Mar ku beegneyd 19 kii August hilaaddii 2011, dal in ka badan 20 sanno dhex maquuranayay dagaallo ahli ah, isdiiddooyin qabiil, iyo abaaro aan xilli lahayn ayuu hal mar indhaha caalamka kusoo jeediyay. Bartamihii bishii Ramadan ee sannadkaas Soomaaliya oo ay ku dhufatay duufaan abaaro ah iyo hirar sicir barar ah xaalkuna yahay ciirsi la’aan ayaa mar qura waxaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho soo caga dhigatay diyaarad sidday Ra’iisul wasaarihii Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo ay wehliyaan xaaskiisa, gabadhiisa iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirrada.
Kaalmo laga soo aruuriyay shacab weynaha Turkiga ayaa wejiga koobaad ee taageerada lagu bilaabay. in ka badan $250 Milyan oo dollar ayaa lagu wareejiyay dowladda Somalia iyo guud ahaan hay’adaha ka shaqeynayay arrimaha Benii Aaddamnimada si wax looga qabto xaaladda daran ee dalka ka jirtay. Marka laga soo tago in dowladda Turkiga ay ka lahayd qorshe fog iyo itaraatiijiyad is fidin ah, haddana Erdoğan waxaa uu halis u geliyay naftiisa iyo tan qoyskiisa in uu caawiyo dalkan Muslim ka ah ee colaaduhu halakeeyeen, abaartuna ugu darsantay. Doorka wanaagsan ee wixii markaas ka dambeyay ay Turkidu ka qaateen dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalle, ciidanka iyo isku socodka labada bulsho waxa ay ahaayeen dayax shan iyo tobanaan aan sacab lagu qarin karin, ha yeeshee maqaalkaan waxa aan isku dul taagi doonnaa sida ay Turkidu u fududeysteen taariikhdii abka gaarka ahayd ee qaar kamid ah meelihii ay dayac tireen, si qaas ah masaajidka Arbaca Rukun ee ku yaalla degmada Xamar Weyne gaar ahaan agagaarka xarunta gobolka Banaaddir.
Ilbaxnimada guunka ah ee Turkida waxa ay ahayd mid soo dhirirsan quruumo badan, waxaa ku yaalla goobaha ugu qaddiimsan adduunka kuwaas oo sannad kasta loosoo dalxiis tago loona soo cilmi baaris doonto, taas waxa ay gayeysiisay in ay ixtiraamaan oo ahmiyad siiyaan goobaha taariikhiga ah iyo walxaha taariikhiga ah ee dalkooda. Tusaalle marka aad tagto magaalada Edirne ee Wuqooyi-galbeed Turkiga dhacda waxaad ka heleysaa oo weli ku yaalla masaajidka Selimiye oo ah mid kamid ah masaajidda ugu qaddiimsan guud ahaan dhulka Turkida kaas oo ku aaddan dhismihiisa qarnigii 16-aad ee Miilaaddiga. Sidaas si lamid ah masaajidka weyn ee Aysofia oo isna ah kan ugu caansan looguna booqashada badan yahay dalkaas weli naqshaddiisa wax iskama baddalin oo waa la dhowray. Ha yeeshee caksiga waxa ay fududeysteen oo ay cagta mariyeen dhaxal kasta oo taariikhi ahaa oo laga dheehan karay Minaaradda Masjidka Cabdilcasiis ee degmada Cabdicasiis, derbiyada misaajidka Arbaca Rukun iyo goobo kale oo dhaxal taariikheed yaallay se ay dib u dayactireen.
Ka hor sannadkii 1991-kii intii uu san dalku dhexda ka gelin dagaal sokeeye islamarkaana aysan qayirmin muuqa magaalada Muqdisho, dhinaca bidix ee Mixraabka masaajidka Arbaca Rukun waxaa ku yaalla laba astaan oo taariikhi ah ayna ku xardhanaayeen qoraallo muhiim ah. Kan ugu sarreeya waxaa uu ahaa alwaax si quman loo qoray oo ay ku weegaarsan yihiin ubaxyo sharraxaad ah. Halka kan kale uu ahaa mutuleel nooca u diyaarsan in wax lagu dulqor kaas si xilkasnimo ku dheehan tahay loo qotomiyay gidaarka.
