Xadaaraddii Shiinaha waxa ay ahayd mid xiriir qota dheer la leh dalalka dhaca badweynta India iyo Badda cas.
Doonyaha China kasoo shiraacdo waxa ay baroosinnada dhigan jireen dhulkii Punt ama hadda loo yaqaanno Soomaaliya.
Caleenta shaaha, dharka, maacuunta, xariirta iyo agabyo kale ayeey keeni jireen, halka iyaguna ay safarsan jireen dahabka, fooxa, Dameer-farowga, malmalka, Gerriga, Fool-Maroodiga, Luubaanta iyo waxa lamidka ah sida uu buuggiisa The Origins and Development of Mogadishu AD 1000 to 1850 ku sheegay qoraaga Soomaaliyeed Axmed Ducaale Jaamac oo cilmi baaris qota dheer ku sameeyay asalka iyo hanaqaadka taariikhda magaalada Muqdisho laga bilaabo 1000 sano kaddib dhalashadii nebi Ciise illaa 1850 kii.
Magaalada Muqdisho waxa ay ahayd magaalo ilbaxnimo iyo xadaarad lagu sheegay sida ay soo weriyeen dhulmareennadii booqday. Kasoo bilow qoraaga aan la aqoon ee buugga The Periplus of the Erythraean sea illaa juqraafiyahannadii Carbeed ee tegay Muqdisho qarniyadii dhexe.
Sida taariikhdu weriso Muqdisho iyo guud ahaan magaalooyinka xeebaha Soomaaliya waxaa si weyn u saameeyay dumitaankii biya xireenka Ma’rib kaas oo sababay in bulshooyin badan oo reer Yeman ah ay usoo qaxaan dhulka xeebaha Soomaaliya.
Wixii markaas ka dambeeyay waxaa sameysmay ganacsiyo heer caalami ah kuwaas oo ay hoggaaminayeen bulshadii timid iyagoo soo jiitay ganacsatadii Hindida iyo Iiraantii hore.
Sida laga dheehan karo kutubta taariikhda, Muqdisho waxa ay noqotay magaalo bulshooyin kale duwan marti gelisa (multicultural city) saldhigna u noqotay ganacsiga gobolka Geeska Afrika.
Qarniyadii 10-aad iyo 13-aad waxaa magaalada Muqdisho maamulayay Saldanaddii Muqdisho, ka hor inta aysan ku milmin boqortooyadii Ajuuraan oo ahayd boqortooyo xoog badan oo ka talineysay dhulka Soomaalida wakhtiyadii dhexe.
Saldannada Muqdisho waxaa bud dhiggeeda lahaa sulaalladii ama qoyskii Fakhruddiin oo ahaa qoys Soomaali ah kuwaas oo asalkoodu Carab ahaa.
Salaaddiintii ugu magaca dheeraa waxaa kamid ah aas aasihii saldanaddaas Abubakar Bin Fakhruddiin. Halka Suldaan Abu Bakr Ibn Cumar uu ahaa isna suldaankii ugu caansanaa maaddaama uu ahaa Suldaankii Muqdisho ku qaabbilay dhulmareenkii reer Marooko ee Ibnu Batuuta. Sida uu isla Ibnu Batuuta ku sheegayo buuggiisa.
Nuuraddiin Xaaji Shiikheey oo ah Injineer iyo taariikhyahan buugaag badanna ka qoray taariikhda aasaarta magaalada Muqdisho ayaa buuggiisa Sahminta magaalada Qaddiimka ah ee Muqdisho (Exploring the Old Stone Town of Mogadishu) ku sheegay in dharka Alindiga ee lagu sameeyo Xamar laga xiran jiray aroosyada Yeman, sidoo kalena loo iib geyn jiray Masar, Hindiya illaa Shiinaha, waxaana ku xardhanaan jiray astaamo muujinaya in lagu soo sanceeyay Muqdisho.
Xilliyadaas ay Muqdisho cirka mareyso oo ku aaddan inta u dhexeyso qarniga 11-aad illaa qarniga 13-aad waxaa dunida aafeeyay dagaallo aan dhammaad lahayn haba ugu darnaadee kii ay soo qaadeen Tataarkii Mongolia.
Duulaankii Tataarka oo bilowgiisa uu hoggaaminayay hoggaamiyihii weynaa ee Mongolia Genghis Khan ayaa xooggiisa kasoo bilowday Bariga fog illaa markii dambe uu xoog u saameeyay Bariga dhexe iyo dhulka ku hareereysan.
“Boqorrada Tataarka waxa ay aaminsanaayeen in dunidu yeelato hal awood oo u Talisa, muddo yar ayeey ku qaadatay in ay qabsadaan ka bilow Shiinaha iyo Jabbaan ilaaa Boollaand. Ma aqoon balanka, haddii ay dowlad balan la gasho waxa ay raadin jireen sabab kasta oo ay balankaas ku buriyaan, waxa ayna uur ku taallo ku reebeen shucuubtii ay qabsadeen“ Sheekh Mustafe Ismaaciil Haaruun ayaa yiri xilli uu ka sheekeynayay muxaadaro ku saabsan taariikhda Tataarka.
