeyn jireen Ibraahim iyo saaxibkiis. Ugu dambeyn koox dhan oo isku feker ah ayeey noqdeen waxaana hoggaanka u hayay Marin iyo Ibraahim.
Kooxdan midigta ahaa waxa ay si daran uga soo horjeedeen nidaamka dowliga cusub oo ay u arkayeen in uu Aadanaha kala qoqobayo oo uu kala qeybinayo. Sidoo kale waxa ay dhaliisha duufaannada cunsuriyadda dusha uga ridayeen nidaamka dowliga oo ay u arkeen in uu bulshooyinka seeto u sameynayo oo uu qeybinayo. Caksiga waxa ay rumeysnaayeen in Benii Aadamku u baahan yahay in uu ka xoroobo wax ay ku sheegeen “Mooreysiga” una gudbaan marxalad walaalnimo oo wax wada qabsi ah; sida ugu dhow ee lagu yagleelli karana ay tahay in cagta la mariyo wax ay ku sheegeen nidaamyada dowliga ah oo caqabad ku ah wadajirkaas.
Dhanka kale Ibraahim waxaa uu si xikmad ku dheehan tahay uga gaday asxaabtiisii dhaqanka Soomaaliga qeybtiisa soo jiidashada leh isagoona u tusay caalamka in ugu yaraan uu dhaamo nidaamka iinta badan lahaa ee Yurub waayadaas lagu dhaqayay. Ibraahim mar ay saaxibbadiis isla soo hadal qaadeen nidaamka caddaaladda iyo garsoorka Ingiriiska iyo guud ahaan Yurub ka jiray ayuu uga waramay halkii uu ka yimid (Soomaaliya) iyo nidaamkii ka jiray.
“Marka dhibaato laba qofood dhex timaaddo waxaa loo saaraa xeer beegti ka madax banaan labada dhinac ee kala eed sheeganaya, xeer beegtida waa dad caqli iyo dhaqan diimeed lagu tuhmayo. Kaddib xeerbeegtida waxa ay si madax banaan u dhageysataa marqaatiyada labada dhinac ay la yimaadaan, sidaasna go’aan caddaalad ku dhisan ku gaaraan iyagoo ku dhisaya marqaatiyaha iyo caddeymaha labada dhinac ay soo gudbiyaan. Haddii dhinac kamid ah dhinacyadii garramayay uu saluugo sida ay xeerbeegtidu garta u naqeen waxaa loo saaraa oo loo gudbiyaa guddi sare ka kooban culimo iyo oday dhaqameedyo. Haddii gartu bixi weyso oo intaasba la isla mari waayo labada dhinac waxa ay ku kala baxaan in la raadiyo qof labada dhinacba ku kalsoon yihiin oo gartiisa la hubo, qofkaas waxaa uu noqdaa wadaad, waxaa uu noqon karaa oday waxaa uu noqon karaa caaqilka reerka iwm isagaas ayaana kala saara oo sidaas loogu kala baxaa oo loo kala faataxeystaa.” Ibraahim oo ka sheekeynayay xeerka garsoorka Soomaalidii baaddiyaha.
Wakhtiga uu Ibraahim Ingiriiska ku noolaa waa amin ku aaddan markii uu soo idlaaday halgankii Daraawiishta ee lagu jebiyay Sayyidka iyo colkiisii, islamarkaana dhulka oo idil uu is gaaray gumeystaha iyo dhaqankiisa. Mar uu ka waramayay sida uu uga gubanayo dhaqanka xun ee uu Gumeystaha la yimid ayuu yiri “waxa aan ka tiiraanyoonayaa dhaqan-dooriska uu gumeystaha la tegay dhulkii aan ka imid. Beenta, isku dirka, masabbidka iyo lacag jaceylkaba ha ugu darnaadaane. Anigu markaan Miiga joogay beentu waxa ay ahayd wax aad u liita oo laga xishoodo, qofka beenhawaaska ahna waxaa uu ahaa qof tilmaaman oo ra’yigiisa la takooro. Dhaqanka magaalada markii uu Miigu gaaray kii baaddiyaha ee suubbanaa ayuu barabixiyay, oo dadkiiba maaddi bay noqdeen oo akhlaaqdii ka tageen oo beenta caadeysteen. Halka ay runta iyo ku dhiirashadeeda ay Soomaalidii hore ka joogtay waxa aad ka garan kartaa beri baa oday wiilkiisa dacwad lagu qaaday laguna helay, markii la yiri ‘hebeloow wiilkaaga dacwaddaas baa lagu qaaday laguna helay’ ayuu yiri ‘Ma qirtay in uu galay falkaas?’ markii lagu yiri ‘haa uu qirtay’ ayuu si farxad ku jirto u yiri ‘Allaa ilehe waa igu banaan yahay’ oo uu kala jeeday marba haddii uu runta ka sheegay wixii uu sameeyay waa u qalmaa in uu yahay wiilkeyga, yacnii dambi kastaahi ha galee haddiiba uu runta sheegayo waa nin mudan amaan. Marka bulsho sidaa u akhlaaq fiican ay soo dhex gasho dhaqan magaalo aan qiyam lahayn oo lacag iyo been iyo masabbid uun taqaanna waxaa khalkhal galaya saafinnimadii dadka, deegaankuna waa uu qaribmayaa”
Waxyaabaha sida dhabta ah u gubayay Ibraahim waxaa qeyb ka ahaa aqoondarrada iyo wacyi xumada bulshadii uu ka yimid iyo sida ay uga dhoohan yihiin ugana dhaga owdan yihiin adduunka intiisa kale. “Haddii aan waddankeygii nolol ku gaaro waxa aanan ka ladi doonin aqoon darrada iyo wacyi hooseynta ummaddeyda iyo waxa ilbaxnimada la yiraahdo dhibta ay u keentay dhaqanka saafiga ah ee miiga. Intii aan ka xasuustay dhaqanka bulshada Soomaalida ayaan idinkaga waramay, Waxa aan garashadiinna ku dhaafayaa in aad rogrogtaan oo aad u fiirsataan dhaqanka Soomaalida ee aan idinkaga waramay iyo waxa idinka cajabiyay. Mahad oo idil waxaan u miisayaa aqoonyahanka iyo mufakiriinta isku howshay sidii looga adkaan lahaa nidaamyada isticmaariga ah ee bulshooyinka adduunka loogu qeybiyay gobol gobol, dowlad dowlad iyo qaran qaran, kana shaqeeynaya maslaxadda guud ee Aadanaha una diyaarinayay sidii ay walaalnimo iyo jaceyl ugu wada noolaan lahaayeen”
Dhab ahaan marka aan si gun ah u dhuuxno nuxurka sheekada Ibraahim waxa ay sawir buuxa naga siineysaa qofka uu Ibraahim ahaa. Ibraahim reer Miiy ah oo dalmar ah meelo kala duwan dunida ka tagay, markaase ku nool waaqac balbalaya oo dhiigbaxaya. Sidoo kale waxa ay weeneyso noo saareysaa nolosha maalinlaha ah ee Yurub iyo Ingiriiska ka jirtay ee dhexda ka taagneyd colaadaha sinjiga ku saleysan, dhaqan xumo, mabda’ la’aan, nolosha dadka oo maaddiga wada ah noqotay oo akhlaaqdii ka wada tagay, lagu daray nidaam xumida iyo maamul liidanaashiyaha ka jiray dhulkaas. Marka aan soo wada duubno Ibraahim waxaa uu ka badbaaday in uu ku dhaco khalkhal sowrac oo ka dhalan karay noloshiisii miiga ahayd ee uu ka yimid iyo nolosha Yurub ee ilbaxnimada lahayd ee uu u yimid. In uu khalkhalkaas ka badbaado dhab ahaan waxa ay ila tahay waxaa ka caawisay dalmarnimada iyo waaya aragnimadii uu ka dhaxlay lagu daray saameynta uu kulahaa saaxiibkiisii Marin oo ahaa muxaafid ka gadoodsan nidaamka markaas jiray. Maaddaama saaxiibkiisba ka gadoodsanaa nidaamkii jiray ee la is biya raacin lahaa, islamarkaana uusan xilli hore helin nidaam kale oo uu u riyaaqo waxaa uu ku qasbanaaday in uu goos dambeedka ku qabsado dhaqankiisii uu kala yimid dacalka Sanaag taas oo keentay in uu ku faano oo uu saaxibbadiisii kala dhaqanka iyo dalalka duwanaa ka gado oo uu kala dardaarmo.
Waxa sida gooniga ah ii soo jiitay ani ahaan waa sida uu ninkaas Soomaaliga ah u fekerayay 100 sano ka hor maanta iyo waxyaabihii xilligaas walwalka ku hayay iyo sida ay maanta wax yihiin. Beenta, lacag jaceylka iyo qiyam la’aanta uu nolosha magaalada ku eedeynayay xilligaas kawarran maanta xaalku sida uu yahay?
