Dhowr jeer oo horey ayeey ii yeertay ayeeyo. Ma ogi in aan maqlay iyo in kale. weli sariirteydii Caasha dheerta ahayd ayaan dhinac dhinac ugu jiifaa. Gacanta midig iyo dhafoorkeyga ayaa is xiga. Buste aan xajmigiisi yareyna dusha ayuu iga saaran yahay. Wajhaddeyda waxaa kulaallaya daaqadda qolka. Waa daaqad tiirarkeedu ay daxaleysteen, shabaq darxumada iyo busta isku biirsatay aad mooddo in uu soddon sano yaallay lamadagaanka Liibbiya iyo Sudan u dhaxeeyo ayaa ku xiran. Shabaqu falaaraha cadceedda ayuu si xilkasnimo leh ugu oggolaadaa in ay gudaha qolka usoo galaan. sariirteydana igu soo bariidiyaan. Laba fariin oo kala mug weyn ayeey maskaxdeyda ka heshaa falaarahaas. Midi waa quruxda abuurka illaahiga ah iyo sida ay naftu ugu jeelqabto ku indha doogsigooda. Midda labaadna waa dhambaal dhiillo leh oo waayuhu inoo dhex marsiinayo cadceedda, waayo wakhtigu waa uu is gurayaa. Subax baa dhalata, galabbaa raacda, habeen ayaa duma, maalin kale ayaa soo gasha. Sidaas ayuu wakhtigu isu saaran yahay, oo isbuucyadu bilo iskugu baddalaan, biluhuna sannado, sannaduhuna u go'aamiyaan nolosheenna.
Deyrka gurigeenna meelna uma dhaafo. Jikada, suulliga iyo sariirta, saddex xagalkaas ayaan todobaadba ku qoolannahay. Qoyskayagu waa qoys kooban. ayeeyo, abti, iyo wiil aan ilmo habreed nahay ayaan ka koobannahay. Ayeeyo wakhtigeeda ugu badan sijaayadda iyo sariirteeda ayuu ku baxaa. jiimbaar gabowday iyo joodari yar ayaa isu dulsaaran. dhinaca midig ee sariirteeda waxaa yaalla kumaddiin busta iyo boorka dulsaaran aadan ku dhiiraneyn taabashadiisa. Kumaddiinka dhinaca soke waxaa ka saaran Raaddiyow Filibbis ah oo BBC da iyo Radio Muqdisho uun laga dhageysto. Toosh afar qaad ah iyo tusbax isbeer ahna si ka fiirsi leh ayeey dacalka shishe ee komaddiinka u saaran yihiin. Waa qol aan lugta ku badneyn, nadaafaddana aan ku rooneyn.

Fadlan linkiga hoose kala deg sheekada oo dhammeystiran.
Mahadsanid
https://drive.google.com/file/d/1Ry1DdvME0kacXIvSSB6SFioIofFYPgrA/view?usp=sharing

Comments
Post a Comment