Kuma Ayaan Ahay?!!!



Kuma ayaan ahay?

Anigu ma waxa aan ahay magaceyga? Magaceygu waa baadi sooca dadka kale la igaga garto, waa kooto ii gaar ah, oo laga yaabo, una badan tahay in la ila wadaago. anigu ma ahi magaceyga, maxaa yeellay waxa jiray saacado ama maalmo aan ahaa magac laawe, oo u dhaxeysay ilbiriqsigii aan dhashay iyo intii laga arrinsanayay magaca aan hadda hubanahay; magceygu ma matalo qofka aan ahay! waan iska baddali karaa oo haddii aan baddasho ma waxaa qayyirmaya qofka aan ahay? Maya oo magaceygu ma sheego qofka aan ahay.

Anigu ma ahi doorka aan nolosha ka cayaarrayo? Tusaalle marka nala weyddiiyo kuma ayaad tahay? waxa aan ku jawaabna "waxa aan ahay ardday!!" "Waxa aan ahay Dhakhtar!" " waxa aan ahay Aabbe!" IWM. Aabbe nimadu, Dhakhtarnimadu ama Arddaynimadu iyo waxa lamidka ah dhammaan waa doorka aan bulshada ku dhex leennahay, marka doorkaas marnaba caddeyn uma ahan qofka aan ahay, keliya wuxuu daliil u yahay meesha aan bulshada kaga jiro, arddaynimadu waa ay dhammaaneysaa, ma waxa aan noqonnayaa qof ka baxa qeydka nolosha? Maya, doorka aan bulshada ku leeyahay marnaba daliil uma ahan qofka aan ahay!!

Ma waxa aan ahay aragtiyaha iyo waxa aan rumeysanahay?!
Inta ugu badan waxa aan rumeysannahay in qofka aan nahay ay marar badan jaangoyso aragtiyaha iyo caqiiddooyinka aan rumeysnahay, tusaalle waxaa laga yaabaa in aan ku hadaaqno marka aan isa sifeyneyno ereyo la mid ah "Waxa aan ahay Muslim!" "waxa aan ahay Marxist!" 'waxa aan ahay Masiixi,....." IWM. Haddaba anigu ma waxa aan ahay waxa aan rumeysnahay ama aaminsanahay? dhabtii Maya. maxaa yeellay caqiiddooyinku waa ay isbaddalaan, se qof ahaanteyda isma baddalo, illaa dabcigeyga iyo dhaqamadeyda marka laga tago, waxaa dhici karta in aan caqiiddo iyo wax la rumeeyaba ka haajiro, ma waxbay u dhimeysaa qof ahaanteyda? Haddaba anigu ma ahi waxa aan rumeysanahay!

Ma waxa aan ahay Dareenkeyga!!
Dad badan ayaa qaba in aan dareenkeyna uu ka tarjumayo qofka saxda ah ee aan nahay, dareemayaasheennu ma ahan jiraayaal abadi ah oo weligood jiraya, waxaa jiri kara marxalad aanay dareemo jirin, Haddaba ma waxa aan ka baxeynaa nolosha oo ma jiritaankeynna ayeey dhaawaceysaa? jawaabta waxa aan umaleeyaa in aad iska sii garatay oo ay Maya tahay! weli aniga ayaa ku wata e, ma ahi dareemaheyga oo iskuma xirna dareemaheyga iyo qofka aan ahay!!

Anigu ma jirkeyga ayaan ahay?!!
Jirkeyga wuu dhammaadaa, oo dhaawacyada ayaa saameyn kara, da'da ayaa qayyiri karta, daruufahana waa ay doorin karaan, sidaas oo ay tahay haddana anigu ma ahi jirkeyga.
Anigu waxaan ahay qofka aan ahay, qofka aan ahayna waa qofka aan ahay, ee ma taqaanna qofka aan ahay, waxa aan ahay waxba.

Haddaba adigu kuma ayaad tahay?!!

Comments