Sida taariikhyahannadu weriyaan badanaa dhulka ay Tataarku rabaan in ay ku duulaan waxa ay u diri jireen sahmiyayaal magac ganacsato huwan oo soo xooraansada dowladdaas la damacsan yahay. kaddibna xogta ay bixiyaan sahmiyayaashaas ayaa ay Tataarku ku duulaan tagi jireen.
Boqorkii Kublai Khan (Khublay Khan) ee uu awoowga u ahaa Genghis Khan ayaa la wareegay in badan oo kamid ah dhulka Shiinaha, waxaana uu aas aasay boqortooyadii Yaun November 5-teedii 1271-kii.
Tan iyo qabsashadiisa Shiinaha Kublai waxaa uu sii waday duulaankii Tataarku ku hayay dhulkii weli u harsanaa.
Maaddaama xiriir ganacsi uu ka dhexeeyay bulshada Shiinaha iyo tan Soomaalida boqor Kublai waxaa uu ka fekeray in uu calaaqaad la yeesho Salddanaddii Muqdisho.
Sida uu werinayo dhulmareenkii reer Venice (Venetian) Marco Polo, boqor Kublai Khan ayaa u diray suldaankii Muqdisho wefdi huwanaa magaca ganacsato ha yeeshee basaasiin ahaa kuwaas oo kasoo warbixinayay dhulka Soomaalida gaar ahaan Saldanadda Muqdisho.
Wefdiga markii ay soo gaareen Xamar waxaa loo taxaabay xabsiga iyagoo lagu tuhmay in ay yihiin basaasiin. Taariikhyahannadu waxa ay aad u taxliiliyaan heerka uu la ekaa sirdoonka Soomaalida, maaddaama ay durba gacanta ku dhigeen basaasiintaas loo ekeysiiyay ganacsatada.
Waxaa loo badinayaa in suldaanka Muqdisho uu aad ula socday isbadbaddalka hoggaaneed ee Shiinaha ka jiray iyo in Mongolians ka Tataarku hoggaaminayeen ay dumiyeen boqortooyadii sulaalladii Song ee ka jirtay Chine ka hor inta uusan Kublai afgembin oo uusan aasaasin boqortooyadii Yuan.
Saldanadda Muqdisho iyo suldaankoodiiba waxa ay hoosta ka xariiqeen danaha uu lahaan karo boqor Kublia Khan oo ay u arkayeen hoggaamiye dhul balaarsi ku fekeraya, taas waxa ay keentay in xabsiga la dhigo ganacsatadii basaasiinta ahaa ee ka socday dowladdii Yuan ee hoostageysay Tataarka.
Aad ayuu boqor Kublia Khan uga carooday khabarka sheegaya in la xiray basaasiintiisii, waxaana uu goostay in markale uu wefdi canaan iyo digniin wadda u diro Muqdisho.
Sida uu Marco Polo werinayo boqor Kublia ayaa markale u diray Muqdisho wefdi fariinta ugu weyn ee ay sidaan ay ahayd in shuruud la’aan la sii daayo ragga u xiran Salddanadda Muqdisho.
Ha yeeshee Suldaankii Muqdisho oo qab jebinaya boqorka Tataarka ah ee Kublia ayaa markale xabsiga dhigay wefdiga labaad taas oo xaaladda sii cakirtay.
Wufuudda Kublia uu usoo diray Muqdisho waxa ay ahaayeen wufuuddii ugu horreysay ee noocooda ah oo uu hoggaamiye ka tirsan Tataarka usoo diro gobolka Geeska Afrika. Ha yeeshee Saldanaddii Muqdisho oo tuhunsaneyd damaca Tataarka ayaa hor istaagtay sifo kasta oo uu Tataarku iskugu fidin lahaa Afrika gaar ahaan gobolka Geeska Afrika sida uu markale ku doodayo Marco Polo.
Sannadkii 1368 dii ayeey duntay boqortooyadii Tataarka ahayd ee Yuan ee ka talineysay carriga Chine, waxaana talada la wareegay sulaalladii Ming iyagoo aasaasay boqortooyadii Ming.
Muddo kaddib caadi ayuu kusoo noqday xiriirka Shiinaha iyo Soomaaliya, Waxaana u suurtagashay Salddanadda Muqdisho in ay xiriir wanaagsan la yeeshaan boqortooyadii Ming ee markaas uun la wareegtay talada Shiinaha.
Ganacsiga labada dhinac ayaa sara u kacay. Shiinaha waxa ay Soomaaliya ka daabbulan jireen Geriga, Fardaha, Fooxa, Dameer Farowga iwm.
Halka Ganacsatada Soomaalida ahna ay Shiinaha ka keensan jireen Xawaashka, maacuunta, hubka iwm. Sidoo kale waxaa ay dunida inteeda kale u dhoofin jireen xilligaas dharka Alindiga ee lagu farsameeyay magaalada Muqdisho.
Cabdiwahaab Axmed Cali, mahadsanid waxaad soo gudbisay taariikh sugan waxaadna soo bandhigtay qayb muhiim ah oo ka mid ah taariikhda ummadda Soomaaliyeed. Waxaan aad ugu faraxsanahay in dhallinyaro adiga oo kale ah in ay noo joogaan, Allaahna waxaan ka baryayaa in uu noo soo badiyo dhallinyaro adiga oo kale ah.
ReplyDeleteMar labaad Mahadsanid.