Aqoonyahankii reer Taliyaani ee Enrico Cerulli waxaa uu sidooda usoo werinayaa qoraalladii ku qornaa derbiga kuwaas oo ahayd xusuusinta taariikh geeriyaadka Khusrau ibn Muhammad al-Shiraazi oo u dhashay dalka Iran loona badinayo in uu ahaa qofkii dhisay masaajidka. Alwaaxa koobaad waxaa ku qornaa “Maskiinka alle ee u baahan raxmaddiisa Khusrau ibnMuhammad al-Shiraazi” halka mutuleelka hoosana uu ku qornaa “Khusrau ibn Muhammad al-Shirazi oo geeriyooday taariikhda Hijriyadu markii ay ahayd 667 kuna beegan sannadka 1269 ee tirsiga miilaaddiga:
Qoraalladaas waxaa aan ka dheehan karnaa sida Muqdisho ay u ahayd magaala furan oo ay ummado kala duwan ugu wada noolaayeen, sidaas oo kale waxa ay noo bidhaaminayaan joogitaanka iyo saameynta Iiraaniyiintu ku lahaayeen geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya. Ha yeeshee dukumintiyadaas taariikhiga ah waxa ay ku burbureen gacanta injineerradii Turkida ee dayactirayay masaajidka kuwaas oo booskooda ku baddalay Mutuleel nooca Turkida ah kaas oo masaajidka oo idil lagu wareejiyay; halka mixraabka qeybtiisa sarana lagu qoray Aayatul Kursi.
Ma jirto raad ama calaamad qaddiim ah oo ka muuqata masaajidka, waxa aan dhihi karnaa waa masaajid cusub oo ay Turkidu dhiseen ee ma ahan Arbaca Rukun la dayac tiray. Dhisma kasta oo qaddiim ah waxaa uu leeyahay shey micna u yeella islamarkaana lagu qeexo, magaca Khusrau ibn Muhammad al-Shiraazi waxaa uu bilay kana dhigay mid soo jireen magaca masaajidka iyo taariikhdiisa, waayo gacmihii ku kala dambeeyay dhismaha masaajidka midkasta waxa ay dhowrayeen in aan dhismaha masaajidka iyo dayactirkiisa lagu talax tagin si aysan u lumin taariikhda iyo hiddaha ku suntan gudaha masaajidka.
Dayactirka goobaha taariikhiga ah ma ahan mid sahlan una fudud sida dhismayaasha caadiga ah ee inta shamiinddo iyo caro la qaso bulkeetiyada derbi looga dhigo, waxa ay u baahan yihiin xirfad, taxaddir iyo dareen gaar ah oo shey kasta ahmiyaddiisa siinaya. Arbaca Rukun waxaa ku jiraa dhismayaasha dhifka ah ee ka haray Xamartii ilbaxa ahayd dhowr boqol oo sano ka hor, ha yeeshee hadda malahan nuxurkii iyo ruuxdii laga shinsanayay tagtadii quruxda badneyd ee derbiyada masjidka aan sida fudud uga dheehan karnay.
Goobaha qaddiimka ah waxa ay si sahlan noo siiyaan dareen qurux badan iyagoo noo soo tebinaya maalmo tagay iyo taariikh hore, sidaas oo kale waxa ay noqon karaan ilo dhaqaallo haddii inta la dhowro looga faa’iideysto dalxiisayaasha iyo dadka daneeya sida dunida kalaba.
Dayactirka masaajidka, aragtideyda waxa ay ahayd in marka hore laga fekero cidda loo xilsaarayo, gaar ahaan cidda naqshadeyneysa aagga mixraabka iyo guud ahaan derbiyada masjidka, marka xigtana laga talageliyo dadka deegaanka ee aqoonta badan u leh si looga fogaado cabaaqibka bulsho ee ka dhalan kara haddii la fududeysto dhaxalkaas weyn.
