Muxuu Dhulmarihii Gariigga ahaa kusoo Arkay Dhulka Soomaalida Laba Kun oo Sano Ka Hor?



Dad badan ayaa u heysta in taariikhda Soomaalida uun ay ka bilaabato dhowrkii qarni ee lasoo dhaafay, ama fogeeye ay la bilaabatay hanaqaadkii diinta islaamka ee geeska Afrika. Haddaba taas ma dhabbaa? Si aan su’aashaas jawaab ugu helno waxa aan dib boorka uga jafi doonnaa buugaag hore, xusuuso la iska hilmaamay iyo maalmo diiwaanka laga saaray.

Inta la og yahay buugga ugu qaddiimsan ee ka hadlay dhulka la siman badda cas iyo gacanka Cadmeed illaa xeebaha dhulka hadda Soomaalidu degto waa buugga The Periplus of the Erythraean Sea oo uu qoray dhulmareen ganacsade ahaa oo aan la aqoon magaciisa una dhashay Gariigga se deegaan ku ahaa magaalada Alexandria ee dalka Masar.

Buuggan waa xusuus qor ka hadlaya waxaa uu qoraagu kusoo arkay magaalooyinkii uu tagay. Magaalooyinka uu sida faahfaahsan uga hadlayo waxaa qeyb ka ah Zaylac, Xiis, Barbara, Xaafuun, Muqdisho, Boosaaso iyo magaaloyin kale oo ku yaalla Soomaaliya.

Magaalooyinka aan magacyadooda sare ku xusnay waxa ay lahaayeen magacyo kale kuwaas oo ka duwan kuwa maanta loo yaqaano.

Qoraaga waxaa uu si faahfaahsan uga hadlayaa deegaanka Soomaalida, dhaqaale ahaan sida ay ahaayeen, suuqyadooda, caadooyinkooda iyo wixii uu kusoo arkay.

Marka laga tago buugga The Periplus of the Erythraean Sea waxaa jiray isna buug kale oo lagu magacaabo The Geographia oo uu qoray aqoonyahan reer Masar ahaa se asal ahaan kasoo jeeday Gariigga laguna magacaabi jiray Ptolemy. Labada buug waxa ay si isku mid ah uga sheekeynayaan xaaladdii dhaqan dhaqaale ee Soomaalida iyo sida ay u noolaayeen ku dhawaad laba kun oo sano ka hor.

Avialates (Saylac)

Magaalada taariikhiga ah ee Saylac waxa ay kamid ah ahayd magaalooyinka ugu qaddiimsan dhulka saxaraha ka hooseeya, waxa ay lahayd marso dabiici ah oo doonyuhu boroosinnadu dhigtaan. Sida qoraaga reer Gariig uu sheegayo magaalada waxaa loo yaqaannay magaca Avialates. Waxaana xilligaas ay ahayd magaalo camiran oo dadkeedu ganacsato yihiin.

Saylac iyo magaalo kasta oo kamid ah dhulka Soomaalidu degto waxaa maamuli jiray oday dhaqameed laga qaddariyo deegaanka. Kaas oo dadka u kala caddaalad fala una kala garnaqa.

Malao (Berbera)

Berbera waxa ay in muddo ahba ahayd marsada ugu caansan guud ahaan isku darka badda cas iyo bad weynta India, waayo meesha hadda gacanka Cadmeed la yiraahdo waxaa uu magaciisa asalka ahaa “Gacanka Barbara” sida taariikhyahannadu sheegayaan. 

Haddaba haka sheekeeyo qoraaga reer Gariig waxaa uu ku arkay Barbara.

