Waa Baqdaad. Suufiyada lagama jeclayn, haddana mowlacyo iyo masaajid waa weyn ayeey ku leeyihiin. Dunida daafaheeda waxaa ka olollaya dagaal weynihii Tataarku ku hayay caalamka Bariga, Baqdaad se markan waa ammaan gulufku ma soo gaarin.
Wadaaddada Ahlu xaddiiska ayaa calankoodu babbanayay. Min Makka illaa meesha ugu shisheysa. Iyaga iyo salaaddiinta ayaa isku naban oo hal dan wada ilaalshada. cid kasta oo danahaas ay qatar ugu arkaan waa ay shabbadeeyaan oo musaafuriyaan, ama xitaa khaarijiyaan illaa dadkuba noqdeen iyaga iyo in taabacsan iyo in kale oo aashuunka ku addima.
Dhawaan waxaa magaalada soo galay Darwiish weyn, Suufi alla yaqaan ah iyo filasuuf bad ah. Mar alaalle markii uu cagta soo dhigay Baqdaad waxaa uu codsaday sidii caadadiisa ah in uu booqdo goobaha cibaadada isaga oo aan u kala saarin diinta ay tahay iyo firqada ay yihiin. Kaddib waxaa loo kaxeeyay dhankaa iyo qaaddiga magaalada heystay kaas oo feker ahaan aad u necbaa Suufiyada iyo Daraawiishtooda.
Tabrizi waxa uu la kulmay qaaddiga, ha yeeshee soo dhaweyn iyo marxabbeyn la eg mansabkiisa kama helin. Salaanta iyo soo dhaweynta waxaa u raacay su’aalo kulkul oo ay isweydaarsadeen. Weyddiimihii xanafta lahaa ee ay is dhaafsadeen waxaa kamid ahaa.
-Kawaran Baqddaad? Sow ma heysanno magaalada ugu wanaagsan caalamka, qurux ahaan iyo ammaan ahaan ba? Waxaa halkan jooga qaxooti badan oo kasoo firxaday colaadda Tataarka? Waxaan siinnay magangalyo iyo soo dhaweyn ee bal kawarran Baqdaad?” Qaaddiga.
-Saaxibkeygoow magaalooyinka waa sida basharka oo kale waxa ay maraan afar marxaladood. Waa ay dhashaan, barbaaraan, duqoobaan haddana dhintaan. Waxan aan qirsanahay in hadda la gaaray dhammaadka dhallinyarronnimada Baqdad oo ay galeyso marxaladdii gabowga iyo geerida, ha yeeshee yaa garan doona ama arki doona sida ay u ekaaneyso Baqdaad 1000 sano kaddib? Wax kastaahi waa ay isbaddalayaan oo sidan masii ahaan doonaan muddo kaddib. Shaki kuma jiro in baqdad qurxoon tahay, sidaas oo kale waxaanan shaki ku jirin in quruxdaas aysan waari doonin. magaalo kastaahi waxa ay ku taagan tahay ruux, haddii ay dadkeeda noqdaan ruux la’aan si kasta oo dhismayaashu u qurxoon yihiin oo ay barwaaqo kasta u tahay ma sii jiri karto, dadka iyo ashyaa’duba waxa isku haya ruuxda.
Markii uu intaas yiri oo uusan Qaaddigu jecleysan jawaabta Shams ayaa kooxdii wadday Darwiishku ku tiri “Qaaddi barasho wanaagsan kan waa Shams Tabrizi. Darwiish illaahay jecel oo geed dheer iyo mid gaaban ba u koray sidii uu u heli lahaa Alle (SWC)”
Si jees jees ku jiro ayuu qaaddiga u yiri “Haddaba ma helay?”
-Haa. Waa helay” Shams
-Waa helay na waad leedahay waana raadinayaana waa leedahay Sidee isku qabaneysaa? waxaan aad sheegayso waa Kufri Maxdi ah (gaalnimo barax la’) ayuu Qaaddiga oo carro darteeda qanjuhu buurteen ku yiri Shams.
Bal is dejo oo aan kaaga sheekeeyo kufriga aad sheegeyso iyo waxa uu yahay.
