Sheekh Siciid kii Reer Muqdisho (Sooyaalka wadaadkii Soomaaliyeed Ee Diinta Gaarsiiyay Aasiyada Fog)
Hilaaddii 1301dii waxaa magaalada Muqdisho ku dhashay kuray yar oo qoys diimeed dabaqadda sare ah kasoo jeeda, kaas oo mar dambe baalasha sharafta leh ee buugaagta taariikhda kasoo muuqday.
Sheekh Siciid kii reer Muqdisho ama (The Said of Mogadishu) Kuraynimadiisa ayuu ku qaatay Muqdisho, kaddib waxaa uu buraashaddiisa u biyeystay dhanka dhulkii barakeysnaa ee Makka iyo Madina si uu cilmiga diinta usoo siyaadsado.
Min afar iyo toban sano ayuu ku qaatay magaalooyinka Madina iyo Makkaba halkaas oo uu darajada wadaadnimada ka gaaray heer amiirradii magaalooyinkaas Amir Abu Numayy amiirkii Makka iyo amiirkii Madina al-Mansūr Ibn Jammāz gurigiisa ku booqdaan oo qasrigana ku sooraan maamuusid awadeed.
Waxaa uu yeeshay xir dhammeystiran, meela kala duwan oo dunida ah ayaa looga soo xireystay si looga faaiideysto aqoontiisii qotada dheereyd ee uu diinta u lahaa.
Ugu dambeyn 28 sano oo uu joogay sheikh Siciid dhulka Barakeysan waxaa uu goostay in uu baahiyo cilmiga diinta islamarkaana uu u xir xirto dhulka Aasiyada fog. Dunida Muslimka meela badan oo kamid ah ayuu u tagay si uu u faafiyo diinta Islaamka. Dhulalka Bengal iyo China ayuu safarkiisii diin faafinta la galay illaa uu halkaas in muddo ah ku nagaaday.
Intii uu ku gudajiray socdaalladiisa waxa ay Masaajid ku yaalla galbeed xeebaha Hindiya ku kulmeen socdaalihii iyo taariikhyahankii weynaa ee reer Marooko Ibnu Batuuta kaas oo la rumeysan yahay in uu ahaa mid kamid ah dadkii ugu saameynta badnaa wakhtigaas iyo wakhtiyadii ka dambeeyaba.
Aqoonyahan Peter Jackson oo sharraxaad ka bixinayay kulanka Sheekh Siciid iyo Ibnu Batuuta waxaa uu yiri “Waxa ay u badan tahay in Sheekh Siciid kii Muqdisho uu la wadaagay Ibnu Batuuta waaya aragnimadiisa iyo wixii uu kusoo arkay dhulkii China, sidoo kalena uu sawir buuxa ka siiyay isbad-baddalka siyaasiga ahaa ee halkaas ka jira iyo sida sulaalladii reer Yuan ay ula wareegeen talada dalweynihii China, sidaasna uu ugu darsaday buuggiisa xogtaas ku saabsan wixii ka dhacay China kaddib safarkiisa’’
Sidoo kale waxaa suurtagal ah in Ibnu Batuuta laftigiisu la wadaagay Sheekh Siciid wixii uu kusoo arkay Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho iyo soo dhaweyntii uu ka helay madaxdii iyo culimadii salddanaddii Muqdisho.
Ugu dambeyn Sheekh Siciid waxaa uu saldhigtay deegaanka Ezhimala oo dhaca Koonfurta Hindiya halkaas oo ay ku rafiiqoobeen wadaadkii Faqih Husayn oo kamid ahaa culimada fiqiga ugu sarreysa dhulka Hindiya casrigiisa.
Intii uu joogay Hindiya waxaa loo badinayaa in uu isaga qoray buugga Qayd aljama’ oo la aaminsan yahay in uu qoray faqiih Shaafici ah oo aan magaciisa la garaneyn balse ku taariikheysan wakhtigii uu Sheekh Siciid ku noolaa dhulxeebeedka Malabar.
Keliya Sheekh Siciid uun ma ahayn aqoonyahanka ka socday dhulka Bariga Afrika ee diin faafinta u tagay Magaalada Malabar, sidoo kale waxaa jiray wadaaddo ka hor iyo kaddib sheekha magaalada tagay saameynna ku yeeshay.
Sheekh Siciid oo ah safiir
Salddanaddii Muqdisho waxa ay xiriir qota dheer la lahayd boqortooyooyinkii ka jiray dhulka China kasoo bilow boqortooyadii sulaaladii Song, illaa laga soo gaaro sulaaladii Ming.
Waxaa uu Sheekh Siciid ka shaqeeyay in uu xoojiyo xiriirka labada dowladooda gaar ahaan saaxibtinnimada dhanka ganacsiga ah isagoo door fiican ka qaatay in bulsha badan oo China ah ay maalgashtaan Soomaaliya sida ay taariikhdu xuseyso.
