Keydinta taariikhda, aadanaha dhowr nooc ayaa uu u adeegsan jiray tan iyo jiritaankiisa. Xogta qoran waxaa lagu ilaallin jiray hargaha dushooda, buugaagta calooshooda, dhagxaanta oogadooda iyo derbiyada. Halka agabyada cimriyana loo iskugu geyn jiray bakhaar sannadkiiba mar inta la furo dadku usoo daawasho doontaan. Bakhaarradaas waxa ay gogol xaar u ahaayeen waxa aan maanta u naqaanno madxaf.
Mar ku beegan 530 sano ka hor dhalashadii Nebi Ciise (CS) ayaa la amaamuday madxafkii ugu horreeyay ee Benii Aaddam uu yeesho, waxaana uu ahaa madxafkii Ennigaldi-Nanna oo uu u dhisay Amiir Ennigaldi oo ahaa mid kamid amiirradii soo maamulay boqortooyadii Babbaliyoontii labaad (Secod Babylonian Empire) ee maamuli jirtay dhulka hadda la isku yiraahdo Ciraaq.
Sida laga dheehan karo durbaan dhooban ka sameysan iyo agab kale oo aaggaas laga helay waxa ay culimada ku taqasusay cilmiga aasaarta ku sheegeen in ay yihiin agab madxaf oo loo badinayo in uu ku aaddanaa wakhtigii boqortooyadii Babbiliyoon ay ka talineysay dhulka Ciraaq.
Gariiggii hore sannad kasta shaneemooyinka iyo tiyaatarrada waxa ay kusoo bandhigi jireen buugaag, agab dhaqameedyo, alwaax farshaxan, looxaan naqshadeysan, sawirro iyo agab kale, si daawadayaasha ay ugu muraaqoodaan oo ugu indha doogsadaan agabkaas. Fikradda noocaas ah ayaa kobacday oo dunida inteeda kale u gudubtay illaa markii dambe la yagleellay madxafka Alexandaria oo mataan la ahaa maktabadda Alexandria oo ahayd iyana maktabaddii ugu weyneyd dunida ka hor inta aan lagu tuhmin inuu gubay boqorkii Romanka Julius Caesar sannadkii 48 ka hor dhalashadii Ciise.
Inta aysan madxafyada waa weyn ka hirgelin Yurubta dhexe, waxaa jirtay wax loogu yeeri jiray ‘Qolalka Muraaqada’ (cabinet of Curiosities) kuwaas oo la dhigi jiray alaabo qaali ah, kuwa qaddiim ah iyo kuwa kale si ay ugu soo daawasho tagaan dadka jeeb weynta, siyaasiyiinta iyo nuqbada siyaasiga. Yurub fekradda waa ay lacageeyeen, waayo ummadihii hore waxa ay madxafyadu u ahaayeen meelo loo daawasho tago oo loo muraaqo doonto ha yeeshee in laga dhigo il dhaqaale oo lacag laga sameyo waxa ay ahayd mid ugub ah, wixii markaas ka dambeyay waxaa bilowday madxafyadii ugu horreeyay ee Yurub ka hirgala wakhtiyadii dhexe waxa ayna kala ahaayeen kuwoodii ugu horreeyay uguna muhiimsanaa Ashmolean ee ku yaallay Oxford lana yagleellay 1683. Louvre oo Paris ku yaal ahna madxafka ugu baaxadda weyn adduunyada oo isna la sameeyay 1793 intii uu socday kacaankii Faransiiska.
Soomaalida inkastoo ummad hadal ay tahay oo taariikh dhigan iyo mid dhowran oo badan aysan lahayn haddana dowladda Taliyaaniga ayaa ka shaqeysay sidii madxaf loogu sameyn lahaa ay ku keydsadaan agab dhaqameedkooda iyo si guud taariikhdooda inta la xasuusto. Duqii Muqdisho ee maamulkii Taliyaaniga Maurizio Rava ayaa daahfuray sannadkii 1933 dii dhismaha madxafka Garesa (Museo della Garesa) kaas oo laga dhisay isla dhismihii qasrigii Siciid Barqash, wakiilkii dowladda Cumaan u qaabbilsanaa Soomaaliya iyo Sinsibbaar. Madxafkaas waa uu shaqeynayay illaa laga gaaro 1960 kii markaas oo Soomaaliya ay xorriyadda ka qaadatay gumeystihii Taliyaaniga, dowladdii Soomaaliya ayaa magaca ka baddashay madxafka una bixisay ‘Madxafka Qaranka’.