“Marka aad ka timaaddo Avalites (Saylac) waxaa aad ku tageysaa magaalo suuq weyn leh, kana wanaagsan Avalites, waa Malao (Berbera). Labada Marso waxa ay isku jiraan qiyaastii 800 Stadia (148km). dadka deegaankan waxa ay magaalada Arsinoe oo Masar ku taalla kasoo rartaan dharka xariirta, halka dunida inteeda kalena ay kasoo gataan dahabka, biraha, shilinnada qalinka ah, iwm”

“Marsadaookan sidoo kale waxa ay mashquul ku tahay dhoofinta agab kala duwan sida Fooxa, beeyada, malmalka iwm oo loo rari jiray India. Halka jasiiradda Carabtana loo rari jiray luubaanta iyo addoomada oo mar mar dhif ah loo suuq geyn jiray dhankaas” 

Mundus (Xiis)

“Laba illaa saddex maalin ayaa kugu filan in aad ku tagto Mundus (Xiis) marka aad ka shiraacato Malao (Berbera). Mundus waa magaala Suuqeed xeebta dacalka ku heysa. Maraakiibta iyo doonyaha si sahlan ayeey baroosinnadu u dhigan karaan.”

“Magaaladan waxaa ay caan ku tahay dhoofinta cuudka iyo fooxa. Halka ay sidoo kale soo dhoofsato dharka, caleenta shaaha iwm. Waa suuq saxmad badan oo aad uga duwan suuqyada magaalooyinkii kale”

Mossyllum (Boosaaso)

“Marka aad u kicitanto dhanka Bariga, laba illaa iyo saddex maalin ayeey kugu qaadaneysaa in aad tagto Mossyllum (Boosaaso). Malahan meel doonyuhu si hagaagsan ugu xirtaan, ha yeeshee waa marso shaqa badan, oo intaas waxaa is dhaafaya doonyaha soo xiranaya iyo kuwa sii shiraacanaya.”

“Halkan waxaa laga dhoofiyaa Qarfaha, Xabagta, Luubaanta, Malmalka, qolofta Diiddiinka, Fooxa iyo tiro aan badneyn oo Fool Maroodi ah iwm.”

“Sidoo kale reer Mossyllum waxaa dibadda looga keenaa biraha, dharka, dhalooyinka, suxuunta macdanka ka sameysan iyo ashyaa’ kale oo aan isheydu qaban”

Raas Caluula

“Markaan ka tagnay Mossyllum (Boosaaso) waxa aan u ruqaansannay safar laba maalin soconaya oo ku wajahan dhanka Acannae (Caluula). Waxaa ku yaalla Raas ka Maroodiga, kaas oo cirifka badda kasoo fiiqmaya illaa uu beriga soo galo. 

“Magaaladan waxaa aad looga dhoofiyaa fooxa iyo Luubaanta, weliba xaddi aad u badan. Waxa ay xiriir qoto dheer la leeyihiin dhulweynaha Carabta oo is dhaafsi ganacsi uu ka dhaxeeyo”

Raas Caseyr (Cape Gardafui) 

“Dhanka Koonfureed marka aad xeebta u raacdo waxaad ku tageysaa Raas Caseyr, waa cirifka Bari ee xeeb weynta Barbara. waa marso halis badan oo doonyuhu ku qarqami karaan markasta.

“Malahan meel boroosinnada la dhigto oo la isku haleyn karo, taas waxa ay sababtaa in markasta maraakiibtu aaggaas ka caagan.”

“Walow marar badan maraakiibtu kusoo xirato haddana kuma raagaan, waayo dabeylaha aaggan ka dhaca waxa ay sababaan burbur. Xilliyada dabeyluhu ka dhabanayaan halkan, doonyuhu waxa ay doorbidaan in ay u cararaan dhanka dhulka sare halkaas oo ay ka heli karaan ceymasho.”

“Halista dabeylaha ka sokoow deegaankan waxaa uu caan ku yahay soo saaridda Qarfaha iyo Luubaanta noocyadeeda kala duwan. Waxaa sidoo kale laga dhoofiyaa Xaaxeeyada, aleelada badda iwm.”