Markale Sheekh Siciid waxaa uu noqday safiirkii ugu horreyay ee dowlad Afrika ku taalla ku matala dalka China taas oo ah taariikh u gaar ah Soomaalida se aanay ku baraarugsaneyn.
Inkastoo wakhtiyadaas ay aad cartamayeen weerarradii Tataarka dhulka China na la wareegeen boqortooyadii Tataarka taageersaneyd ee sulaaladii Yaun haddana iyadoo duruufahaas ay jiraan ayuu Sheekha ka shaqeeyay sidii loo xoojin lahaa saaxibtinnimada iyo walaaleynta Aasiyada fog iyo Afrikada Bari.
Sheekh Siciid iyo Luuqadda Mandarin ka
Illaa iyo hadda waxaa laga dhadhamin karaa afafka Soomaaliga iyo afka Mandarin ka isku ekaashiyaha erayada qaar ee labada luuqadood, lagu daray sida ay isu saameeyeen.
Maaddaama magaalooyinka xeebaha Soomaalida ay ahaayeen magaalooyin u furan safarrada ganacsatada ka timaadda dhulalka fog oo ay China iyo Hindiya ugu horreeyaan, taas waxa ay keentay in ay sameysanto bulsho Soomaali chines ah sida ay u sameysmeen bulshooyin Soomaali Carab ah si lamid Soomaali Hindi ah. Taas waxa ay keentay in luuqadaha labada ummad isa saameeyaan
Tusaale ereyga 走 ama loo qoro sidan Zǒu’ (so’o) waxaa uu la micno iyo dhawaaq yahay ereyga Soomaaliga ah ee ‘soco’ oo ah tag ama bax. Sidoo kale ereyga Mandarin ka ah ee 没有 (méi yǒu) waxaa uu isna u dhawaaq dhow yahay lana micno yahay ereyga ‘Maya’ ee af Soomaaliga ah.
Ma ahan hal iyo labo ereyada Soomaaliga ah ee ku jira luuqadda Mandarin ka Chine, waxaana kamid ah ereyga Zou Bah oo la micno ah soo bax kuna dhawaaq ah.
Haddaba Sheekh Siciid waxaa uu ahaa qofkii ugu horreeyay ee Afrikaan ah oo barta Afka Mandarin ka, una tarjumay af maxali ah. Inkasta oo aanan helin nuqullo kamid ah dhigaalladiisa, haddana waxaa loo badinayaa in uu qoraallo ku sameeyay.
Waxaa se shaki ku jirin in uu door muuqdo ka ciyaaray in islaamka uu si nabdoon ku tago Aasiyada fog iyo dhulka indha yarta, Af Mandarin kana tiira dheer u yeelay marka loo eego dadaalladiisii isu furka bulshooyinka.
Sheekh Siciid keliya ma ahan wadaad iyo caalami diineed sidoo kale waxaa uu ahaa hoggaamiye isku haya bulshada qeybaheeda kala duwan, waxaa la sheegaa in imaatinkiisii dhulka barakeysan ay albaabbada u furtay in arday badan oo Soomaali ah ay usoo cilmi doontaan dhulka Xijaas.
Marka laga soo tago in uu daaci diineed ahaa, taariikhdu waxa ay na bareysaa in Sheekh Siciid kii reer Muqdisho uu ahaa ganacsade isku xira Afrika iyo Aasiya, isaga oo ka faaiideysanaayo dhulmarnimadiisii dabiiciga ahayd iyo luuqadaha badan ee uu yaqaannay.
Waxaa loo badinayaa in uu sheikh Siciid uu geeriyooday midkood sannadkii 1361 ama 1365, taariikhda Sheekha waxaa ka furan ciddii daneyneysa baaritaanno badan sababta oo ah waa shakhsi muhiim ah se Soomaalidu aysan ku baraarugsaneyn xitaa jiritaankiisa.
Itaalkeyga waxaa uu i gayeysiiyay in aan qoraalkaan sida kor ka xaadiska ah idinla wadaago si ugu yaraan loogu baraarugo jiritaanka shakhsiyadda Sheekh Siciid kii Muqdisho. Haddii rabbi ii saamaxo oo aan helo xogo intaan ka gun weyn waxa aan isku dayi doonaa inaan idinla wadaago intiiba suurtagal ah, ha yeeshee baaridda iyo qoridda xogta sheekha iyo shakhsiyaadka lamidka ah ee taariikhdeenna laga ilaabay cid kasta ayeey u furan tahay oo waa waajib damiiri ah iyo isxilqaan sharaf leh.
Comments
Post a Comment