“Markii ugu horreysay ee aan galo madxaf waxaa ay ahayd 1954tii. Aniga oo ah kuray yar oo markaas uun hanaqaad ah, waxa aan degenaa xaafadda Cadayga ee degmada Xamar Weyne. Madxafka Garesa waxaa uu ku yaallay xeebta Curubo. Dhiniciisa maxkamad iyo saldhig ayeey ahaayeen ka hor inta aan laga rarin. Madxafka albaabkiisa waxaa yaallay laba madfac oo madaafiicdii wakhtiyadii dhexe lagu dagaallami jiray ama waxa af Carbeedka lagu yiraahdo Manjaniiq oo alwaax ka sameysan. Marka aad gudaha u gasho waxa aad la indha daraandareysaa agabka yaallay iyo summadaha geelaha qabaa’ilka Soomaaliyeed. Inkastoo uusan u dhammeystirneyn sida madxafyada caalamiga ah haddana waxaa uu ahaa dhismo xiisa u leh qof sideyda oo kale” Axmed Sheekh Cali, waaya joog horey oo nasiib u helay in uu u daawasho tago madxafkii Garesa ee magaalada Muqdisho.
Hilaaddii 1985 dowladdii Kacaanka ayaa go’aansatay in madxafka qaranka loo soo raro aagga tiyaatarka si uu ula midoobo xarumihii dhaqan ee nawaaxigaas ku yaallay sida, Maktabadda Qaranka, tiyaatarka, iyo madbacadda qaranka. Madxafka cusub waxaa dib loogu kordhiyay bishii May 1987 dii qolalka bandhigga, kuwaas si wanaagsan u bilay madxafnimadiisa. Afar dabaq oo uu ka koobnaa mid kasta wax gaar ah ayaa loo asteeyay in la dhigo. Tusaalle dabaqa hoose waxaa yaallay oo loogu talagalay aasaartii hore iyo wax kasta oo la xiriira dhaqan bulsheedka Soomaalida. Halka dabaqa koobaadna ay yaaleen taariikhda iyo raadadka halganka iyo halgamaayaashii gumeysi diidka ahaa ee Soomaalida. Dabaqa labaad waxaa loo asteeyay keydka taariikhda ciidanka, luuqadda iyo suugaanta Soomaalida. Halka Dabaqa ugu dambeyana la dhigay alaabo noocyo kala duwan ah kuwaas oo uu madxafku lahaa.
Inkastoo hay’adda qaramada midoobe u qaabbilsan waxbarashada iyo dhaqanka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaanno UNISCO ay ahmiyad badan u heysay hirgelinta iyo horumarinta madxafyada Soomaalida iyo guud ahaan keydka taariikhda haddana daneyn badan kama iman dhanka kale taas oo keentay in aan si wanaagsan looga faa’iideysan hammigii UNISCO ay ka lahayd maalgashiga keydka Soomaalida.
Haddaba aan u guda galno su’aasha cinwaanka u ah maqaalkan.
Sidee Madxafyadu u Qaabeeyaan bulshooyinka?
Sida hadba ay isku baddalayeen naqshadaha iyo qaababka ay u ekaayeen madxafyada ayaa ay haddana isku baddalayeen ujeeddooyinka laga lahaa. Mar uu guri yar oo loosoo muraaqo doonto ahaa, iyo maanta oo uu yahay il dhaqaalle oo muhiim ah, waxaa jirto dhowr sabab oo xoojinaysa ahmiyadda madxafyada.