Sarapion (Muqdisho)

“Marka laga soo tago Opone  (Xaafuun) oo loo kaco jihada Koonfureed waxaa la gaaraa dhul xeebeedka horey usoo gashan Berriga ee Azania, waxa ay iskugu jiraan xeebo yar yar iyo kuwa waa weyn oo aan lahayn Deked sidaas u micno badan, ha yeeshee maraakiibtu waxa ay helaan ugu yaraan meel ay boroosinnada dhigtaan.

“Masaafo lix maalmood ayaa loo socdaa Koonfur Galbeed si loo gaaro magaala-xeebeedka Sarapion oo ah magalo ganacsi oo muhiim ah. Magaaladan waxaa ku xiga Nikon (Baraawe) oo iyana ah magaalo kale oo ganacsi aadna u camiran”

Sida ku cad taariikhda Sarapion waxa ay ahayd magaalo ka horreysay Muqdisho, waxaana loo badinayaa in ay ku taallay dhul xeebeedka u dhexeeya Muqdisho iyo Warsheekh. Sida Ptolemy oo ah qoraaga Buugga The Geographia uu sheegayo “in ay Muqdisho dhismato waxaa sabab u ahaa dumitaankii magaaladii Sarabbiyoon, kaddibna dadku waxa ay usoo ruqaansadeen dhanka Koonfureed si ay u yagleelaan Muqdisho oo xilligaas ahayd meel kooban”

Taariikhyahannada qaar ayaa ku dooda in magacan Sarabiyoon uu yahay isku darka ereyada Af Soomaaliga ah ee “Seero, biyo, iyo oon’’ in kastoo aragtidan taariikhyahanno badan ay naqdiyeen kuna tilmaameen in ay tahay mid aan daliil xooggan heysan, haddana waxaa loo badinayaa in magacan uu kasoo jeedo Gariigga iyo Masaaridii hore; waayo taariikhdu waxa ay na bareysaa magacyo saraakiil, wadaaddo iyo hoggaamiyayaal Romankii iyo Masaaridii hore ahaa kuwaas oo magacan Sarapion loogu yeeri jiray. Tusaale Serapion kii Alexandria wuxuu ahaa fiisikisyahan reer Gariig ah oo noolaa saddex qarni ka hor dhalashadii Ciise (CS).

Waxaa kale oo jiray jeneraal lagu magacaabi jiray Serapion oo u dhashay Qubrus kaas oo qeyb ka ahaa dagaalladii lala galay boqoraddii Kilobatra (Cleopatra) 48 sano kahor dhalashadii Nabi Ciise.
 Marka la iskusoo xooriyo magaca Sarapion waxaa ay u badan tahay in uu ahaa magac Gariig ah dhulkaasna ay u bixiyeen dhulmareennadii iyo ganacsatadii Gariigga iyo Masaarida ahaa ee dhulka Soomaalida usoo shiraacan jiray.

Qoraaga Buugga The Periplus of The Erythraean Sea waxaa uu sidoo kale si kooban uga sheekeyay magaalada Nikon oo maanta loo yaqaanno Baraawe iyo magaalooyinka dhulka Azania oo ah dhul xeebeedka u dhexeeya Nikon (Baraawe) illaa dhulka aan maanta u naqaanno Tanzania.

Marka loo eego taariikhda fog ee la qoray buuggan iyo sida ay u camirnaayeen magaalo xeebeedyada dhulka Soomaalida waxaa kuu muuqaneya ilbaxnimada gunka ah iyo xadaaradda ummadda Soomaaliyeed. Ha yeeshee nasiib darradu waa in aan taariikhdaas la qorin oo af Soomaali lagu qorin oo ummaddii lahayd ay ka gaajeysan tahay maanta.


Comments

  1. Waa qormo qiima badan oo na baraysa wax badan oo sooyaalkeenna ummadeed ku saabsan. Mahadsanid abkow.

    ReplyDelete

Post a Comment