Indhaha ayaan galka ka saaray oo si caro leh ugu iri 'waar naga duw sigaarkan baas ee aad qiijineyso oo u afuuf dhanka daaqadda" Inta isoo eegay ayuu isagoon ila hadlin markale qiiq aad mooddo in uu igu canaanayo baf kasiiyay. Waan carooday oo is ciilkaambiyay illaa aan ku sigto in aan feer uga saaro daaqadda xun ee uu ag fadhiyo. Waa oday lalac ah, da'diisu siddeentanka usii daaddageyso. ilkaha hoose laba xabbo kamid ah kuma yaallaan, inta soo hartayna caga badan kuma taagno. halka kuwa kore oo dhan ay fasax ku maqan yihiin. Goos warkiisa daa'. Cirid aad mooddo goome gubtay ayaa booska ilkaha sare kusoo haray. Waa abuur illaahay oo layaab leh. Canka waxaa kaga yaalla diilmo u eg nabar toorrey, Dhowr meel oo kalena weli waxaa ka muuqda haraadiga dakharro iyo nabarro horey ugu dhacay. Jaakad madow oo ur badan ayuu wataa, bud yar iyo jawaanna waxa ay u yaallaan meel ku aaddan jilibkiisa oo dhinacana ku heysa salbatooyada gaariga.
Gaarigan waxa aan kasoo raacay Buunddada koobaad ee Anzalotti. Waxaa ii qorsheysan in aan uga dago isgoyska danwadaagta oo ah meesha ugu dambeysa ee gaadiidka PL ka ay ku dhammaadaan oo waddadana kasoo xiranto. Meeshan ma ahayn Busteejo mana ahayn meel gaadiidku ku kala weecdaan. Mar dhexdaas oo Xamar qaraxyadu maalinlaha kamid noqdeen ayaa loo xiray sababo ammaan, gaadiid aan mootada saddex da lug leh ee Bajaajta ahayn magaalada masoo gasho. Cidda baxaysa waa iyaga iyo doorashadooda wax shuruud ah laguma xiro, hadhow se soo gelidda looma oggola gaadiidka dadweynaha; kuwa raaxadana damaannad iyo is af garad ayaa si dirqi ah loogu soo daayaa marar badanna loogu adkeeyaa. Waa Xamar iyo Xaalkeed e. Anzalooti iyo Danwadaagta Inta soo dhex leh marba qof ayaa loo istaajiyaa oo soo kora ama ka dega. Waa caadooyinka gaadiidka dadweynaha. Kirishbooyada waa dad aad u dhaqan xun oo u af xun oo xitaa mararka qaar u abuur xun. Qiimo uguma fadhiyo mar kasta qofka u saaran. Damaciisa mar walba waa kan dhulka jooga, si kasta oo gaariga loo raaci karo waa uu ku dayaa, si kasta oo loo maareyn karana kama hagrado. Waa duul hagaajinta iyo isu dhiganta wada fadhiisiga aad u ugu xeel dheer. Cidduu doono ayuu caayaa, cidduu doono ayuu maagaa, mararka qaarna darawalka iyo isaga ayeey ka dhex tafataa oo waxba iskuma reebtaan, dadweynuhuna sida ciyaarta Kabadhiga Hindida ayeey u legddin daawadaan. Marka ay dhowr daqiiqo kala aamusaan ayaa midkood kan kale si bashaashnimo ku jirto u weyddiistaa oo ka qaataa haash Sigaar ama litter hadba midka uu ku tuhmayo markaas. Si xilkasnimo leh ayeey u wada shaqeystaan oo isku fahansan yihiin. Marar badan waa ay is luggooyaan oo xitaa lacago kala musuqaan. Marba midka dhibban ayaa samra oo 'Caafiyo' dhaha kaddibna raadsada fursad kale oo uu ku aar guto. Run allay taqaane waa rag gob ah oo wada noolaanshiyaha iyo tanaasulka si wanaagsan u yaqaanna. Waxaa intaas dheer waa rag isku dhinta oo isku hurid leh oo yaqaanna micnaha saaxibtinnimada wada qaadashada dhibta iyo dheefta.