Marka koobaad madaaxiftu waa muraayad weyn oo aan ka dheehan karno tagtada ummadda, sammaan iyo xumaan waxa ay ahaayeen awoowayaasha. Waa daaqad yar oo aan ka eegi karno nolol qarniyo taxneyd oo ummaddaas ay lahayd oo hal dhisme lagu soo koobay. Iyo xusuus dadkoodii ay xabaal galeen.
Markale waa miisaan lagu cabbiro cimriga ilbaxnimada bulshooyinka, waayo bulshaba bulshada ay ka keyd iyo madxafyo badan tahay waa ay ka ilbaxsan tahay kana gun weyn tahay.
Bulshooyinka Masaarida iyo Soomaalida ma kala cimri yara jiritaan ahaan, haddana facweyni marka laga sheekeynayo Masar, Soomaali iyo Afrika da inteeda kala waxa ay uga soocan tahay keydka dhaxalkeeda ummadnimo oo ay dhowratay. Taas oo ummado ay Soomaalida kamid tahay ay ku guuldarreysteen.
Madxafyada waxa ay dadku fursad u siiyaan in ay dib isku bartaan oo dib isku daraaseeyaan oo akhrin hufan is mariyaan si ay u helaan cidda dhabta ah ee ay yihiin. Waayo ummadaha sideenna oo kale uu ku dhacay sowrac seegga iyo isir walaaca (Identity Crises) ama weli ay doodda ka taagan tahay halka ay kasoo jeedaan asal ahaan waddooyinka sahlan ee jiritaankooda lagu fahansiiyo waxaa qeyb ka ah muujinta iyo weyneenta dhaxalka taariikheed ee fog ee ummaddaas. Tusaale su’aalaha waa weyn ee aan weli laga jawaabin islamarkaana na dul hogta waxaa qeyb ka ah tan dhahda 'Soomaali ma Carab baa? Mise waa Afrikaan?' Si su’aashaas jawaab loogu helo haddii madxafka qaranka laga heli lahaa sawirro farshaxan gacan ku sameys ah oo laga mala awaalayo Soomaalidii hore iyadoo laga dhimbil qaadanayo taariikhda isirka Soomaaliga iyo dhulka Soomaalidaba. Sawirradaasna ay diiradda saaraan taariikh ahaan dhulka Soomaalida iyo sida uu u deegaamoobay. Sida dadka Soomaaliyeed ay u noolaayeen ka hor diinta Islaamka. Diintii looga dhaqmi jiray dhulkan, qaabka ay diinta islaamku ku timid geyiga Soomaalida iyo sida fudud ee ay u wada islaantay. Haddii farshaxannadaas la sameeyo ugu yaraan qofka Soomaaliga ee caadiga ah marka uu madxafka soo galo oo loo sharxo ama fahmo sawirradaas durba waxaa uu fahmi karaa qofka uu yahay Carab iyo Afrikaan? In awoowgii dhoof ku yimid iyo in kale? Iyo si guud qofka dhabta ah ee uu yahay. fursaddaas weli kama faa’iideyn madxafka qaranka oo weli la ciir ciiraya dib usoo kabashadiisa kaddib 30 sano oo uu xirnaa.
Madxafyada iyo kaalintooda kabidda Bulshooyinka la dhaqan takooray!
Bulshooyinka dhexdooda waxaa caan ka ah is riix riix dhaqameed oo biya dhiciisu yahay sadbursi marka dambana u diga rogta faquuq iyo takoor. Markasta oo qolo bulshada kamid ah laga adkaado waxaa bilowda bara bixin iyo riixid dhaqan, taas oo ama keenta in qoladaas ay ku milanto kuwa libinta sara helay ama ay sii jiraan se takoor iyo faquuq ku cimriyeystaan.
