In ka badan 650kun oo qofood ayaa u dhimatay dagaal markiisii hore ku bilowday is khilaafka laba wadaad oo ku wada noolaa magaalada Baytulaxm ee Falastiin.
Boqortooyadii reer Romanov ee ka talineysay Ruushka iyo Khaliifadii Cusmaaniyiinta oo horaanba biyaha hoostiisa iska raadsanayay ayaa isku qabtay qaddiyadda dilka wadaadka. Nicolas kii koobaad ee Ruushka maamulayay waxaa uu ku hanjabay in uu faragelinayo dhacdada Baytulaxm, maaddaama wadaadka la dilay uu ahaa Otodhakis (Orthodox) Ruushka jaal la ah. Ha yeeshee Cabdimajiid kii koobaad ee Cusmaaniyada isna waa uu ka biya diiday.
Isla weyniga Nikolas waxa ay keentay in uu iclaamiyo dagaal ka dhan ah Turkida iyo guud ahaan dhulkii ay Cusmaaniyadda ka talineysay isagoo ciidan soo tubay dhulka hadda loo yaqaanno Romania.
Dowladaha Ingiriiska iyo Faransiiska oo saaxib dhow la ahaa Imbaraaddooriyaddii Cusmaaniyiinta ayaa kor iyo hoos ugu sheegay Sultaan Cabdimajiid I in ay hiil iyo hoo ba diyaar ula yihiin.
Faragelintaas waxa ay Faransiiska iyo Ingiriiska ka dhex arkayeen isbalaarinta Ruushka ee bariga dhexe iyo bariga badweynta Miditareliyaanka taas oo halis ku ahayd dhabbaha ganacsigooda ee illaa Hindiya dhirirsanaa.
Labada quwadood ayaa is hortaagay sabab kasta oo keeni kartay in Ruushka uu door ku yeesho waxa ka dhex jira dhulka Cusmaaniyaddu maamusho. Taas waxa ay keentay in ay gorodda is daraan Turkida, Ingiriiska, Faransiiska iyo maamulkii Sardiniya oo dhinac ah iyo Ruushka oo dhinac kale ah.
Waxa aan rabo ma ahan in aan ka sheekeyo dagaalkaas taariikh ahaan ha yeeshee waxaa jira dhacdooyin muhiim ah oo uu dagaalkaas uu watay waayo waxaa uu la kowsaday bilowgii horumarka tiknolojiyadda cusub.
Markii ugu horreysay ee dagaal weyn loo isticmaala baaruudda qaraxda ayuu ahaa. wakhtiyadaas ku aadkeeda dowladaha waa weyn ayaa horumariyay baaruudda iyo noocyadeeda kala duwan. Sidaas oo kale waxaa horumar laga sameeyay weerarrada dhanka badda ah maaddaama la casriyeeyay maraakiibta dagaalka.
Aaladda Telegraph ka dhambaallada la iskugu diri jiray oo xilliyadaas hanaqaadday ayaa door fiican ka qaadatay xogta iyo xog ogaalnimada dagaalka.
Markale dagaalkaas waxaa lagu bartay shakhsiyadda William Russell oo ahaa weriyihii ugu horreeyay inta la ogyahay dagaal weyn kasoo warama. William oo la shaqeynayay shabakadda Times ee London fadhigeedu yahay ayaa 22 bilood kasoo waramayay dagaalka Crimea waxaana ay ahayd shaqo nooceeda ku cusub warbaahinta.
Tareennada iyo qadadka tareennada ayaa iyagana door fiican ka ciyaaray dagaalkaas.
Florence Nightingale oo ahayd gabar dhallinyaro ah oo Ingiriiska u dhalatay ayaa go’aansatay in ay dhaydo oo baxnaaniso dhaawacyada askarta xulafada. Waxaana ay saldhig ka dhigatay magaalada Istanbul.
Waxa ay kasoo dhalaashay doorka saraakiisha caafimaadku ku leeyihiin dagaallada oo horteed aanan ahayn door aad u muuqda. Waxa ay u nisbeeyaan in ay ahayd qofkii ugu horreeyay ee bilaaba shaqada kalkaalisannimada xilliyada dagaallada. “Habartii Kaarbuunnada wadatay” (the Lady with Lamp) ayeey ugu magac dareen maaddaama gabbal dhacyada ay aad u shaqeyn jirtay.
Suugaanyahankii reer Ruush ee Leo Tolstoy ayaa isagoo dhallinyaro ah qeyb ka ahaa dagaalkan waxaana uu ahaa horjooge koox qaabbilsaneyd lidka diyaaradaha. Saameyn xooggan ayuu dagaalkan ku lahaa sameysan ka Leo, waxaase ay u badan tahay waaya aragnimadiisa dagaalkan uu door fiican ka qaatay shaqadiisii Dagaal iyo Nabad (Peace and War).
Ugu dambeyn caawa oo kale sannadkii 1856dii ayaa magaalada Paris lagu saxiixay heshiiskii lagu soo gabagabeynayay dagaalkii daba deeraaday ee Crimea kaas garaaftay nafaha ku dhawaad hal milyan oo qofood.
Markale 166 sano kaddib waxaa magaalada Istanbul hadda ka socda dadaallo lagu doonayo in lagu heshiisiiyo oo xabbad joojin loo dhex dhigo dowladaha Ukrain iyo Ruushka ku dagaallamaya qeybo kamid ah dhulkii la oran jiray Qiram ama Crimea.
Waa adduun iyo xaalkiisa e labadan dowladood ayaa muddo ka hor mar hoos harsanayay boqortooyadii reer Romanov maanta se boqnaha ayeey is jareen oo waa tan Ruushku Ukrain is umula dooxaya.
Markii ugu horreysay ee aan dagaalkan sheekadiisa maqlo waxa aan ku dhex akhriyay sheeko faneedda Gardinia taas oo si kor ka xaadis ah uga warameysay dhacdadan.
Comments
Post a Comment