Gaarigan aan saarannahay waa Caasi (Homey) ma xusuusta taargadiisa si lamid ah sida aysan dadkuba iskugu dhibin. Nin caata ah oo qoor dhuuban siijeedkana aad mooddo oday xiiqdheer ku dhacday busaaradda ay balwaddu u wehliso ee ka muuqata aawadeed ayaa darawal ka ah. Raaddiyoo qeyli badan ayaa gaariga dhexdiisa ka cartamaya, mar wacdi iyo muxaadaro ayaa saaran. mar xayeeysiis iyo iidheh baa ka qayliya marna muusigga macaan ayaa kasoo fula. Hadba dadka gaadiidka saaran waxa ay ku qasaban yihiin dookha wiilka yar ee maksarka iyo makiinnadaha u maamula idaacadda markaas saaran.
Waxa aan fadhinnaa kursiga koobaad ee baska. Afar qofood ayaan ku nahay. Odaygii madaxa adkaa ayaa ugu xaggeeya oo dhanka daaqadda inoo xiga. Aniga ayaa kuxiga. Arday Dhar jaalle wata oo iskuul u socda iyo nin da' dhexaad ah oo murqa kuusan burus iyo miishaar na wata ayaa is xiga. Waa afar qofood oo afar dowr oo kala duwan nolosha ku jira, kalahaya oo nin walba dantiisa u foofayo. Ninka buruska iyo miinshaarta wataa waa nin usoo kalahay in uu xooggiisa maalo oo maalinlaha xaggaas kasoo saaro. Waa uu ku qanacsan yahay sida aan dusha sare ka dheehan karo, ma hubo in guda ahaan uu sidaas dareemayo, se duruufta ayaa la doonatay isna ma diidin oo waa kaas saakay reerkiisa usoo kalahalay. Ardayga waa wiil yar oo dhuuban, waxaa uu wataa dhowr buugaag oo caato ah haddana aan nidaamsaneyn, shaarkiisa mid ayaa galuuska haleelsan midna waa uu hareer marsan yahay. Shaarka u wato wasakhdu kuma yara welina waa bilowga todobaadka. Surwaalkiisa kaakiga dhowr meel oo karan ayeey ishaydu qabaneysaa. Caday aad mooddo istakiin dhuubni awgeed ayuu gacanta midig ku heystaa oo markii uu doono inta dhowr jeer ku jiid jiidto ilkaha ayuu ninkii ku xigay ku yiraahdaa 'Adeer saan ka dheh' oo qoortiisa iyo dhabarkiis meel u dhaxeysa xaakada iyo candhuufta dibadda ugu sayraa. Waa naf aysan ka qasneyn. Geeska waxaa xigay odaygan habaaran. Waa oday aad mooddo foolxumada in uu beryo naarta soo arkay kaddib adduunyada ku cibro qaadasho loo keenay. Fildarrada waxaa u dheer dhaqan xumo iyo isla saxnaan. Waxaa uu qiijinayaa sigaar aan weligey urtiisa dareemin. Beerka ayuu igaga dhacay, oo waan qasmay. Sidaas oo kale dadka ila saaran waa ay ku dhib qabaan urtiis. balse uguma dhiiran in ay yac dhahaan sidayda oo kale. Xilligan maxaa ku qasbaya in uu dadka ku dhibo urta sigaarkan? Ayaan nafteyda weyddiiyay.
-Sow qof kastaahi ma jiro wax farxad geliyo oo uu xasilooni ku helo? Ayeey naftu su'aal ahaan igu jawaabtay.
-Qofkasta wixii uu farxad iyo deggenaan ku helayo ayuu mudan yahay in uu sameeyo. Uma baahnid wakhti, saacad iyo xaalad gaar ah in aad sameyso waxa aad jeceshahay, saa waa waxa aad jeceshahaye.
Waan garowsanaa in odaygu farxad ka raadinayo nuugidda sigaarka, uuna xaq u leeyahay in uu sidaas sameeyo. Balse tan aan doodda ka qabay waa in aysan farxaddiisa anagu na dhibin oo na saameyn. Waa midda aan iskula dhacnay oo aan weli u haruufayo.
