Beden: Doontii Ay Laba Kun Oo Sano Ka Hor Soomaalidu Hindistay ee Caalamiga Noqotay!


Dhulka ay maanta Soomaalidu deggan tahay waa deegaan taariikh fog ku leh Aadanaha, waxaa jirta dood xooggan oo tiraahda waa dhulkii asalka iyo halka Aadanuhu kasoo faracmay, hidda side ahaan. Ha yeeshee dadkeeda kama warqabaan oo kuma baraarugsana taariikhdaas guunka ah ummaddan ay leedahay.

Mashruuca Ilbaxnimo waxaa uu idin soo gudbin doonaa silsilad qoraallo ah oo ku saabsan xadaaradda iyo ilbaxnimada duugga ah ee Soomaalida. Haddaba qoraalkan waxa aan kusoo qaadan doonnaa mid kamid ah wax soo saarkii ugu muhiimsanaa Soomaalida ee dunida ka gadmay. Waana doomaha “Beden”.

Gaadiidku horumar iyo taddawur xooggan ayaa ku socday tan iyo bilowgii Aadanaha. Mar cagta la maali jiray iyo maalmo xoolaha la raran jiray, waxaa ku xigay in nooluhu ku fekero helidda gaadiid ay ku jeexaan Badaha ku gadaaman si ay u balaariyaan caalamka ay ku noolaayeen, ama ma ahane kaga faa’iideystaan kheyrraadka badahooda.

Taasi waxa ay sahashay in la hindiso waxa aan maanta u naqaanno doonyaha, kaddibna maraakiibta illaa markii dambe sidii uu horumarka u socday Gujisyadan gantaallada xambaara la sameeyay.

Faraacinnada oo aan aad isu saameeynay dhaqan ahaan ayaa mar aad usii fog hindistay doonta Khufu oo loogu magac daray boqor Khufu oo ahaa fircoonkii labaad ee qoyskii Afaraad ee Faraacinnada. Doon 43 mitir dhirir ahaan ah ayaa ay ahayd oo hadda lagu ilaaliyay meel u dhow Ahraamta Giza. 

Tan iyo markaas waxaa faaftay fekradda Doonyo sameynta ah illaa ay soo gaartay dhulkii Bunt ama maanta loo yaqaanno Soomaaliya.

Laba kun oo sano ka hor meel ku beegan Wuqooyi Bari dhulka Soomaalida waxaa ka bilowday sameynta doonyo yar yar oo kaluumeysi, kuwaas oo ay isticmaalayeen dadka deegaankaas. 

Farsamadii Doonyaha waa ay weynaatay oo waxa ay gaartay in la sameeyo doonyo ujeeddooyin kala duwan laga leeyahay sida kuwa dalxiis, kuwa safar iyo kuwa kaluumeysi.

Doonta Beden waxa ay ku dhalatay kacdoonkaas doonya sameynta ahaa ee dhulka Soomaalida ka hanaqaaday. Waxa ay ahayd doon ka sameysan alwaax iyo usha qasabka oo lagu xir xiray xargo waa weyn oo asalkooda laga soo fiiqay geedka Qumbaha (coir cord) korna ka leh shiraac dheer oo doonta u sahlaya in ay dabeesha si hufan u maamusho.

Beden waxa ay lahayd laba nooc oo ujeeddooyin kala duwan loo isticmaali jiray.  Waana Beden-Seyed iyo Beden Safar.

Beden-Seyed waa doon yar oo cabbirkeedu ahaa 6m- illaa 15 mitir (20-49 ft) badanaa waxaa loo isticmaali jiray kaluumeysiga iyo jalaabashada.  Kuma suubbaneyn safarrada iyo alaab xamuulidda maaddaama cabbir ahaan ay aad u koobneyd.

Beden Safar: waa nooc doonyaha Beden kamid ah oo loo isticmaali jiray safarrada ganacsiga ee heer dhexaadka ah, cabbir ahaan waxa ay ahayd 15 mitir oo u dhiganta 49 fiid, doontan waa tan ugu caansan ee noocyada doomaha Beden ee Soomaaliya lagu sanceyn jiray maaddaama ay safarro dhaadheer iskaga kala gooshi jirtay badda Cas illaa dhulka Masaarida.

                                                        Tani waa doonta Beden

Nooc saddexaad oo doonyaha Soomaalidu sameysay caalamigana noqday waa doonta Uwayssiye doontaan waxaa loo isticmaali jiray safarrada dhaadheer xajmi ahaanna waxa ay ahayd mid ka weyn labada nooc ee doonyaha Beden. Cabbirkeedu waxaa uu ahaa 23 mitir oo dhirir ah una dhiganta 77 fiid. Doontan Uwayssiye inkastoo magac ahaan aanan si fiican loo aqoon haddana Soomaalidii nooleyd laba kun oo sano ka hor waxa ay ka caawin jirtay oo ay u fududeyn jirtay ganacsiyadooda caalamka kale uga xiran.

Markii uu hirgalay hindisaha doonyaha Beden waxaa bilowday dalabyo caalami ah oo ahaa in loo sameeyo doonayahaas. Fekradda doontan waxa ay ku faaftay Gacanka Carabta illaa ya gaartay Cumaan oo iyagana mar dambe sameystay doon ku magac ah Beden oo ay u bixiyeen Badan se muuqaal ahaan ka duwan. Markale fekradda waxa ay ku faaftay Afrika illaa ay gaartay Zinjibaar iyo dhulka ku xeeran.

Doonta Beden noocyadeeda kala duwan waxa ay astaan u ahayd dhulka Bunt ama Soomaaliya. Qofkii arka doontaas waxa ugu horreeya ee kusoo dhaca waxaa uu ahaa in ay tahay wax soo saar reer Buunta.

Doonyaha Soomaalidu sameysay ee caalamiga noqday keliya ma ahan Beden iyo Uwayssiya, waxaa kale oo jira doonyo ay kamid tahay Mtepe oo ah doon ay sameeyeen asalkeeda dadkii Baajuunta ahaa ee ku noolaa jiinka webiga dhulka Azania ku teedsan (Webiga Jubba) taas oo si xowli ah ugu faaftay markii dambe dhulka sawaaxilka min Kenya illaa Tanzania.

Markale waxaa jirtay doon lagu magacaabo Rhabta oo uu qoraagii aan la aqoon ee buugga The Periplus of The Erythraean Sea ku sheegay buuggiisa qarnigii koobaad ee Miilaadiga. Doontan waxa ay ka shaqeyneysay koonfurta dhulka Azania iyo Badda Cas. Waxaana ku waafaqay Procopius oo sidaas oo kale usoo weriyay jiritaanka doonyaha Mtepe iyo Rhabta kuwaas oo uu sheegay in ay ka sameysnaayeen alwaax. Sababta alwaaxa ay u doorbideenna waxaa uu ku sheegay in birta ay aad ugu yar tahay aaggaas.



Tan waa doonta Mtepe

Maanta waxaa weli la isticmaalaa doonyaha Beden-Seyed oo ah doonyaha yar yar ee Beden ee kaluumeysiga loo isticmaalo kuwaas oo weli kaluumeysiga loo isticmaalo.

Ma jirto hal astaan oo maanta muujineysa taariikhda doontaas iyo doonyaha lamidka ah ee ay hindiseen Soomaalidii hore kuwaas oo laga dheehan karo madxafyadeenna iyo guud ahaan magaalooyinkeenna, taasi waxa ay sahleysaa in dhaxalkaas ummadeed uu si fudud ku lumo ama nalaga sheegto sida dhacdayba. 

Comments

Post a Comment