Madxafyadu maaddaama ay matalaan keydka dhaxalka guud ee bulshada oo idil waxa ay qafiifiyaan isku huursanaanta bulshadaas dabaqadaha noqotay iyaga oo fursad siinaya, keydinayana dhaxalka bulshadaas takooran. Fursaddaas ay madxafyadu abuuraan waxa ay keentaa dhowr qodob oo muhiim u ah koritaanka wacyiga dadka. Tusaalle marka la keydiyo oo kor loo qaado dhaxalka bulshada la takooray waxaa sara u kaca qabka iyo isku kalsoonaanta bulshadaas. Waxa ay dareemaan in ay bulshada qeyb ka yihiin, welina tirsan yihiin. sidoo kale waxaa muuqata quruxda kala duwanaanta ummaddaas. Tii oo ay jirto in bulshada inta isbidda ee takoorka waddana ay u dirto fariin ah in dadku dhaxal ahaan siman yihiin oo qolyahaas la fududeystay ay bulshada qeyb ka yihiin, muhiimna u yihiin. taas oo keeni karta in bulshadu wacyi ahaan ka korto fududeysiga iyo faquuqa lagu hayo qeybo badan oo bulshadaas kamid ah.
In muddo ah ayeey aqoonyahanka Mareykan is weyddiinayeen Maxay dadka madow ee Mareykan ka u dareemi la’yihiin Mareykannimada? Mar dambe waxaa la isla qiray in faquuqa taariikheed iyo kan dhaqan ee bulshadaas ay la tacaaleysay qarniyada uu saldhig u ahaa in aanay dareemin Mareykannimada. Waxaa la goostay in dadka madow la awoodsiiyo dhaxalkooda, la isla qiro khaladaadkii taariikheed ee bulshadaas laga galay, door fiicanna laga siiyo si guud keydka dhaxalka qaran ee Mareykanka. Tan iyo wixii ka dambeeyay talaabadaas waxaa si tartiib tartiib ah sara ugu kacayay dareenka dadka Madow ay u hayaan Mareykannimada illaa laga gaaro Novermber 2008, markii shacabka Mareykan ka ay u codeeyeen Barack Obama oo ka yimid bulshada madow inuu noqdo madaxweynaha dalkaas.
Madxafyada iyo korriimada iyo badqabka bulshada!
Bulshooyinka waxaa soo wajaha Cudurro halis ku ah jiritaankooda iyo ahaanshiyahooda, kuwaas oo ay adag tahay in ay ka bogsadaan haddii aan loo helin daaweyn sax ah. Tusaale xanuunnada bulshada ku dhaca waxaa hooyo u ah wacyi xumo iyo aqoon darro, oo ay ka dhalato takoor, isla qab weyni iyo isla hanyaraasho, iqk, kuwaas oo iyagana dhala iswaayid. Waa bulshadii oo is weysa jiritaan ahaan, kaddibna sidaas ku dunto oo sidaas ku gumowdo.
Haddaba sida aan horey uga soo sheekeynay madxafyada waxa ay dhisaan wacyiga bulshada, waxa ay sara u qaadaan aqoonta bulshada ay u leedahay cidda ay tahay? Waxa ka dhexeeya, iyo sida waxa ay wadaagaan ay u ilaalshan lahaayeen.
Wacyigaas marka uu abuurmo waxaa sahlanaata in dadku ka garaabaan gunnimadii wacyi xumadu badday, oo takoorku illaa xad yaraado, nabadda iyo wada noolaashiyahana faafo sida ku dhacday madowga iyo caddaanka Mareykan ka ee qarniyada is eryanayay.
Madxafyada iyo Caafimaadka qofka!
Markasta oo dunidu maaddi ay sii noqoto waxaa sara usii kaca cudurrada nafsiga oo ay ugu horreeyaan walwalka iyo walaaca. In ka badan 264 milyan oo qofood ayaa dunida oo idil la tacaaleysa xanuunka walbahaarka (Depression) sida ay hay’adda caafimaadka adduunka sheegtay. Tijaabooyin kala duwan oo ay sameeyeen khubarrada ku taqasusay cilmu nafsiga waxa ay sheegeen booqashada madxafyada ay hoos u ridaan heerka walaaca qofka.