Kuraasta naga dambeysa waxaa saaran laba dumar ah oo dambiillo wata. Middood waa da' dhexaad aad dareemeyso in halganka nolosha iyo duruufaha ay baddaleen quruxdeeda asalka ah. Dambiilsha waxaa u dheer caag jiirgaan ah oo afka ka goan iyo dhowr jawaan oo malaha in ay wax ku ridato ay ugu talagashay. Suuqa khudaarta ayeey kusoo heshiiyeen kirishboyga. Islaanta ku xigta waa maamo waayeel ah, haddii aysan lixdanka gabaabsi ka ahayn Todobaatanka ayeey lugta kula jirtaa. Tabar ahaan waa ay daciiftay oo markii ay soo koreysay baska waxaa caawinayay oo gacanta qabtay saaxibteed iyo kirishboyga. Waa maamo duruufta ay xilligan soo kicisay balse mudneyd in ay gurigeed ku wardi iyo wakhti dhammeysato maaddaama ay da'da ay dagaal kula jirto.
Kursiga kusii xiga waxaa fadhiya wiil iyo gabadh aan u maleeyay in ay wada dhasheen oo Iskuul u socda. Gabadha dhanka daaqadda ayeey xigtaa oo halkaas ka daawaneysaa waxa hareeraha waddada ka socda. Halka wiilka yar uu isna hoos u foorarro, ma hubo buug iyo Telefoon midka uu yahay waxa uu ku foorarro, ha yeeshee waa uu foorarraa. Wiilka waxaa ku dhaggan nin da' dhexaad ah oo malaha afartanka haddii aysan wax u raacin meelahaas aan ku qiyaasay. Waxaa uu xiran yahay khamiis. Dhabta waxaa u saaran kutub halka jaabka kore ee khamiiska ay kasoo muuqdaan qalin afar noocle ah iyo caday dheer oo aad mooddo in uu ugu talagalay in uu sannad isticmaalo. Cidna hadal kuma darsado waxaa dhagta u saaran telefoon dadka ku dheggan iska daayee anoo xitaa kursiga hore fadhiya aan maqlayo. Wuxuu dhageysanayaa adkaaru Sabaax wal masaa'. in uu dadka kale ku baraarujiyo in ay xasuustaan oo akhristaan adkaarta ayuu malaheyga u dheereeyay codka, ma se hubo in uu u kasid sidaas u yeellay.
Kursiga u dambeeyo waa godka cadaabta waa meelsha ugu raaxada darran ee gaari laga raaco. Soomaali inta ka yaabeen ayeey u bixiyeen 'Raaxeeye' haa waa run oo waa raaxeeye. Waa raaxeeyaha kuwa aan raaxada heysan. Waa meesha keliya ee aan cidna jecleyn in ay gaari ka raacdo, waxaa taalla xorriyad waayo cidna ma joogto xitaa cidna kuma nagaato oo qofka fadhiistaahi waa fursad suge meel kale daydayanaya. Haddaanu ahayn booska u liita waa kan labaad ee ugu liita. Hadda booskan waxaa saaran oday lixdan jir ah balse xooggiisa aad mooddo labaatan jir. Waa oday gaaban isku jira. dhar isboortis ah iyo kabo banooni ayuu wata, wuxuu ka yimid jimicsi iyo aalamiito, waa oday isku roon oo inta soo jimicsaday Beer iyo xabbad Basal iyo Barabarooni gacanta ku wato. Waxaa dhiniciisa midag hadda soo fadhiistay nin kale oo aan ka yareyn, balse waayuhu dabciyeen oo gabowgu soo weeraray. Odaygan waxaa hoostiisa yaalla dhowr xirmo oo Caday (Rumay) oo uu isleeyahay ka gaarsii suuqa inta aysan dadku soo wada kicin. Dhankiisa bidix ee shishe waxaa saaran wiil dhallinyaro ah oo ay dhafar iyo diif badan ka muuqato. Waxaa uu naga soo raacay albaabka Isbitaal ku yaalla Isgoyskii aan soo dhaafnay. Wuxuu igula muuqdaa qof xalay oo dhan bukaan la dhafray oo saakay laga soo baddalay. Kursigaas hal boos ayaa ka dhiman oo uu ka dagay wiil yar oo watay beeshin ay ku jiraan bur iyo Sanbuus uu u waday hooyadii oo Shaah ku gadda isla isgoyskaan kasoo qaadnay wiilka dhafarsan. Sidaas ayey firaaqo ku dareemayaan saddex da isla saaran kursiga cadaabta.
