Kownku ma jire asali ah baa? mise waa soo derriye dib ka yimid? su'aasha noocan ah Isnaanku waxa uu ku dhex wareeganayay raadinteeda intii uu jiray. Saddex dii kun ee sano u dambeysay su'aashan xiiso gooni ah ayeey lahayd, oo dad aad u daneeya ayaa soo baxay, Falaasifadii ugu horreysay Gariigga waxa ay diiradda saareen sharraxaadda kownka iyo qaab sameysan kiisa, oo waxaa ay su'aal ba ka bilaabeen "Kownku muxuu ka sameysan yahay?" su'aashan waxa ay soo dedejisay in ay su'aalo kale imaadaan, tusaalle, dhowrkii Filasuuf ee ugu horreysay ba Falsafadda Gariigga, iyo su'aalahooda asalka ah waxaa gundhig u ahaa mowdduucan, Taaliis kii reer Malitus (Thales Of Malitus) wuxuu ahaa Filasuufkii ugu horreyay xadaarradda Gariigga, waxaa uu qabay in kownku ka sameysan yahay Biyo, biyuhuna yahay asalka shey kasta, waxaa xigay Anaximander oo arday u ahaa, laftigiis waxaa uu aaminsanaa in asalka ashyaa'du yihiin dabeecadda, wuxuu qaatay aragti dheheysa kownka wuxuu ka kooban yahay dab, hawo, Ciid iyo biyo, afartan ayaa jaangoyso ayuu aaminsanaa jiritaanka kownka weyn.
Anaximenes, inkasta oo aan laga heyn dukumintiyo dhab ah uu leeyahay, haddana sida ay u badan tahay kama fogeyn aragti ahaan labadiisa macallin. iswarsadka ah kownku muxuu ka sameysan yahay? ayaa socotay, qofba wixii uu u arkay ayuu la aadayay, illaa laga soo gaaro Aristotal oo caalamka si guud sharraxaad dhammeystiran ka bixiyay, kuna habbooneyd casrigii uu noolaa iyo casriyo xigayba, sharraxaadda Aristotal ee mas'alada kownka, waxaa ay ahayd tii ugu macquulsaneyd ee ayaantaasba qof ku aragti dhiibto.
Aristotol waxa uu aaminsanaa in adduunku ka kooban yahay saddex shey oo waa weyn, muhiimna ah, saddex da waxaa uu u kala qaaday;-
1) Maaddo (Maaddah)
2)Goor (Zamaan)
3)Dhaqdhaqaaq (Xarakah)
2)Goor (Zamaan)
3)Dhaqdhaqaaq (Xarakah)
Saddex daan rukni Aristo wuxuu ku sheegay in ay yihiin saddex asal ahi, oo aan midkoodna midka kale ka horreyn, oo weligood ba wuxuu qaatay in ay jireen oo ay isla socdeen.
Weli Insaanka raadinta mas'aladan waa uu ku raad joogaa, qof kasta isaga oo ka shidaal qaadanaya casrigiisa iyo duruufaha ku xeeran ayuu dooddiisa ku dhisaa, aragtidiisana dhiibtaa, hubanti qofka maanta nool sida uu u arko asalka kownka iyo qofkii noolaa 3kun oo sano ka hor aad ayeey u kala duwan yihiin, muhiimaddu waa in doodda la xiriirta asalka iyo uunka mar kastaahi taddawur la sameyso wakhtiga iyo waayaha, insaankana uu marba marka ka dambeysa uu ogaado khuraaf iyo Ismoodsiis badan oo waayo lagu noolaa.

Comments
Post a Comment