Arbaca Rukun oo ah mid kamid ah masaajiddada ugu cimriga dheer adduunyada uma qalmin in sidaas sahlan dhaxalkiisa loo lumiyo, waxaa habboon in markale dib loo naqshadeeyo oo laga gaaro xusuustaas qiimaha badan ee sida fudud u luntay iyadoo la raacayo talaabooyinka soo socda.
B. In marka hore masaajidka aas aaska laga soo bilaabo si loo saxo.
T. In tiirarka dhexe ee masaajidka laga sameeyo qurubyo dhagaxyo ah oo aan la isku malaasin mutuleelna loo dhaweyn qeybta hore iyo qeybta dambana la mariyo rinji cad.
J. In lagu qoro meesha kore ee mixraabka magaca Khusrau ibn Muhammad al-Shiraazi oo loo badinayo in uu yahay qofka dhisay masaajidka asalkiisa, iyo taariikhda dhimashadiisa.
X. Sidoo kale looga faa’iideysto in lagu xardho dhacdo saameyn leh oo lagu xasuusan karo burburkii dalka ama lagu qoro astaamo islaami ah haddii ay ahaan lahayd aayado Quraan, xaddiis ama dikriga illaahay iwm.
Haddii ay taas dhacdo waxaa soo noqoaya ruuxdii masaajidka iyo ahmiyaddii taariikheed ee uu ummaddan u lahaa. Sidaas oo kale waxaa lagu baraarugi lahaa muhiimadda masaajiddu u lahaayeen Soomaalidii ilbaxa ahayd ee ku dhawaad kun sano ka hor ku nooleyd Muqdisho.
Dowladda Turkiga abaal weyn ayeey Soomaaliya u gashay tobankii sano ee lasoo dhaafay, waanna isla qirsannahay middaas ha yeeshee marka ay la macaamilayaan dayactiridda, dhisidda iyo sameynta goobaha taariikhiga ah waxaa muhiim ah in ay ixtiraamaan dhaxalka goobtaas aysanna fududeysan sida ku dhacday masaajidka Arbaca Rukun iyo manaaradda masaajidka Cabdilcasiis oo dhammaan la aradan maanta sida aan soo sheegnay nuxurkii taariikhiga ahaa ee ay lahaayeen.
Muqdisho waxa ay sii lumineysaa heybaddeedii taariikheed, waayo soddonkii sano ee dagaalka sokeeye la dhex maquuranayay waxaa iyagana burburay badanka dhismayaashii taariikhiga ahaa, calaamadihii ummadnimada muujinayay iyo taalooyinkii halyeeyada. Dhismayaasha hadda dayac darrada la dumaya waxaa kow ka ah dhismaha qasrigii Sayyid Barqash markii dambana laga dhigay madxafkii Garissa ee ku dhagnaa dhismaha Hotel Curubo ee degmada Shangaani. masaajidka Fakhruddiin oo ah masaajidkii todobaad ee ugu horreeyay ee Afrika laga sameeyo sannadkii 969kii miilaaddiga iyo goobo kale oo weli dayac darreysan kuwaas oo aanan weli helin daryeel dowladeed iyo dareen bulsheedba.
W/Q:- Nuraddiin Xaajji Shiikhey - Nuredin Hagi Scikei
W/T Cabdiwahaab Axmed Cali
Dadka reer Mogadishu badi kuma fikiraan waxyaabaha soo jireenkaa ee taariikhda leh in la ilaaliyo, kuwa idmay in masaajiddaas la dayactirana iyaguna kuwi howsha haayay uma soo jeedin in taariikhda la dhowro.
ReplyDeleteTurkidana in ay sida taariikhdooda u dhowraan ay dhowraan tan ummadaha kale ayaa laga rabay.