Malaheyga kursiga u liita ee gaariga waa kan la dhigo aagga albaabka ee uu kirishboygu kor ama gadaal inta kasoo bixiyo marka loo baahdo dhigo. Kursigan waa kursi sidiisa cadaab u ah. Maxaa yeellay markasta heegan ayaad tahay, markasta in fadhiga lagaa qaso ayaad ku qasban tahay. Markasta oo uu qofka kaa dambeeyo doonayo in uu gaariga ka dago adna waad u qasban tahay. Waad dagtaa oo soo kortaa. Intaas waxaa kuu dheer cariiriga iyo culeyska, ma ugu jirto haddii kursiga kugu xiga la soo fadhiisiyo habraha maroorka weyn ee booska iyo barka ah. Ma jecli in aan kursigaas fadhiisto, waxaan kasii necbahay in aan habrahaas la fadhiisto. In aan lugeeyo ama qabsado ayaan ka doorbidaa oo ka doortaa. Malaha taas ayaa dhaanta cadaabtaas iyo ciriirigaas. Saakay kursiga waxaa fadhisa gabadh yar oo aan ku qiyaasay dhowr iyo Labaatan jir sidata canug yar oo dhowr iyo toban daqiiqo ay gaariga saaran tahay ilbiriqsi aan afka isku qaban. Oohin darteed waxa aad mooddaa in sheyddaan baas uu jeedal u sito, mar alaalle markuu aamus damco ayuu afka kala qaadaa. Waa ay ka daashay in ay qanciso. Mar Naaska ayeey usoo bixisaa oo afka u gelisaa, wuu iska tufaa. Mar masaasad biyo cad kujiraan ayeey ku anqarisaa waa uu laadaa. Mar waa ay u heestaa oo oohin ku ekeeyaa marna ka aamustaa oo bal fiirisaa intuu sii wadayo. Dhowr qofood oo kala duwan ayaa jihooyinka ka dhawaaqay, midba talo iyo amar ayuu siiyay. Waa ay ku wareertay oo ku waalan gaartay. Weli se way ku qanacsan tahay wiilkeeda yar oo kama quusan oo waa tan weli u heeseysa, bal kaalay aamusiba? Cunugga yar dalqo ayaa ku taalla, saakay waxa ay ula jirmaadeysaa sidii looga soo sanceyn lahaa. Waxa ay inoo sheegtay in ay u socoto oday iyada iyo hooyadeedba kasoo sanceeyay Dalqo iyo Goobaba. Wa oday isticmaala qaabkii khadiimka ahaa ee sanceynta, biraha uu wax ku sanceeyo nadaafaddood aad ayey u liidataa. Yaanan liidasho dhihine nadaafaddooda waa ay dhimatay. Mindida uu qofka kaa horeyay ugu jaro ayuu inta biyo horyaallo oo weel daxaleysta ku jiro geliya oo isla markiina ka saaraa, kaddibna soo dhowoow kugu dhahaa. Cunugga yar hooyadii ama waalidkii ayaa celiya inta laga jarayo, qofka weyna isagaa caawimaad soo wata ama qof iyo laba guriga joogo ayaa hurdada laga soo kiciyaa say madaxaaga iyo garkaaga u kala qabtaan, saasna lagaaga jaro. Waa bir aan naftaadu ku siineyn, xitaa balaqyada eeyaha kuma jarteen midabkeeda, urteeda iyo nadaafad darradeeda. Dad badan ayaa yimaada oo usoo daawa doonto. Dadka meeshaas taga waa dad ay la weyn tahay daawa dhireedda iyo daawada dhaqameedda. Waa dadka ay weli micnaha u sameyso dalqo sanceynta, dhajisgoynta, mingis ka saaridda, sharax ka tumidda iyo caadooyinka sii baabba'ayo ee degmooyinka Khadiimka Xamar weli laga isticmaalo. Yaanan war idinku daalin e aan gaarigii usoo noqonno, gabadhaas iyo canuggeeda dalqa goynta u socda ayaa kursigaas fadhiya.
Kursiga bidixda kaga dhaggan waa mid aan dabyar shideyn. Kan dagaya iyo kan koraya ayaa horaaddada kugu qaada. Nin iyo naag kuu yahayba. Naagaha naasaha waa weyn leh dhib ayeey ku qabaan maridda meeshan. Adiga oo iska fadhiya ayaad ka war helaysaa naaso soo caga dhigtay garabkaaga oo sanka kuu marayo. Ogaal darro iyo Faduul kii ay ka tahayba rag badan ayaa kursigaas u doorbida ilbiriqsiyadaas taransadka lagu yahay. Waa duul uu qooq indha tiray oo uu damac madaxmaray oo meel daran ay bahasha la gashay.