Madxafka Dr. Guislain ee magaalada Ghent ee dalka Belgium ka ayaa 30 kii November 2018 kii waxaa uu qabtay dood xiisa leh oo ku saabsan sida goobaha dhaxalka oo ay madxafyadu ugu horreeyaan uga qeyb qaataan badqabka iyo soo kabashada dadka la daala dhacaya xanuunnada nafsiga ah ama kuwa ku sugan xaaladaha nuglaanshiyaha. Waxaa la isla qaatay madxafyadu in ay abuuraan qiyam bulsho oo wanaagsan, dareen taban oo badqab nafsiyadeed keena iyo xasilooni gudeed.
Waaxda fanka jaamacadda Cambridge oo kaashaneysa madxafka Jaamacadda Cambridge ayaa ka shaqeeyay in la sameeyo fasal farshaxanka lagu barto, sidaas oo kalena waxaa lagu qalabeeyay fasalka agab madxafka jaamacadda laga soo amaahsaday. Muddo markii ay koorsadu socotay dadkii ka qeyb galay badankooda waxa ay isla qireen in isbaddal caafimaad oo dhanka maskaxda ah iska dareemeen oo nafsiyan u dageen. Waxyaabaha sida gaarka ah ay u sheegeen waxaa kamid ah in ay ka nafiseen xanuunnada walbahaarka iyo cabsida ayna sameeyeen soo kabasho caafimaad oo la taaban karo.
Dhanka kale muddooyinkii u dambeeyay dalalka qaar ee dunida waxa ay abuureen jawi xiriir iyo wada shaqeyn oo dhex mara wasaaradaha caafimaadka iyo xarumaha dhaxalka (madxafyada, maktabadaha iyo keydadka qaranka) kuwaas oo ka wada shaqeynaya sidii dadka xanuunnada nafsiga ah qaba loogu heli lahaa jawi ay ku nafisaan oo ay ka dhex ka heli ruuxda madxafyada.
Fursadda madxafyada Soomaalida iyo doorkooda qaabeynta bulshada!
Bulshada Soomaaliyeed waxa ay kumanaan sanno la daalaa dhaceysaa kala qoqobnaan tiro badan, laga bilaabo faquuq illaa hanyaraan. Dhaqanka Soomaaliga waxaa uu u baahan yahay in la kala hufo oo aad loola dagaallamo faquuqa siyaasiga iyo kan dhaqan ee bulshada qeybo badan oo kamid ah lagu hayo.
Wixii ka dambeeyay 1940s oo ah markii ay Soomaalida xoog u magaaloobeysay, waxaa gacanta sara helay dhaqanka bulshada Geelleyda ah oo dhaqan ahaan ka geddisan kana ad adag dhaqamada bulshada xeebaha iyo kuwa magaalka deggan. Waxaa bilowday in la fududeysto badanka dhaqanka iyo taariikhda bulshooyinkii ilbaxa ahaa. Waxaa ka dhashay in ay sameysanto taariikh Soomaaliyeed oo ciriiri ah oo badankeeda ku wareegeysay afartii qarni ee u dambeysay. Sidaas waxaa cagta loo mariyay oo ma jiraan looga soo qaaday taariikhdii qarniyada dhirirsaneyd ee bulshooyinkii kale dalka.
Haddaba madxafka qaranka haddii dib loo soo celiyo oo uu si dhab ah u shaqeeyo waxa uu door wanaagsan ka qaadan karaa awoodsiinta bulshooyinka dhaqan ahaan iyo taariikh ahaan la faquuqay. Sidaas oo kale waxaa uu qaabeyn karaa qof Soomaali ah oo qab leh, yaqaanana qofka uu yahay iyo halka uu ka yimid. Martina aan ka noqon taariikhdiisa. Haddi se ay dhici weyso oo uu madxafku gabo doorkiisa, Bulshada weligeed ayeey sidaas iskugu huursanaan doontaa oo isku faquuqi doontaa, taariikhdeedana u daba fadhiisan doontaa ummado kale.
Masha'allah waa topic qiimo leh aadna muhiim u ah waadku mahadsan tahay qaab qoraalkagi .
ReplyDelete