“ Maalin maalmaha kamid ah ayuu Nebi Muuse oo keligiis dhex socda buuraha arkay nin ari jire ah oo dacas la’aan ah aadna u daruufeysan, se salaad tukanaya oo alle baryaya. aad buu u farxay nebi Muuse oo waxa uu u qaadan waayay duruufta uu ari jiraha alla ku caabbudayo iyo sida dadka qaar looga kari la’yahay alle u hoggaansamidda iyaga oo aan wax duruuf ah iyo howl ah heyn. Sidii uu usoo socday ayuu Nebi Muuse dul tagay halkii uu Ari jiraha ku cibaadeysanayay. Markii uu cabbaar usoo dhawaaday ayuu ka maqlay ninkii oo u duceysanaya qaabkan “Illaahaygaygii aan jeclaayoow waad ogtahay in aan ku jeclahay wax kasta oo aad I amarto waan sameynayaa, xitaa haddii aad I dhahdo qal wanka kan ugu jira waan kuu qali karaa oo bariis fiiican kaaga Karin karaa. Waan awoodaa in aan dhaqo cagahaaga iyo gacmahaaga, intaas waxaan u sameynayaa jaceylka aan kuu qabo”
Nebi Muuse markii uu intaas maqlay waa uu is celin waayay, wuxuuna si caro leh ugu qeyliyay ‘Jooji Jaahilyahoow sidan ma ahan cibaado, ma waxaa umaleysaa in alle leeyahay lugo iyo gacmo uuna u baahan bariiskaaga iyo wankaaga. Jaahil baad ka tahay cibaadada ee sidan u baro” Waxaa uu baray sida alle loo caabudo, ha yeeshee habeenkii alle waxaa uu u waxyooday Nebi Muuse kuna canaantay in uu ku xad gudbay Maskiinka “Waxaa uu lahaa niyad wanaagsan, hadduu doono ha qalddo ereyada uu ku duceysanayay, balse waa uu qalbi fiicnaa, raalli baan ka ahay, waxaa laga yaabaa in hadalladiisa ay micno kuu sameynayeen culeysna kugu hayeen, anna qalbigiisa ayaa micno ii sameynayay, ereyadaas waxaa u taqaaniin Kufri Maxddi ah, ha yeeshee ma ahan waxa muhiimka ah ereyada ee waa qalbiga qofka”
Nebi Muuse isaga oo dareemaya liidasho ayuu u noqday Ari jirihii una sheegay in uu ka khalddanaa, alle agtiisana laga jecel yahay salaaddiisii uu khaldka ku sheegay, wuxuu ku Yiri “U tuko sidii hore,taas ayaa alle agtiisa lagaga jeceel badan yahay tan aan kuu sheegay. Ninkiii waa ku noqday ha yeeshee ma joogteen tii dambe, tii horena waa ka tagay, se wuxuu jeexday qaab cusub oo uu alle ula xiriiro.
Tabrizi oo gaba gabada sheekada soo galay ayaa raacsaday “qof walba wuxuu leeyahay qaab uu alle ula xiriiro, muhiim ma ahan in aan ereyadeenna qurxinno, waxaa muhiim ah in aan qurxinno niyaddeenna iyo qalbigeenna, alle qalbiga ayuu eegaa ee ereyada micno badan uma sameeyaan.
Markii uu Tabrizi sheekada ku dheeraaday Qaaddiga waxaa uu sheegtay dan iyo duruuf in ay heyso ayna markale isku soo noqon doonaan ee markan la fasaxo. Kulankii koobnaa ee Shams iyo Qaaddiga dood iyo haruuf ayuu ku idlaaday. Darwiishkana waxaa uu qabtay mowlicii Baabba Zamaan oo ahaa Suufi weyn oo xer kulahaa Baqdaad halkaas oo uu kula kulmay muriiddiintii iyo murshiddiinta xerada, kaddibna uga gudbay dhankaas iyo Quunya si uu ula soo kulmo Mowlaana Jalaalluddiin Ruumi.
Waxaan kasoo tarjumay buugga The Forty Rules of Love ee ay qortay Elif Shafak.
Cabdiwahaab Axmed Cali
1dii September 2019
Muqdisho-Somalia.

mahadsanid mualimow 🙏
ReplyDeleteMasha Allah!
ReplyDeleteQaab qoraalkaaga aad ayuu u soo jitaa aqristaha. Allah barakeeyo aqoontaada sxb