Sawir uu ku jiro Ibraahim Ismaaciil ayaa dahaar looga dhigay buugga Whiteway: a colony on the Cotswolds kaas oo uu qoray Nellie shaw sannadkii 1935. Isagoo suud qurxoon wata islamarkaana dhoolacaddeynaya ayaa Sawirkaas ay kula jiraan dhowr iyo tobanka qofood laga qaaday. Faallada hoose ee sawirka waxaa loogu yeeray Salah oo ah mid kamid ah magacyadii afgarashada ahaa ee loogu yeeri jiray Ibraahim Ismaaciil. Shaw oo mar deris la ahayd Ibraahim waxaa ay ku qeexday in uu ahaa saaxiib wanaagsan oo dhammaan hantay quluubta dadyowgii xilligaas ku noolaa Whiteway iyo nawaaxigeeda.
Nolol dheer oo gebi dhacleyneysay maalinba meel joogtay kaddib sida ay Shaw werineyso Ismaaciil waa uu daltabyooday oo u baholyoobay dhulkiisii uu in badan ka maqnaa, ugu dambeyn sida loo badinayo waxaa uu ku noqday dalkiisa waayo Ismaaciil intii uu deegaanka ku noqday Ingiriiska hal jeer mooyee weligiis safar dheer oo badda ah ma gelin, in uu dib ugu noqday noloshiisii badmaaxannimada iyo in uu toos ugu gurya noqday Soomaaliya oo uu markii hore ka yimid ayaan si cad loo caddeyn Karin.
Hilaaddii 1931 dii ayuu Marin yimid Soomaaliland halkaas oo uu ugu socdaallay xog aruurin iyo cilmi baaris uu waday, inkastoo si daran ugu dadaallay in ay is haleellaan oo dib isu arkaan saaxiibkiisii Ibraahim haddana ma dhicin oo qaddartu ma qorin in ay dhaayo isa saaraan markale. Inkastoo xiriir uu weli ka dhexeeyay labadooda oo dhowr jeer ay waraaqo hawada isu mariyeen haddana muddo kaddib Marin waxaa uu war iyo wacaal ka waayay warqaddii u dambeysay ee uu saaxiibkiisa u diro, taas oo kaga shakisanaa in aysan gaarin oo ay dhexda ku luntay iyo in Ibraahim tii rabbi u timid uu quurbaxay. Labada midkey ahaataba ma jirto cid taqaanna dhammaadka nolosha Ibraahim iyo halkii ay ku dambeysay, mana jirin dad badan oo masuuliyad iska saartay sii baaridda shakhsiyadda Ibraahim ilaa laga soo gaaro 1970kii markaas oo uu taariikhyahankii Ethiopian Ingiriiska ahaa ee Richard Pankhurst helay raadka buuggii laga qoray Ibraahim Ismaaciil kaddibna dib boorka uga jafay iskuna toostoosiyay ilaa markii dambe lagu daabacay joornaalka African History caddadkiisii soo baxay 1977kii. Buugga soo dhaweyn fiican ayuu helay maaddaama uu yahay gacanta koobaad islamarkaana uu ka sheekeynayo nolosha qof qaxooti ku ah Ingiriiska muddo todobaatan sano xilligaas laga joogay, lana noolaa nolol wejiyo badan oo duruufo kala geddisan ay ku xeeran yihiin.
Qoraalkan in aan qoro waxaa igu dheera geliyay warbixin BBC da qeybteeda afka Soomaaliga ay afartan sano ka hor ka sameysay shakhsiyadda Ibraahim Ismaaciil oo dhowaan lasoo cusbooneysiiyay islamarkaana uu soo geliyay bartiisa Faysbuugga weriye Farxaan Maxamed Jimcaalle. Markii aan daawaday muuqaalkaas ayaan goostay in aan raadiyo xogta ninkaas qiimaha badan ee naga dhashay islamarkaana aan ugu yaraan hal iyo laba intaan ka gaaro soo xariiqo taariikhdiisa aan dayacnay idinlana wadaago. Waxaa jira dad badan oo micno badan lahaa oo Soomaali ah noolaana wakhtiyaad iyo wakhtiyo ka ag dhowba se la iloobay shakhsiyaddooda iyo waxtarkooda taas oo dhabar jab xadaaradeed iyo mid taariikheedba ku ah bulshadeenna sooyaalka kooban.
Cabdiwahaab Axmed
Muqdisho – Soomaaliya
04-January-2021
Tixraacyo
Asc sxb cabdiwahaab aad baan u jecleystay dhigaalkan aad sida quruxda badan u qortay waadna ku mahadsantahay
ReplyDelete