Kursigan rag baa ku shaqeysta oo ka adeegta, ma fadhiistaan meel aan kan ahayn. Dhowr qof ayeey markastahi ku socdaan oo kursigaas iyo kan ka horreeyo ayeey fadhiistaan. Marka uu gaariga buuxsamo ee la gaaro heerka qabsashada albaabka ayeey ciiddoodu bilataa oo farxad u bilaabantaa. Kan kursiga koobaad fadhiya waxaa uu helaa dhowr fursad. Haddii uu Arday kujiro dadka qabsanaya wuxuu ku xisaabtamaa in uu buugaagta u qabto oo uu asxaan ugu falo intaas. Dhaqan aanan fiicnayn oo dumarka ay u badan yihiin ayaa jirta waa in buugaagta dhexdooda la geliyo lacagta bareegga (Nusasaacaha) hadhowna lagala baxo. Dhowr dhibaataba waa ay leedahay. Kow wakhti ayeey qaadaneysaa raadinteeda, isla mararka qaar waxaa laga yaabaa in buugga dhexdiisa ay ku dhex dhunto haddii tiro ahaan ay yar tahay; ama ba laga boojeeyo oo laga dhiitiyo. Waa shaqada ay qabtaan raggan. Marka uu buugaagta u qabto ardayga ayuu baarid ugu dhaqaaqaa oo kaddib lacagta kala baxaa. Meeshii uu rabay meel ka sokeysana uga dagaa si aan hadhow ardaygu daalac ugu raacin. Haddii lacag uu ka waayana waxa ay isku dayaan in ay teleefoonnada ka dhiitiyaan oo ay iyagaas dhowrka kursi ee kala durugsan kala fadhiya iskugu dhiibaan illaa raadkii telefoonka ama shayga la xaday la waayo. Waa duul wax qaadidda ku inkaaran. Show jaamacad bay uga soo baxeen wax dhiitinta. Dee haa qof Ceelgaabta joogo oo sida wax loo dhiitiyo aqoon miyaa jira? Midba midka uu kaga xirfad badan yahay ayuu kaga wax soo helid badan yahay. Haddii la qabto wixii ku dhaco waxba uma arko saa markii hore ayuu naftiisa biimo ugu talagalay e.
Nolosha guud ee baska waa sidaas. Dad waa ay ku shaqeystaan, kuwa waa loogu shaqeeyaa halka kuwa kalena ay ka shaqeystaan. Mid kasta dan gooni ah ayuu leeyahay, mid kastaana waa uu ka helaa inta maqaaddiirta ay uga qortay maalinkaas. Waa nolol kala duwanaan ay ku badan tahay, oo cidna cid kale aysan ku duruuf iyo xaalad ahayn, haddana afar lugoolahaas uu mideeyay. Baska waa sida doontii Nebi Nuux oo kale waxaa saaran dad kala duwan dhaqan ahaan, jinsi ahaan iyo xitaa mararka qaar sinji ahaan. Mid kasta duruuf ayaa ku hareereysan, mid kasta waxbaa gurigiisa kasoo waday mid kastana rejo iyo wer wer ayuu la saaran yahay. Haddana ujeedka halkan loo saaran yahay waa in hadaf guud lagu gaaro, masaafada lagusoo yareysto wakhtigana lagu beekhaamiyo.
Nolosha Baska waa tan aan ugu jeclahay. Waayo waxa aad arkeysaa quruxda iyo dhadhanka kala duwanaan. Micnaha wadalahaanshiyaha guud, iyo kala fogaanta dhaqamada dadka. Meeshan waa muraayadda ugu nadiifsan ee laga arki karo bulshada, waa tan ugu dhow ee laga dareemi karo waxa maalinkaas suuqa laga hadalhayo, waana meesha ugu macquulsan ee qof ka heli karo dhadhanka iyo micnaha dhabta ah ee nolosha maalinlaha ah
Cabdiwahaab Axmed Cali
10 November 2019
Muqdisho-Somalia

Waa maqaal aad iyo aad cijiib u ah si dhab ahan ugu hadleyso nolsha Ka jirto casiga (homayga)
ReplyDeleteMahdsnid ustaadi sida wacn ee aad noola wadaagtay qormadaan